Wednesday, May 28, 2014

Shirweyne Lagu Gorfaynayo Man-hajka Waxbarashada Aasaasiga ah Ee Somaliland Oo Hargeysa Ka Furmay

Hargaysa:(Himilo)Kulan Talo Wadaagga Ah Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Hay’adda AET Oo Kaashanaysa Wasaarada Waxbarashada Somaliland Iyo Hay’adda Cfbt, Isla-markaana looga Gol  lahaa sidii Manhajka Waxbarashada Somaliland Dib loogu eegi lahaa ayaa lagu Qabtay Hutel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

ma 1Kulankan wax aka soo Qaybgalay,  Madaxda Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, Madaxda Hay’adaha Dhinaca Tacliinta ka waaciya Dalka, Hoggaanka Dugsiyada Gaarka loo leeyahay iyo Kuwa Dawliga ah, Madaxda Jaamacadaha Dalka, Culimaa’udiin, Aqoonyahano iyo Dadkale oo Khubaro ku ah aqoonta Aasaasiga ah.

 

Kulankan oo laba maalmood socon doona ayaa waxa   si mug leh loogu lafo guri doonaa Dhaliilaha uu leeyahay Manjahka waxbarashada Aasaasiga ah ee Dalku, waxana laga Filayaa inay ka soo Baxdo Natiijo wax ku Ool ah oo wax ku soo kordhin doonta Nidaamka waxbarashada hoose ee Dalka Somaliland.

 

 

 

Ugu Horeyna Agaasimaha Guud Ee  Tacliinta sare ee somaliland Abiib Axmed Cali  Oo Kulankaas ka Hadlay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo in wax ka beddel lagu sameeyo Manhajka waxbarashada Somaliland, isagoo ku adkaystay in Aqoonyahanada Meelaha kala duwan ka yimi ee shirka fadhiya uu ka filayo inay wax badan ku soo kordhin doonaa Nidaamka uu u dhisan yahay Manhajka Dugsiyada Aasaasiga ah ee Dalku.

 

“Muhiimada ugu wayni waxa weeyaan,waxa aynu eegaynaa mustaqbalka iyo Aayaha ubadkeena, waxan aynu ka hadlaynaa mustaqbalka umada,waxaana aynu is waydiinaynaa maku haboon yahay ubadkeena man-hajka ay dhiganayaan,mase yahay kii ku haboonaa ee saxda ahaa qarniga 21-aad,Habka aynu caruurteena wax ubarnaa ma yahay habkii saxda ahaa oo umada sideeno oo kale dagaalo badan soo gashay oo wakhti badani kasoo lumay horumar dag-dag ah gaadhsiinaysa.” Ayuu yidhi Agaasimuhu.

 

Agaasimaha oo hadalkiisa siiwata ayaa  Su’aal Geliyey Manhajka ay ubadka reer Somaliland dhigtaan inuu yahay mid loogu talo galay, axana uu yidhi,

“Man-hajka aynu caruurteena barnaa mayahay kii somaliland mise waakii somaliya,ubadkeena marka ay waxbarashada galayaan maku kaantaroolnaa,waxaad arkaysaan qaar da’doodu yaryar yihiin oo hadana dugsi sare dhiganaya,waxa loo baahan yahay kulankan aynu maanta iskugunimid in aynu kasoo saarno waxa aynu ubadkeena waxbarashada dhiganayaa aynu kusoo hagno,waxa kale oo aynu doonaynaa in aynu is waydiino markii ilmu yahay 5-jir maxaynu ka doonaynaa inuu waxa yaqaano,waxa aynu doonaynaa wadamada Aadka ugu horumaray waxbarashada siday ku gaadheen in aynu kasoo saarno kulankan maanta.”

 

Dhinac Kale Waxa Isna Munaasibada Hadalo Kooban Kasoo Jeediyay Agaasimaha Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Yaasiin,Waxaana Uu Ka Warbixiyay Tariikhda Kala Duwan Ee Uu Soo Maray Man-Hajka Somaliland Iyo Ujeedad Laga Leeyahay Kulankan Lagu Gorfaynayo Sidii Dalka Loogu Samayn Lahaa Dhaba Ay Marto Waxbarashada Somaliland Waxaana Uu Hadalkiisa Ku Bilaabay,

“Man-Hajka waxbarashada somaliland ee ilaa maanta soconayay ee 17jirsaday Ragii barigaas wax ka dajiyay qaarkood ayaa halkan maanta iiga muuqda,waxaana muhiim ah mar hadii wakhti dheer uu soo socday Man-Hajka waxbarashada somaliland,shacabku waxa ay tabayaan wanaagiisa iyo dhaliilihiisa,mar hadii man-Hajkii waxbarashada somaliland wakhtigaas oo dhan soo taxnaa waxa uu  maanta u baahanyahay  in dib u eegis lagu sameeyo,lana waafajiyo wakhtiga aynu maanta joogno.”

 

Agaasimaha Waaxda Manaahijta Cabdilaahi Yaasiin oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Manaahijta somaliland waxa ay ubaahan tahay in loo helo xayn daab lagu fadhiisiyo is badalka aynu rabno in aynu ku samayno manaahijteena waxbarasho ee mustaqbalka dhawba iyo kan fogba,wasaaradeena waxbarashaduna waxa ay diyaar u tahay sidii ay arintaas u fulin lahayd,taas oo keentay ka hor intaan la qaban shirkan in loo baxo gobolada dalka oo idil sidii cilmi baadhsi loogu soo samay lahaa.”

 

Guddoomiyaha Hay’adda AET Xasan Axmed Ibraahin Embassy, ayaa tilmaamay in Waxbarashada Somaliland ay Heer fiican marayso, balse loo baahan yahay in haddana aan sidaa lagu dayn  ee wax badan la iska weydiiyo oo dib loogu noqdo.

 

Xasan Embassy Waxa uu xusay in Aqoonyahanada iyo Khubarada Shirka Fadhida looga Baahan yahay inay maskaxdooda iyo Muruqooda isku geeyaan, isla-markaana  inta aanay Halkan ka tegin soo saaraan wax dhaxal gal ah oo mustaqbalka dhaw iyo midka fogba loo aayo.

Waxa kale oo uu xasan  xusay  inay jiraan Meelo badan oo u baahan in waxbarashadeena laga eego oo laga miisoomo, isagoo ku dheeraaday Goldaloolooyin muuqda oo dhinac miisaamidda Maaddooyinka la dhiganayo iyo sida loo dejiyey ah.

 

 

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada somaliland Axmed Xasan oo kulankan isaguna  ka Hadlay, ku adkeeyey ka soo qaybgalayaasha inay soo saaraan midho dhal iyo wax la manaafacaadsado oo noqda jidka  jiilasha soo kacayaa u maraan mustaqbalkooda fog, isagoo xusay in loo Baahan yahay wixii la soo kordhinayaa inay Noqdaan wax maanta wax ina taraya oo ubadka caawinaya ama ay u baahan yihiin.

 

Waxa kale oo iyaguna Halkaas Ka Hadlay Culimo badan iyo Aqoonyahanka Jaamacadaha Dalka Qaarkood, kuwaas tilmaamay meelo badan oo  Man-hajka Somaliland ee Waxbarashada Aasaasiga ahi u baahan yahay in wax laga beddelo.

 

Kulanka  oo Maana soo Xidhmi doona ayaa laga filayaa inay ka soo baxaan Natiijooyin  wax ku ool ah, kuwaas oo  wax ku soo kordhin kara Habka uu  u qoran yahay Man-hajka waxbarashada Aasaasiga ah ee Somaliland.

 

 

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment