Friday, May 30, 2014

“shantii caruur ahaa iyo anigii qori dabadii bay nala dhaceen, Cabdilaahi-na way toogteen oo ilaahay uun baan tiisii ka dhigin,” Xaaska Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga

Hargeysa:May, 30,2014(Himilo)-Saamiya Maxamed Cali xaaska Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland, ayaa si weyn uga Cabatay Talaabooyinkii lagu xidhay Saygeeda oo keenay Khasaare Nafeed iyo Mid Maalba oo saa gaadhay Aqalkii ay degenaayeen.

saamigya Marwo Saamiya oo Warbaahinta la Hadashay, ayaa tilmaamtay in Ciidanka RRU-du ay si arxandarro ah ula dhaqmeen, isla-markaana aqalka dhexdiisa ka sameeyeen Tallaabooyin Halis ku ahaa Qoyska Halkaas ku Nool.

 

Marwadu waxay tilmaamtay ciidamadu Garaacis Badan u Geysteen, isla-markaana ay ku rideen Rasaas Nool Nool oo keentay in mid ka mid ah Dadkii Guriga ku Noolaa uu dhaawacmo.

 

“ilaa iyo saacad iyo badh bay na garaacayeen gurigu meel nool ma leh shanti caruur ahaa iyo anigii qori  dabadii bay  nala dhaceen, Cabdilaahina way toogteen oo ilaahay uun baan tiisii ka dhigin, meeshii ay xabadda ku dhufteenna waan idin tusay,” ayey Tidhi Marwo Saamiya.

 

Waxa kale oo ay Marwo Saamiya Tilmaantay in Dahab iyo Alaabooyin kale oo aqalka u yaallay ay weydiiy, iyadoo Ciidamada ku Eedaysay inay Qaateen, waxana ay tidhi,

“Aqalkana way Baadheen, Dahabkaygii baan Haatan tabay oo ay qaateen, Moobiladdayadiina way qaateen, Cabdilaahi Haddii ay doonayan Magaalada ayuu joogay”

 

Ciidanka RRU-da ayaa Habeenkii xalay u daatay Aqalka Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga, iyagoo xabsiga dhigay, waxana Hawlgalkaas ka dhashay Khasaare dhinacyo badan leh.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment