Saturday, May 31, 2014

KULMIYE: Garabka Muuse Biixi oo ka Jawaabay Baaq Guurtidu u jeedisay iyo Shirkii ay Kooxda Xukuumaddu shaaciyeen oo Berri ku Muddeysan




Arrintiina (Dhex-dhexaadinta) Guurti ahaan waanu wadnaa. Dhinacna wuu na aqbalay, dhinacii kalena hadalkii wuu noo socdaa, kamaanaan bir-dhigin,” Saleebaan Maxamuud Aadan


 


“Qaran kuma dhismo, waxbaan muquuninayaa iyo waxbaan kala jiidanaynaa” – Guddoomiyaha Guurtida




Hargeysa, 31 May, 2014 (Himilo)- Garabka Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo dhowaan shaaciyey Shirka Golaha Dhexe ee Xisbigaas oo loo muddeeyey 31-ka May bisha May oo maanta ku beegan, ayaa daboolka ka qaaday inay hakiyeen qabsoomista shirkaas, ka dib markii sida ay sheegeen ay aqbaleen baaq uga yimi Guddi is-xilqaantay oo dhex-dhexaadin ka dhex bilowday garabka Isku haya Xisbiga.


saleebaanGuddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa todobaadkii hore dhowr iyo toban xubnood oo ka tirsan Golaha guurtida u xil-saaray deminta khilaafka ka dhex aloosan labada garab ee xisbiga Kulmiye u kala falliidhmay oo ay kala hoggaaminayaan Muuse Biixi Cabdi oo dhinac ah iyo garab u badan wasiirrada Xukuumadda oo madaxweyne Siilaanyo hormuud ka yahay.


Ergada guurtida ee isu-xilqaantay deminta khilaafka Kulmiye, ayaa hawl-galkooda ka bilaabay Kulamo ay la yeesheen dhinacyada Khilaafku ka dhexeeyo, una soo jeediyey inay ka aqbalaan dhex-dhexaadinta iyo inay dejiyaan khilaafka jira, isla markaana ay baajiyaan shirarka Golaha Dhexe ee ay labada dhinac u kala muddeeyeen 31 Bishan oo maanta ku beegan iyo 1-da Bisha June oo Berri ku beegan.


Garabka Muuse Biixi ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saareen ku shaaciyey inay aqbaleen soo-jeedinta Ergada guurtida isla markaana ay hakiyeen qabsoomidda shirka golaha dhexe ee ay muddeeyeen.


“Anagoo ka jawaabayna baaqii guddida dhexdhexaadinta ee Golaha Guurtida waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu aqbalnay baaqaa  isla markaana aanu hakinay Shirkii Golaha Dhexe ee qabsoomayey 31/5/201 maalinta Sabtida,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Kulmiye


Dhina kale guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta Golaha, ayaa sheegay in ay weli ku guda-jiraan waan-waantii ay ka dhex-wadeen labada dhinac, balse ay ilaa hadda aanay wax jawaab ka ah ka haynin mid ka mid ah labada garab ee Xisbigu u kala fadhiyo.


“Arrintiina (Dhex-dhexaadinta) Guurti ahaan waanu wadnaa. Dhinacna wuu na aqbalay, dhinacii kalena hadalkii wuu noo socdaa, kamaanaan bir-dhigin,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo shalay la hadlayey warbaahinta, isaga oo dhinaca ergada ka aqbalay u jeediyey garabka Muuse Biixi halka garabka Xukuumaddana aan ilaa hadda laga haynin jawaab-celin la xidhiidha codsiga Odayaasha guurtidu u gudbisay.


Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu baaq u jeediyey labada dhinac ee isku haya talada Xisbiga Kulmiye. “Qaran kuma dhismo, waxbaan muquuninayaa iyo waxbaan kala jiidanaynaa. Qaran wuxuu ku dhismaa in dhan wax loo wada wado.. Ilko wada-jir bay wax ku gooyaan, dhan qudhi waxba ma jaro, sidaasuunbaynu guul ku gaadhnaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu.


Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo Odayaasha Goolaha Guurtidu isku dayayaan dedaallo ay isugu soo dhawaynayaan dhinacyada isku haya xisbiga Kulmiye, isla markaana ay weli kala dhan-taalan tahay natiijo rasmi ah oo ka soo baxday dhex-dhexaadintooda, haddana dadka dadka siyaasadda dalka iyo ta xisbiga Kulmiye la socdaa, waxa ay aaminsan yihiin iuu khilaaf xisbigu intaas ka sii qoto-dheeraado haddii aanay Guddiga Dhex-dhexaadintu wax natiijo ah maanta ka helin garabka Xukuumadda oo maalinta Berri ah u muddeeyey qabsoomidda shirka Golaha Dhexe, maadaama garabkii kale ee Kulmiye ogolaaday baaqa odayaashu u jeediyeen.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


No comments:

Post a Comment