Monday, May 26, 2014

Guddidii Hore ee Fulinta Kulmiye Oo Uu Saylici Hoggaaminayo Oo Deedafeeyey Liiskii Xalay Muuse Biixi Soo Saaray

Hargaysa:May,26,2014(Himilo)-Guddidii hore ee Xisbiga Kulmiye oo uu Hoggaaminanayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa diiday sharcinimada Liis Guddi fulineed ah oo uu Guddoomiye Muuse Biixi Habeenkii Xalay ahaa Soo Saaray.

xasa iyo say Kulankan oo Maanta ka qabsoomay  Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Madaxweyne-ku-xigeenka ku Wehelinayey Xubno  tiro badan oo Guddidii  Fulinta ee xisbiga ka Tirsan, kuwaas oo u badan Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirrada, ayaa si Cad u sheegay inaanay wax la aqbali karo ahayn in Guddoomiye Muuse Kaligii iclaamiyo Liiska Guddida Fulinta, isla-markaana aanu xaq u  lahayn.

Guddida Fulinta ee lagu Ansixiyey shirweynihii Xisbiga Kulmiye waxay ku Eedeeyeen Muuse  Biixi iyo Maxamed Kaahin, inay Doc-faruur ku wadaan Xisbiga dhexdiisa, iyagoo Meel ka dhac ku tilmaamay Hadallada ka imanaya Garabka Hoggaanka Xisbiga oo ayaamahanba Socday.

Ugu horeyna waxa halkaasi ka hadlay C/kariin Xinif oo ah Madaxa Lacagta ee Comishanka HIV/Aids-ka, waxana uu tilmaamay in waxa ay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin wadaan yihiin wax ka duwan waxa Xeerka Xisbiga ku Qoran,  “Guddoomiyaha xisbiga iyo ku xigeenkiisa waxaan filayaa inaanay xeerka xisbiga akhriyin, xeerka xisbiga kulmiye-na waxa la ansaxiyay 2008kii shirwaynihii ka dhacay huteel abassatoor,Hortu xeerka xisbiga kulmiye Ayaan laga helayn meel uu guddoomiyaha xisbigu ku magacaabi karo guddida fulinta ee xisbiga kulmiye,saakana waad arkayseen oo guddoomiyuhu waxa uu soo magacaabay guddidi fulinta ee xisbiga,Guddoomiyahu waxa uu magacaabi karaa uun xoghayaasha guddida fulinta,Qasnajiga xisbiga,lakiin macnaheedu maaha inuu muuse biixi magacaabi karo guddida fulinta ee xisbiga kulmiye.” Ayuu yidhi Cabdikariin Xinif.

 

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Jamuuriyada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid Oo Ka Mid Ah Guddida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye oo isna halkaasi hadal kasoo jeediyay, waxana uu ku adkaystay In hoggaanka Xisbigu ku tunteen Xeerarkii xisbiga, waxana uu yidhi, “Nimanka shirarka jaraa’id qabanaya ee shirguddoonka xisbiga kulmiye ah,kuna Sheegaya in ay  xisbiga kulmiye kala tageen ee qaadayaana Talaabooyinka khilaafsan xisbiga kulmiye iyo xeerar kiisaba,waxaan usoo jeedin lahaa in ay kusoo noqdaan qawaaniinta xisbiga kulmiye leeyahay  una hogaansamaan xeerarka xisbiga, waana laydiin ogolyahay kolay hadii laydiin doortay hogaan xisbiga kulmiye waa laydiin ogolyahay inaad xisbiga ka mid noqotaane kusoo biira taladii xisbiga kulmiye.”

 

Sidoo Kale Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir  Cali Oo halkaasi hadal kasoo jeediyay, ayaa si cad u sheegay  in waxa la isku  Hayaa ay tahay markii uu Muuse Biixi Faraha la galay Arrimihii Musharaxnimada Xisbiga oo Hore madaxweynaha loogu Qoondeeyey, waxana uu yidhi, “Mashaakilka kaliya ee jira ee naga maqani waxa weeyaan Guddoomiyihii Iyo Ku Xigeenkiisii,sharciga xisbiga way yaqaaniin waana ay la socdaan,laakiin waxa ugu wayne ee la isku haystaa waxa weeyaan damacii siyaasadeed ee Madaxtinimada,waxa lagu kala baxay hadaan waxa kaliya ka yidhaa 6dii bilood ee ugu danbeeyay,madaxwaynaha somaliland waxa uu badbaadiyay xisbiga kulmiye isaga oo guddoomiyihii ay isku qabsadeen Muuse Biixi Iyo Cabdi Casiis Samaale kala badbaadiyay,Waxaana Uu Madaxwaynaha Somaliland Cabdi Casiis Sameele Ku Qanciyay Inuu Muuse Biixi Uga Hadho Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Muuse Biixi markii aanu turxaan bixinta ku jirnay waxaanu ku nidhi muusow miyaad doonaysaa inaad dalka madax ka noqotid,waxaana uu noogu jawaabay hala gaadho,markii guddoomiyahana loo doorta hadana waxa uu damaca ka galay inuu noqod madaxwaynaha hagi doono 5ta sano ee soo socota,taasina meesha mataalo,oo musharax waxa ah madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.”

 

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf Oo Maanta Ka Soo Xaadiray Shirka Guddida Fulinta Ayaa Shirka Maanta Kaga Dhawaaqay In Shirkii Golaha Dhexe Kow-Da Bisha Juun Ama Toddobaadka Danbe Uu Ku Qasboomi Doono Hotelka Maansoor.

 

Xogahayah Guud Ee Xisbiga Kulmiye Oo Hore Ula Safnaa Kooxda Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Isla Markaana La dhinac ahaa Shirkii Ay Guddida Fulinta Ku Daadifaynayeen Ayaa Saaka Si Lama Filaan Ah Kulanka Guddida Fulinta Uga Dhex Muuqday Isagoo Waliba Iclaamiyey Shirka Golaha Dhexe.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment