Wednesday, May 28, 2014

Xisbiga WADDANI oo iftiimiyey Ifafaale haddii aan laga hortegin, KULMIYE ku Ridaya Jidkii sahayday UDUB, kana hadlay Rejada ay ka qabaan Doorashooyin Xilligooda ku Qabsooma




“Khilaafka haddii Middi-middi ku taagta laga daayo oo qawaaniinta loo raaco, waxaan aaminsanahay inuu koobnaanayo oo heshiis mug lehna laga gaadhi karo” – Ibraahim Mahdi Buubaa…


                                                                                            


“Waxaanu ugu baaqaynaa inta ay doorashooyinka iyo diiwaangelintu khusayo in deg-deg laysugu yimaaddo oo laga gaadho go’aan rasmi ah oo daawo iyo xal u noqda arrimahaas iyo…” – Ibraahim Mahdi Buubaa…


 


Hargeysa, 28 May, 2014 (Himilo)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay khilaafka Sharci ee ka dhex-aloosan Hoggaanka ugu sarreeya Xisbiga Kulmiye oo dhinac iyo dhinaca Xukuumadda ah, waxaanay ka digeen khatar la mid ah dariiqii galaaftay xisbigii UDUB inuu saamayn ku yeelan doono Xisbiga talada dalka haya haddii aan xal deg-deg ah loo helin khilaafaadka jira oo xilligan maraya heerkii ugu sarreeyey.


Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buuba oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inaanay xisbi ahaan raalli ahayn ismaan-dhaafka ka dhex jira xisbiga Kulmiye, isla markaana aanay raalli ka ahayn turraan-turro ku timaadda xisbiga Qaranka, sidaas awgeedna ay ku baaqayaan tallaabo wax-ku-ool ah oo loo qaado in khilaafka jira xalkiisa loo maro shuruucda Xisbiga iyo qawaaniin dalka u dejisan.


Gudoomiyaha-guddida-joogtada-ah-ee-Wakiilada-Ibraahim Mahdi oo shalay magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta qaarkeed, waxa kale uu ka hadlay rejada iyo kalsoonida ay xisbi ahaan ku qabaan inay doorashooyinka madax-weynaha iyo Baarlamaanka oo loo muddeeyey dabayaaqada sannadka dambe ku qabsoomaan isla markaana aanay dib uga dhicin xilliga loogu talo-galay.


Ugu horeyn, isaga oo ka hadlayey aragtida xisbi ahaan ay ka qabaan khilaafka hadheeyey Xisbil-xaakimka, waxa uu yidhi, “Xisbiga Kulmiye Xisbi Qaran, Axsaabtuna muhiimad iyo Qiimo ayay ugu fadhiyaan Qaranka, burburkooda iyo khilaafkooduna waa wax dhaawac ku ah guud ahaan qaranka. Sidaas dartee, mana jeclin marnaba axsaabta qaranka mid ka mid ahi inuu turun-turroodo ama gudihiisa khilaaf ka yimaaddo. Waxase aan odhan lahaa khilaafka maanta taagan ee foosha xun ee aad iyo aadka u baahsan ee Kulmiye Dhex yaala, oo aan leeyahay ku soo noqda saaxadda nabadda, sharciga iyo qawaaniinta xisbiga iyo dalka u yaala.


Khilaafka haddii Middi-middi ku taagta laga daayo oo qawaaniinta loo raaco, waxaan aaminsanahay inuu koobnaanayo oo heshiis mug lehna laga gaadhi karo. Sidaas awgeed, waxaan ugu baaqayaa inay shuruucda Xisbiga iyo dalka u yaala oo Xeer No 14 ka mid yahay loo raaco khilaafkooda oo dawadiisa halkaas ka raadiyo, deg-degna loo soo af-jaro.”


Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey, “Haddiii uu khilaafku halkaas ka sii socdo oo xal loo waayo inay natiijadiisu noqon doonto mid fool xun, waxase aanu xisbi ahaan rejaynaynaa in arrintaa xal loo heli doono, xisbigan Qaranna aanu noqon mid naga burbura oo raaca waddadii uu maray xisbigii hore ee UDUB,” sidaas ayuu yidhi Md Buubaa.


Dhinaca kale, Afhayeenka Xisbiga Waddani waxa uu dhinacyada doorashooyinku khuseeyaan ugu baaqay in laysugu yimaaddo kulan lagaga arrinsanayo sidiii laga yeeli lahaa muddo-xileedka guddiga doorashooyinka Qaranka gabaabsi ku dhow iyo culayska isaga saaran ee Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo Diiwaangelinta Madaniga ah oo uu iyada sheegay inaanay xukuumaddu u gudbin Goleyaasha Xeer-dejinta sharciyaddii ay lahayd. Waxaanu yidhi, “Komishankan immika shaqeeya annagu xubin kuma lihin, muddadiisiina waa iska gebo-gebo. Diiwaangelintii baa immika wakhtigeedii lagu jiraa, mid kale oo Madani ah oo aan sharciyaddeedii Golaha la horkeenin-na waa la wadaa. Waxaas oo culays ah oo is-dulsaaran iyo muddada u hadhsan Komishanka oo aad u gaaban, waxaanu jecelnahay annagu xisbi ahaan in dood laga galo oo axsaabta Qaranka, Deeq-bixiyeyaasha, Komishanka laftigooda iyo xukuumaddaba dood laysugu yimaaddo oo lagu bisleeyo lana abuuro xalka muddadaas soo gaaban ee Komishanka doorashooyinka, miyeynu isku raacnaa inaynu beddelno, Miyeynu isku raacnaa inaynu muddo-kordhin u samaymayo? Iyo Wixii danta iyo dawada Qaranku ku jirto, ayaa danta xisbigana ku jirta. Markaa waxaan odhan lahayn, kol haddii wakhtigii Komishanku uu dhammaad yahay oo bil iyo badh wax la mid ahi ka hadhsan yihiin, diiwaangelintii Codbixinta iyo doorashooyinkiina isa saaran yahay oo muddo yar oo aad u gaaban ka hadhsan yihiin, in lagu amba-baro xilliga ay waxaasi soo wada-istaagaan ma fiicna, waanu ka qaylinaynaa, waxaanu ugu baaqaynaa inta ay doorashooyinka iyo diiwaangelintu khusayo in deg-deg laysugu yimaaddo oo laga gaadho go’aan rasmi ah oo daawo iyo xal u noqda arrimahaas iyo culayskaa badan ee isa saaran ee maanta dul-hoganaya komishanka doorashooyinka.”


Mar la weydiiyey rejada ay ka qabaan inay doorashooyinku ku qabsoomaan xilliga loo muddeeyey ee dabayaaqada sannadka dambe, waxa uu xildhibaan Buubaa ku jawaabay, “Annagu ma aaminsanin inay doorashadu dib u dhacayso. Haddii Guntiga dhiisha laysaga dhigo oo wakhtiga la haysto laga faa’idaysto, dhinacna loo wada-dhaqaaqo oo isku aragti laga noqdo sidii xal loogu heli lahaa arrimahaas oo dhan, waxaanu aaminsannahay in diiwaangelitu qabsoomi karto, doorashaduna ay xilligeedii ku qabsoomi karto. Markaa waxaanu leenahay, way joogtaa xilligii diiwaangelinta la qaban lahaa, way joogtaa xilligii diyaar-garowga Doorashada la geli lahaa, wayna joogtaa xilligii Komishanka doorashooyinka muddadiisa dhammaatay xal laga gaadhi lahaa,” ayuu yidhi Md Buubaa.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment