Dad loo xidhxidhay Tuhurnka Qaraxyada oo Maxkamad la’aan loo dhaadhiciyey Xabsiga Mandheera, Weedhaha laga yidhi iyo Tallaabooyinkii u dambeeyey
Hargeysa, 31 May, 2014 (Himilo)- Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa labadii habeen ee u dambeeyey toddobaadkii hore (Khamiistii iyo Jimcihii) ka dhacay laba Qarax oo dhawaaq xoog badan lahaa, hase ahaatee aan wax khasaare ah geysan naf iyo maal toona, kuwaasoo ay Xukuumaddu masuuliyaddooda ku eedaysay hoggaanka KULMIYE ee Garabka uu Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi Hoggaamiyo, balse ay iska fogeeyeen ku lug-lahaanshaha eedayntaas.
Tuhunka Xukuumadda:
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ay weheleyeen Masuuliyiinta Boolisku, ayaa shir jaraa’id shalay ku qabtay Hargeysa, kaasoo uu kaga hadlay qaraxyadaas iyo qodobbo kale. “Waxaad la Socotan in labadan habeen ee u danbeeyay (Khamiistii iyo Jimcihii) uu qarax ka dhacay magaalada Hargaysa ama la dhigay meelo gooni-gooni ah, bahasha Layidhaa Shaanida oo ay sababteedu tahay in Carruurta iyo maatida lagaga Ciyaaro Hurdada, taasoo habeen-hore (Habeen saddexaadkii) ka dhacday Hindiya Laynka, xalayna (habeen-hore) ka dhacday Madaxtooyada xaggeeda danbe.” Sidaa ayuu yidhi Waran-cadde.
Waxa uu Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo hadalkiisa sii wata auu intaas ku daray oo yidhi; “Arrinta qaraxu waxa ay bilaabatay markii khilaalka Xisbiga Kulmiye soo shaac-baxay, waxaana aad yaab u leh Rag waawayn oo muddakar ahi in Khilaafkii Kulmiye ee u dhaxeeyay dhexdooda uu gaadho in khal-Khal la geliyo Ammaanka Somaliland.”
“Runtii waannu ka hawl-galnay, ciddii ka danbaysey qaraxyadii ka dhacay magaalada Hargaysa, Ciidanka Booliskuna runtii gacanta ayay ku dhigeen Rag dhawr ah, qaar kalena waa lagu daba-jiraa, dhammaantood waxa ay waajihi doonaan Caddaaladda iyaga iyo ciddii ka danbaysay-ba, waxaana ay runtii Ciidanka Boolisku si wanaagsan oo nabadgelyo ah gacanta ugu dhigeen ciddii ka danbaysay qaraxii xalay (habeen-hore) ka dhacay Madaxtooyada dabadeeda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.
Badheedha KULMIYE:
Garabka Hoggaanka Xisbil-xaakimka KULMIYE ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa iska fogeeyey eedayntaas uu u jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, waxaanay sheegeen inay ka xun yihiin, ciddii falalkaas geysatayna ay caddaan doonto. Waxaana arrintaas lagaga hadlay War-Saxaafadeed qoraal ah oo uu ku saxeexnaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka tirsan Xisbiga KUKLMIYE, gaar ahaan Garabka hoggaanka.
War-Saxaafadeedkaas uu xalay soo saaray Xildhibaanku waxa sidoo kale lagu cambaareeyey qaabka habeen-hore gurigiisa loogala baxay Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abbokor, waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:- “Waxaannu ka xunnahay dhacdadii iyo qaabkii Xalayto (habeen-hore) Saqdii dhexe loo weeraray Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abbokor.
Waxaa kale oo aannu ka xunnahay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in Kulmiye ka danbeeyey, waxaannu marwalba dhiirri-gelinaynaa Amniga iyo Xasilloonida dalka, waxaannu leenahay cid alla ciddii ka danbaysayna way iska soo bixi doontaa. Waxaannu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaashadaan nabaddooda, wada-jirkooda iyo xasilloonidooda.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Xisbiga KULMIYE kaga hadlay eedayntaas loogu jeediyey qaraxyada ka dhacay Hargeysa.
Dareenka Shacabka:
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa oo saddexdii habeen ee u dambeeyey is-weydiinayey Qaraxyada aan khasaaraha geysan, ayaa siyaabo kala duwan aragtidooda ugu cabbiray dareennada ay ka qaateen dhacdooyinkan dareenka amni-darro ka kiciyey Caasimadda iyo sida ay ula muuqato eedaynta Wasiirka Arrimaha guduhu ku eedeeyey Hoggaanka Xisbiga KUKLMIYE.
“Siyaasiyiintu markay is-hayaan waxba iskama daayaan, aniguna waxaan u arkaa in nin wax soo ahaa aanu waxan oo kale sameyn karin, laakiin cid wax ma-garato ah baan u arkaa. Waxaan qabaa Siyaasi kastaa xaq buu u leeyahay inay dadku taageeraan, dadkana qof waliba xaq buu u leeyahay siyaasiga uu doono inuu taageero, laakiin cid waliba cidda ay taageerayso inay si nabadgelyo ah u taageeraan ayaa habboon, kollayna cidda tallaabadan samaysay waa cid aan mid naba u danaynayn oo aan dalka iyo dadka toona u danaynaynin.” Sidaa waxa yidhi Muwaaddin Magiciisa la yidhaahdo Baashe oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey aragtiidiisa arrimahan.
Muwaaddin Baashe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Hoggaanka KULMIYE niman daasado meel lagu tuuray aan u nisbayn karo maaha, dawladduna iyadaa nabadda masuul ka ah oo u nisbayn maayo. Laakiin, Ciddii loo qabtay ee dembigaasi ku caddaado ayaa ciqaabteeda leh ee in cid lagu wanjalo, ama la yidhaahdo hebel iyo hebel baa ka dambeeyey ilama qurux-badna. Waa laga yaabaa inay murankaas dad kale ka faa’iidaystaan. Laakiin, ciddii doontaaba ha waddee Ciidamo Boolis buu dalku leeyahay oo ammaanka ilaaliya, Ciidammada in cid lagu fadeexadeeyo umaynaan samaysan ee in ciddii dhib geysanaysa inay qabtaan ayaa loo sameeyey.”
Sidoo kale, Muwaaddin magiciisa la yidhaahdo Mukhtaar Jiciir Maxamed, ayaa isaguna ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa ee Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey aragtidiisa ku waajahan Qaraxyada habeennadii uu dambeeyey laga maqlayey magaalada Hargeysa ee Xukuumaddu ku eedaysay Hoggaanka Xisbil-xaakimka KULMIYE ee labada Garab u qabsamay.
Mukhtaar oo dareenkiisa ku cabbiraya jawaabta uu ka bixiyey su’aasha aannu weydiinnay waxa uu yidhi; “Waxaan u arkaa si dadka loo khal-khal-geliyo nabadgelyo-darro ayaa jirta oo hebello ayaa wada oo dadka lagu cabsi-geliyo. Waxaan u arkaa dawladdu inay waxan ka dambayso. Waxaan caddayn u soo qaadan karaa Xalay (Habeen-hore) Rasaas badan baa ka dhacday magaalada Hargeysa oo dadka hurdada ka kicisay, ninka taa samaynayaana qaraxyana wuu samayn karaa. Sidaa daraaddeed, waxaan u arkaa wax ay dawladdu ka dambayso oo Siyaasiyiinta ka soo horjeeda lagu wanjalayo oo dadweynaha loo tuso inay iyagu dhibaato dalka gelinayaan.”
“Arrintan Qaraxyada ee aannu reer Hargeysa ahaan u naqaanno Sheeko-Shaani maaha wax innagu cusub, hase-yeeshee, wakhtigii Xukuumaddii UDUB ee Daahir Rayaale talada haysay ayaa innoogu horreysay, waxaanay ka mid ahayd waxyaabaha Xisbiga talada maanta haya ee KULMIYE uu khadyaanka ka joogay ee uu Madaxweynaha Maanta Axmed-Siilaanyo iyo Masuuliyiinta Xisbigiisu meel walba kaga hadli jireen, ka dib markii ay Xukuumaddii UDUB habeen-ba inta meel wax laga qarxiyo ay tidhaahdo KULMIYE ayaa ka dambeeyey, hadal-haynihii berigaa soo baxay ee aannu odhan jirnay waxa ka mid ahaa ‘UDUB waxay inna odhan doontaa Cadceeddaa kululaatay KULMIYE ayaa ka dambeeyey,” Sidaa waxa yidhi Cabdifataax Aadan oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa.
Cabdifataax oo sii watay jawaabta su’aasha aannu ka weydiinnay aragtidiisa ku waajahan Qaraxyada Hargeysa ka dhacay, waxa uu yidhi; “Markaa, waxan waa la iska yaqaannaa in kolba cidda loo dan leeyahay lagu eedeeyo, waxaanan odhan karaa waa Sheekadii Xukuumaddii UDUB oo maanta KULMIYE iyo Xukuumaddiisa ka dhex-bilaabantay oo ay Xukuumaddu ku wanjalayso Masuuliyiinta Garabka Madaxtooyada ka soo horjeeda. Dadaweynahana waxaan leeyahay wixii ay shalay kaga qaylinayeen Xukuumaddii UDUB reer KULMIYE ayay dhexdooda ka bilaabeen ee aan innagu sidii aynu awalba nabadgelyadeenna u ilaashan jirnay u ilaashanno, dawladdana waxaan leeyahay Illaahay hallaga baqo, hoggaanka KULMIYE-na waxaan leeyahay yaan dareenkiinna la kicin.”
Dad loo xidh-xidhay oo Mandheera loo dhaadhiciyey:
Sida uu xaqiijiyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, dad dhawr qof ah ayaa loo xidh-xidhay tuhunno la xidhiidha Qaraxyada Khamiistii iyo Jimcihii ka dhacay magaalada Hargeysa, gaar ahaan ka Jimcihii habeen-hore ka dhacay dhinaca Wasaaradda Ganacsiga iyo Dugsiga Faarax Oomaar meel u dhaxaysa, kuwaasoo ku yaalla Koonfurta Madaxtooyada.
Dadkaas qaraxyada loo xidh-xidhay iyo dad kale oo ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda Daakhiliga Cabdillaahi Abbokor Cismaan iyo saddex qof oo gurigiisa lagala soo xidhay xidhay iyo dad kale oo iyagana loo xidh-xidhay Istiikarro ama waraaqo Sawirka Muuse Biixi iyo weedho ay ku taageerayaan Guddoomiyaha KULMIYE ku yaallaan Baabuurtooda ku dhejiyey oo Khamiistii laga qabqabtay Waddooyinka Hargeysa, kuwaasoo isu-geyn tiradooda lagu sheegay 18 Ruux, ayaa dhammaantood la sheegay in loo dhaadhiciyey Xabsiga magaalada Mandheera ee gobolka Saaxil, iyagoo aan wax Maxkamad ah la hor-geyn, Xukun Maxkamadeed oo ku dhacayna jirin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment