
“Waa Madaarkaas waa Halaq Mareen, Waa Madaxtooyadaaas waa Halaq Mareen Kale, bisha sideedeeddii boqol suldaan baa loo yeedhay oo la yidhi nimankan qaabila 18-kii may-na madaxweynahay la joogeen, waana khiyaamo qaran.” Ayuu yidhi Mudane Boobe.
Waxa uu sheegay in la jabiyey Distoorka Somaliland, iyadoo la dhinac maray Qoddobo sheegayey inaan labada dhinac wax kulamo ah oo aan Somaliland dani ugu jirin iskugu iman Karin, waxana uu yidhi
“Qoddobka Labaad ee Wax laga Beddelay wax aka mid ah shir kasta oo lagu hayo dano Somaliland oo aan ka hor imanayn Qaranimada Somaliland xukuumaddu way ka qayb geli kartaa. Walaa caaqil baan caaqil la kulmi Karin, walaa suldaan baan suldaan la kulmi Karin, Qoddobada waxa ku jirta gaadiidka qaada, dayuuradda qaaddaa maxkamad baa la taagayaa, waxaasaa la inoogu sheekaynayaa markaasaa halkan aynu iska joognaa oo aynu rumaysanaynaa.”
Waxa Boobe dhaliilay dhacdooyinka inta Badan madaxtooyada ka dhaca ee Madaxweynaha Shahaado-sharafyada lagu Guddoonsiiyo, isagoo ku tilmaamay mid kamid ah Astaamihii siyaad Barre, waxana uu yidhi,
“Xafladaha habeen walba u fiirsada madaxtooyada ciddii tagtaa shahaadad bay guddoonsiisa madaxweynaha, haddii aad Maanta u Baahatana shahaado ayuun baad sii qaadanaysaa. Qolada ganacsatada ahna waxa seegtay inay warshadihii billadaha samaynayey keento.”
Waxa uu Boobe Yuusuf Ducaale Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyey in Haddii uu ka dhabaynayo Khudbadii uu 18-kii May Jeediyey inuu ugu horrayn Oodda ka qaado Xarumaha Warbaahineed ee Xayiran,
“Madaxweynuhu shalay 18-kii May markii ka Hadlayey waxa uu yidhi Dhalilaha waanu isa saxaynaa, laba mid bay noqonaysaa oo ah ama waa Hadal la iska yidhi oo dhegihiina loogu talo galay, ama waa is beddel ka socda Madaxtooyada wax khayr leh ka fili maynee, Dabbadeedna waxanu ku leenahay Madaxweynaha Hal imtixaan baa ku hor yaalla oo Hubaal iyo Haatuf ayaa u imtixaan ah Haddii aad Dhaliil qaadanayso oo aad Gal-daloolooyin Buuxinayso Saa Waad Diidday Ta ka dhacda waa la Arki Doonaa.”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment