Tuesday, May 27, 2014

Garabka Uu Hoggaamiyo Muuse Biixi Oo Shaaciyey Xilliga uu Qabsoomi Doono Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye, Kuna Ballan qaaday in Berri La Soo Saari Doono Liiska Golaha Dhexe

Hargeysa:May,27,2014(Himilo)-Garabka uu Hoggaamiye Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey xilliga ay qaban doonaan Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

tempXildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo la Safan Garabka Guddoomiyaha, isla-markaana ka mid ah Xubanaha Miisaanka ku leh xisbiga Dhexdiisa, ayaa shir jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xarunta Guud ee Xisbiga waxa uu ku Shaaciyey in Dhammaadka Bishan May la qaban doono Shirweynaha  Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay in cidda xaqa u leh inay Shirka Golaha dhexe ee xisbiga iclaamisaa aanay ahayn qoladii shalay hadashay ee Sheegtay in Bilowga Bisha lixaad ee soo socota la qaban doono shirka Golaha dhexe ee Xisbiga.

“iyadoo xisbigu awooddiisii sharciyeed isticmaalayo Golihii dhexe dhawaan baanu ku dhawaaqaynaa, shirkooda ugu horreeyana 31-Ka May ayaa la qabanayaa, waxanu raacaynaana waa Dastuurka iyo sharciyadda Xisbiga.”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

 

 

Dhawaaqan ay garabka uu hoggaaminayo Muuse Biixi cabdi ay ku shaaciyeen xililga la qabanayo Shirka Golaha iyo waliba magacaabidoodda ayaa kus oo Beegmaya xilliga maalintii shalay uun ay Garabka kale xukuumaddu wadataa shaaciyeen in kawda Bisha lixaad ee soo socota la qaban doono SHirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment