Tuesday, May 27, 2014

Halkan Ka Akhri Magacyada Guddi uu Maanta Saleebaan Gaal U Magacaabay Xal u Helidda Xisbiga Kulmiye

Hargeysa:May,27,2014(Himilo)-Guddoomiyaha GolahaGuurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Maanta Magacaabay Guddi ka qayb qaadata Daminta Xiisadda ka dhex aloosatay Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye.

saleebaanGuddida Guddoomiyaha Guurtiddu magacaabay waxay dhan yihiin shan iyo toban xubnood oo saddex ka mid ahi yihiin shirguddoonka, halka laba iyo toban xubnood ee kale  ay yihiin Xubno  xildhibaanada ka mid ah.

 

Xubnaha uu Maanta Guddoomiye  Saleebaan Magaacabay ayaa kala ah sidan soo socota:

kala yihiin:-

 

Xildhibaan Cabdi Xuseen

Xildhibaan Muxumed Aw Maxamed

Xildhibaan C/qaadir Aw Xuseen

Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan

XildhibaanYuusuf C/laahi Cawaale

Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed

Xildhibaan Maxamed Jaamac Abokor

Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed

Xildhibaan Sheikh Maxamuud Xirsi Faarax.

 

lama oga goorta ay Guddidani bilaabi doonto dhex dhexaadintooda, hase yeeshee waxa kale oo dhinaca kale jira dhaqdhaqaaqyo kale oo Salaadiin iyo dad kale oo la soo dhaqdhaqaajiyey wadaan, kuwaas oo aan illaa hada iyana biyo dhigin.

Inkastoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo xisbiga lagu badbaadinayaa Haddana waxa socda Tallaabooyin ay labada dhinac wali wadaan, kuwaas oo sabab u noqon kara in la sii kala fogaado.

 

imilo Media

No comments:

Post a Comment