Wednesday, May 28, 2014

Dhedhexaadin Maanta Si Ramsi ah Looga Dhex Bilaabay Garabyadii is Khilaafsanaa ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa:May,28,2014(Himilo)-Waxa Maanta si rasmi ah u Bilaabmay Dhexdhexaadin laga dhex wado xisbiga Talada Somaliland  haya ee Kulmiye oo ayaamahan dambe Khilaaf ragaadiyey.

sisisiWararka aanu Hayno ayaa sheegaya in Guddidii Dhexdhexaadinta ahayd ee uu Guddoomiyaha  Guurtidu u saaray Turxaan-bixinta Khilaafkaasi ayaa Maanta Gelinkii hore Kulamo la qaateen Madaxweynaha Somaliland oo isagu daraf ka ah Dhinacyada isku Haya Arrimaha Xisbiga Kulmiye ee Talada Haya.

Kuladamadaas ayaa la sheegayaa in la isku af gartay in khilaafka la joojiiyo, isla-markaana xaaladda lagu soo celiyo caadigeedii, waxana  uu madaxweynuhu Guddidaas u sheegay inuu diyaar u yahay soona dhaweynayo hawlaha khilaafka lagu yaraynayo ee la Bilaabay.

Guddidan ayaa madaxweynaha ka codsatay inuu Waayeelnimo arrinta ka muujiyo, isla-markaana uu dhinaca taageersan ku qanciyo inay arrinta dhulka dhigaan si aanay xaaladdu meel xun u gaadhin.

Sidoo kale waxa ay Guddidan haatan kulamo la leeyihiin Garabka Muuse Biixi, waxana la filayaa inay turxaan-bixintoodu Muddo badan qaatado.

Talaabadan ay qaadeen Guddidan Guurtida ahi ayaa la filayaa in dhawaan ay ku soo Biiraan Xubno kale oo waxgarad iyo Salaadiin iskugu jiraa, waxana gurmadka arrintan laga wadaa Meelo badan oo dalka ah.

Khilaafka Xisbiga kulmiye soo kala dhex galay ayaa warwar badan ku abuuray shacabka Somaliland, waxase Haatan Arrintani u muuqataa mid dib u soo celin karta Yididiilada iyo Mooraalka Bulshada.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment