Monday, May 26, 2014

Midowga Yurub Oo Si Kulul U Cambaareeyey Qaraxyadii Djibouti Ka Dhacay Oo Khasaarahoodu Sii Ballaadhay

Brugseles:May 26, 2014(Himilo)-Midowga Yurub ayaa si adag u canbaareeyay qaraxyadii dhawaan lala eegtay Maqaaxida ku taalla Dalka Djibouti,  kuwaas oo Geystay Dhimasho iyo Dhaawac.

ashton Catharine Ashton oo Midowga Yurub u qaabilsan Siyaasadda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay inay ka xun yihiin Qaraxaas, iyadoo Tacsi u  dirtay Dalka Djibouti iyo Dadkii ay dhibaatadu sida gaarka ah u taabatay.

Waxa ay ku  baaqday in caddaaladda la horkeeno dadkii arrintaas ka dambeeyey oo aan la cafiyin, iyadoo muujisay inay Weerrarada noocan oo kale ahi ay Halis gelinayaan Amniga dalka Djibouti.

Waxaa kaloo ay sheegtay in Midowga Yurub uu garab taaganyahay dowladda Jabuuti si looga hortago kooxaha argagaxisada ah ,iyadoo tilmaamtay in la sii wadi doono taageerada ay siiyaan dowladda Jabuuti oo dhinacyo badan isugu jirta.

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay  in xoogga la saari doono sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii falkaas soo abaabulay, isagoo xusay in arimaha cayn kan oo kale ah ay caqabad ku noqon karaan kaalinta Jabuuti ee xasiloonida geeska Afrika.

 

Ugu danbayntii warar soo baxay maanta galinkii hore ayaa sheegaya in tirada dhimashada ee qaraxaas ay sii korodhay ,isla markaana ay gaadhay 20 ruux halka dhaawucuna uu yahay 15-qof  oo kale, waxana laamaha dowladda ay mar horeba  sii bilaabeen baadhitaanno lagu baadi-gaabayo dadkii ka danbeeyay  qaraxan.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment