“Shirguddoonkii Shirweynuhu Liiska immika halkan yaalla ee ay soo saareen waxaa ku yaalla xubno fara badan oo ay iyagu beddeleen.” Maxamed Kaahin Axmed
“Shaley Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddoomiye ahaa isagaa magacaabayay Guddida Fulinta, maantana Muuse Biixi ayaa ah, isaga ayaana magacaabaya.” - Maxamed Kaahin Axmed.
“Shan qodob oo aan shirku soo qaadin bay yidhaahdeen shirkii baa ansixiyey waa beentii qarniga u waynayd, waana waxaan la aqbali karin. Waxay ku hadleen sharci maaha..” Muuse Biixi Cabdi
“Qaybtaas Shirweynuhu doorto ee Guddiganna ay ahayd inay sii daayaan waxay ahayd 280-kaas,
Liisaska loo keenayeyna waxay ahaayeen uun 280-kaas..” Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel)
Hargeysa, 24 May, 2014 (Himilo)- Hoggaanka Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa gaashaanka ku dhuftay oo qaaddacay sharcinnimada Liisaska Magacyada iyo tirada xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta ee Xisbigaas oo ay habeen-hore Hargeysa kaga dhawaaqeen Xubnaha Shir-guddoonkii Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE oo bishii hore la qabtay.
Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee wakhtigiisu dhammaaday Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) iyo Xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa Shir Jaraa’id oo ay shalay galab ku qabteen xarunta Xisbiga ee magaalada Hargeysa, waxay ku sheegeen in Liisaska ay Shirguddoonkii Shirweynihii saddexaad ku dhawaaqeen habeen-hore yahay mid sharci-darro ah iyo awood aanay sharci u lahayn, isla markaana aanay oggolayn oo aanay waxba ka jirin sharcinnimadooda.
Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ugu horreyn ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay Xubno ka tirsan Hoggaanka Xisbigu ku qabteen Hargeysa, waxaanu yidhi; “Waxaan ummadda u qeexi doonaa warkii shalay ka soo yeedhay Shir-gudoonkii Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga ee dhammaaday, hadal ay shalay Saxaafadda ka soo daayeen iyo go’aammo iyaga ku kooban waxaan doonayaa inaan caddeeyo inaanay sharciga Xisbiga meelna ka waafaqsanayn. Qodobbadaa ay ka hadleen badankoodu may ahayn wax shirku soo qaaday iyo go’aammo shirku leeyahay.”
“Sideedaba Shir-guddoon Shirweyne wuxu shaqeeyaa oo uu awood leeyahay waa inta shirku fadhiyo, marka shirku dhammaado dee shirku wuu dhammaaday oo Shir-guddoon maaha. Markay shirka guddoominayaanna hawsha ay qabtaan maaha awood ay iyagu leeyihiin ee ay shirka ku leeyihiin, waxay ururiyaan doodaha, go’aammadii, isu-duwiddii iyo hadalka Shirka oo ay qaybiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi.
Muuse Biixi waxa uu intaa sii raaciyey oo yidhi; “Markuu shirku xidhmay waxaa laga sugayey inay go’aammadii shirka ay soo ururiyaan oo la wada ogaa oo Saxaafadda laga daawanayey. Waxa kale oo aan anigu Guddoomiye ahaan u oggolaaday maaddaama oo aanay Liistadii Golaha dhexe aanay soo hoyan oo ay ahayd inay shirweynaha ku soo hoyato ay soo ururiyaan iyadoo loo raacayo sharciga Xisbigu sida uu dhigayo, ka dibna ay noo keenaan, dabadeedna aannu hubinno inay Sharciyadda waafaqsan yihiin, khilaafna aanu ka jirin, sidaasna uu Golaha dhexe ku bilaabo hawshiisa.”
“Waad ogeydeen oo shirku wuxu go’aamiyey laba qodob: Shirku wuxu doortay Guddoomiye, Afar Ku-xigeen iyo Xoghaye, waa loo codeeyey, waa la hayaa la iskuma khilaafsana. Shirku wuxu kordhiyey Boqol xubnood oo Golaha dhexe lagu daray waa loo codeeyey, Shirka go’aammo kale oo ka soo baxay iyo doodo kale oo ka dhacay midna ma jirin. Wuxu waxa uu go’aan noqdaa oo la aqbalaa marka uu Shirku codeeyo ee la yidhaahdo intaasaa oggolaatay iyo intaasaa diidday, wixii lagu doodayana waa in sidaas loo helaa. Shan qodob oo aan midna Shirki soo qaadin ayay ku sheegeen in shirki go’aamiyey.” ayuu yidhi Muuse.
“Waa qayrul-sharci, waa waxaan meelna sharciga Xisbiga kaga oollin, waana Gar-darro caddaan ah Xisbiguna ma aqbalaayo, wax jirana maaha, iyagaanay ku kooban tahay…Shan qodob oo aan shirka ajandihiisa ku jirin oo aan shirku soo qaadin bay yidhaahdeen shirkii baa ansixiyey waa beentii qarniga u waynayd, waana waxaan la aqbali karin. Waxay ku hadleen sharci maaha ee waa wax iyaga ku kooban.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sharcinnimada go’aannada ay Shirguddoonkii Shirweynaha saddexaad shaaciyeen.
Muuse Biixi oo ka jawaabeyey su’aal laga weydiiyey tallaabada ay qaadayaan maaddaama oo ay qaaddaceen sharcinnimada Liiska Warbaahinta galay ee lagu dhawaaqay, waxa uu yidhi; “Masuuliyadda Xisbiga iyaga waxba uga dhegaysan maayo. Waa niman iska hadlay, Guddiga fulinta waan soo magacaabaynaa, Golaha dhexana dib baannu beelaha uga hubinaynaa Liisaska wixii sax ah iyo wixii qalad ah, iyaguna waa nimankaa iska hadlay.”
Sidoo kale, waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu yidhi; “28 iyo 29-kii bishii hore ayay ahayd muddadii uu socday Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga KULMIYE, 29-kii April buu dhammaaday shirku, Shirweyne kasta marka lagu guda-jiro waxa haga oo hoggaamiya Shirguddoon uu doortay. Qabyooyinkii Shirweynahayaga waxyaabihii ka dhinnaa ayaa waxay keentay hoggaanka Xisbiga, Guddoomiya iyo Guddoomiye-ku-xigeennada inay sii wada-shaqeeyaan Shir-guddoonkii hore ee Golaha dhexe. Si kastaba ha u soo socotee illaa bishan aynu ku jirno 23-keedii oo shalay (dorraad) waxaannu u wada shaqaynaynay si joogto ah.”
Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in sababa jira awgood uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE u xil-saaray inay soo ururiyaan Liiska Golaha dhexe, maaddaama oo aanu Shirweynihii Xisbigu dhammaystirin hawshooda, waxaanu yidhi; “Arrinkaa si joogto ah baannu uga wada-shaqaynaynay, shalayto qaraarka may soo saareen, waxay yidhaahdeen Madaxtooyada ayaannu ku qaban-lahayn qaraarkan (shaacintiisa) ee Guddoomiyahaa diiday. Anigu shalayto (Khamiistii dorraad) 11:30-kii ayaan kaga tegay Guddoomiyihii Shirweynaha iyo Ku-xigeennadiisii oo xubin Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ahi ka maqan yahay oo aannu isugu nimid Xafiiska Wasiirka Hawlaha guud.”
“Maalin ka hor (ku dhawaaqista) Xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga ayaannu isugu nimid, anigaa si joogto ah ugala shaqaynayay arrimahan. Waxaan ku heshiinnay Shirkii Golaha dhexe ee ka aasaasmay deegaammadii uu ka soo ururaayey waxaa liiskooda lagu soo ururinayey iyaga (Shirguddoonkii shirweynaha), dabadeedna waxay yidhaahdeen caawa (habeen-hore) ayaannu doonaynaa inaan Madaxtooyada isugu nimaadno.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Waxaanu Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE intaa sku daray oo yidhi; "Dabadeedna waan isla eegnay oo waxaan ku idhi; ‘Liiska Guddoomiyaha iyo Xubnaha kale ee hoggaanka Xisbiga weli islamaydaan eegin, ee miyaanay ku fiicnayn intaynu innagu isla eegno oo isla dhammaystirno, ka dibna u tagno Madaxweynaha oo aynu ballan ka qabsanno?’ waxaannu isla oggolaannay inaannu shirkii xalay (habeen-hore) joojinno, Sabtidana (maanta) isu nimaadno, dabadeedna xalayto fiidkii ayuun baa la ydihi; ‘Nimankii Odayaasha ahaa qaraar bay soo saareen.”
“Waxay soo saareen Liiskii Ergooyinka oo Ergo walba degmooyinka soo jeediyey oo xubnihii Ergada Shirweynaha oo Waayeelkii iyo Waxgaradka Deegannadu u soo xusheen ayaa la soo saaray. Liiska immika halkan yaalla ee ay soo saareen waxaa ku yaalla xubno fara badan oo ay iyagu beddeleen.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Kaahin, waxaanu intaas ku ladhay; “Qodobka labaad Saaxiibbadayo waxay halkan ku soo qoreen Liiska Guddiga Fulinta oo ay yidhaahdeen waxa ansixiyey Shirweynihii oo aanay taasina jirin oo aan meelna lagu soo hadal-qaadin, waayo? Guddiga Fulintu sida uu u abuurmayo qodob dhan oo Dastuurka Xisbiga ka dirsan baa ka hadlaya, Shirweynihii waxa lagu daray toddoba Xubnood oo aan weliba loo codaynin.”
“Madexweynaha Somaliland isagaa magacaaba Golaha Wasiirrada ninkii la jecel iyo ninkii la neceb yahay distoorkaa siiyay, Madexweynayaashii ka horreeyeyna dastoorkaa siiyay, kuwa dambena distoorkaa siinaya, Gudoomiyahana Distoorkaa Siinaya, shaley Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddoomiye ahaa isagaa magacaabayay Guddida Fulinta, maantana Muuse Biixi ayaa ah, isaga ayaana magacaabaya.” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Guddoomiyaha Koowaad ee KULMIYE, waxa uu sheegay in Shirci ahaan cidda keliya ee awood u leh magacaabista Guddiga Fulinta iyo Guddoomiye-yaasha gobollada ee Xisbiga ay tahay keliya Guddoomiyaha Xisbiga, hase-yeeshee waxa uu sheegay inay taas garab-mareen Xubnaha Shir-guddoonkii Shirweynuhu, isla markaana siday Guddoomiyihii yihiin magacaabeen toddoba Guddoomiye gobol, waxaanu xusay inay si cad u jabiyeen qodobbo badan oo ka mid ah qoddobbada Dastuurka Xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sharxay qaladaad sharci oo uu sheegay inay xubnaha Shir-guddoonkii Shirweynaha saddexaad galeen, waxaanu yidhi; “Shirguddoonkii Shirweynaha saddexaad ee KUKLMIYE, 364 Xubnood oo Golaha dhexe ah ayay Shaaciyeen. Iyagu waxay ahaayeen Shir-guddoonkii Shirweynaha, Shirweynuhuna wuxu soo dooranayey 280 Xubnood oo kaleiya. Golaha dhexe laba qaybood buu isugu jiraa, qaybi waa toos oo waa Dastuuri, qaybtaa Dastooriga ahi way is-bedbeddelaan sida qolada gobollada oo kale oo marka xubin gobolka ah la rido hadba ninka Kursiga ku fadhiya ayuun baa yimaadda oo beddela. Qaybina waa qaybta uu Shirweynuhu doorto oo aan iyagu is-bedbeddelin. Qaybtaas Shirweynuhu doorto ee Guddiganna ay ahayd inay sii daayaan waxay ahayd 280-kaas, Liisaska loo keenayeyna waxay ahaayeen uun 280-kaas.”
“Tirooyinkan kale ee ay qoreen, Guddigan fulinta ee ay qoreen, Guddoomiyeyaashan gobollada ee ay qoreen, Liisaskan Baarlamaanka ee ay qoreen waxaas oo dhami may ahayn shaqada Guddigan. Shaqada Guddigani waxay ahayd 280-ka xubnood ee Shiweynuhu dooranayo ee Liisaskooda loo soo gudbinayey uun inay qabtaan, ka dibna ay liiskooda Guddoomiyaha Xisbiga u soo gudbiyaan, Guddoomiyaha Xisbiguna markuu Liiska 280-kaas la hubiyo uu ku dhawaaqo isugu yeedhista Xubnaha Golaha dhexe, maalinta u horraysa ee ay isu yimaaddaanna ka hor inta aan la dooran Guddoomiyaha Golaha dhexe waxa Guddoominaya fadhigooda Guddoomiyaha Xisbiga, dabadeetana waxa la dooranayaa Guddoomiyaha Golaha dhexe.” Sidaa ayuu yidhi Jaamac-Shabeel.
Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo gebo-gabadii shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inay habboonayd inay Guddigaasi xidhiidh la soo sameeyaan Xafiiska Xisbiga, gaar ahaan isaga oo ah Xoghayaha guud ee Xisbiga oo ay ka heli lahaayeen wixii xog sharci iyo xallin ah ee ay u baahnaayeen, balse aanay taasi dhicin.
“Waxay na weydiiyeen ma jirin, noomanay iman, markii hore Ambassator Hutel bay joogeen xubnahani, markii dambena Xero Millateri bay la galeen oo ah Wasaaradda Gaashaandhigga, qaladaadkaas dhacaya waxa halkan ku jira illaa shan qodob oo aan ahayn go’aan ama xal ka soo baxay Shirweynihii ayay ku darsadeen oo ay leeyihiin waa naloo igmaday, taasi maahaba qalad ee waa dembi cad, wixii laga yeelayo iyo sida loo xallilayana Dastuurka Xisbiga ayaa sheegaya.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.
Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid waxa uu sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE sida uu sharcigu siiyey soo magacaabi doono Guddiga fulinta ee Xisbiga, waxaanu yidhi; “Sida uu qodobka 24-aad ee Dastuurka KULMIYE sheegayo Guddoomiyaha Xisbiga iyo Golaha dhexe-ba inta laga gaadhayo Shirka Golaha dhexe, isagaa qodobkaa 24-aad u igmaday inuu soo magacaabo Guddiga Fulinta ee Xisbiga. Guddoomiyuhu wuu galayaa hawshiisii, wuxu soo magacaabayaa Guddiga Fulinta, waxaanu hor-geynayaa Shirka u horreeya ee Golaha dhexe oo lagu ansixinayaa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment