Hargeysa May,22,2014 (Himilo)- Shirgudoonkii shirweynihii saddexaad ee xisbiga kulmiye ayaa Goor Dhaweyd ku Dhawaaqay Xubnaha Golaha Fulinta iyo Kuwa Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Shanta sano ee Soo Socota uu Yeelan Doono xisbiga kulmiye.
Shirgudoonkii hagayey Shirweynihii 3aad ee xisbiga kulmiye ee dhawaan ku qabsoomay magaalada hargeysa ayaa Haatan ku dhawaaqay xubnaha Golaha dhexe iyo kuwa Fulinta ee Uu Xisbigu yeelan doono.
Xubnaha Shirguddoonka Shirweynihii Kulmiye oo uu hogaaminayey guddoomiyihii shirgudoonku Axmed X Cali Cadami ayaa shir Jaraa’id ku xaadiriyey magacyada Afar iyo afartanka xubnood (44) ee Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye iyo saddex boqol iyo afar iyo lixdanka xubnood (364) ee Golaha Dhexe.
Shirguddoonka Shirweynihii Xisbiga Kulmiye waxay war fidiyeenada u sheegeen in uu baaqday shir caawa ka dhici lahaa Qasriga Madaxtooyadda kaasoo loogu talogalay in lagaga dhawaaqo Liisaska 44 ka xubnood ee fulinta iyo 364-ka kale ee Golaha Dhexe, waxaanay ku sababeeyeen sababta baajisay iyadoo ay ka baxsanayeen khilaaf in uu ka dhasho.
Xubnaha Shirguddoonku waxay sheegeen in shirweynihii Xisbigu iyaga gaar u siiyey awooda ku dhawaaqista Liisaska labadan guddi, waxaanay xuseen iyagoo ka duulaya go’aanka shirweynaha inay ka fogeeyaan go’aankoodan Hogaanka Xisbiga iyo Xukuumaddaba, si ay meesha uga saaraan tuhunada la xidhiidha in cid gaar ah ka faa’iidaysatay.
Shirguddoonka Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga Kulmiye waxay sheegeen hawshii loo igmaday inay halkaasi ku dhamaatay Isla markaana hay’addaha kala duwan ee Madaxtooyadda, Xisbiga Kulmiye, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo guddida Diiwaangelinta Ururada siyaasadda iyo Axsaabta mid walba halkiisa ku siin doonaan nuqulada go’aamadii shirweynaha Xisbiga Kulmiye , kuwaasoo la isugu geeyey Nuqul dhamaystiran oo sharci ah.
Shirguddoonka Shirweynihii Xisbiga Kulmiye waxay ka soo jeediyeen gabagabada go’aamada shirweynahooda qoddobo Guud oo Talo Qaran ah, kuwaasoo ay warbaahinta u mariyeen Axsaabta siyaasadda Qaranka, oo ay ka dalbadeen in la dhawro isla markaana la Ixtiraamo nidaamka iyo Xeerarka Dalka u yaala.
HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/05/Shir-Gudoonka-Shirweynaha-3aad-ee-Xisbiga-Kulmiye-oo-ku-dhawaaqay-Golaha-Dhexe-ee-Rasmiga-ah-.mp3"][/audio]
Goor dhaw filo magacyada Xubnaha Golaha Dhexe iyo kuwa Fulinta ee Xisbiga Kulmiye yeelan doono oo Haatan lagu dhawaaqay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment