West Point, 31 May, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama, ayaa shaaca ka qaaday in Maamulkiisu u baahan yahay Shan Bilyan oo Doollar oo lagu kharash-gareeyo la-dagaallanka Argagixisada iyo Kooxaha Maraykanku Xag-jir u yaqaanno, lacagtaas oo lagaga hawlgeli doono dalal badan oo ku yaalla Bariga dhexe iyo Qaaradda Afrika.
Madaxweynaha dawladda Maraykanka Mr. Obama oo khudbad ka jeedinayay xarunta tabobbarka Ciidammada Millateriga dalkaas oo ku taalla Deegaanka West Point ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in lacag dhan 5-Billion oo dollar lagu qarash–garayn doono la-dagaallanka argaggixisada caalamiga ah, lacagtaas oo uu qayb ka mid ah ka heli doono dawlado kale oo dhawr ah oo kala qayb-qaadanaya la-dagaallanka argaggixisada.
Waxa si gaar ah lacagtan loogu taageeri doonaa qaar ka tirsan dawladaha Bariga dhexe iyo dalalka Afrika, iyadoo si gaar ah loo eegayo khataraha jira inta ay la’egyihiin si loo yeereeyo arrimaha xag-jirnimada oo sii kordhiyay sannadihii u dambeeyey. “Waxaan u baahannahay saaxiibbo si aan uga adkaanno kooxaha argagaxisada ah, waana inaan hormarinno qaabab cusub oo aan ku tirtirayno hanjabaaddooda.” Sidaa ayuu yidhi Obama oo khudbadiisa dhinacyo badan kaga hadlay dhammaanka toddobaadkii hore.
Masuuliyiinta ugu sarreysa labada Xisbi ee dalka Maraykanka ayaan hore uga war-qabin qorshaha uu shaaciyey Madaxweyne Obama oo lacag badan ay ku bixi doonto sida lagu qoray Wargayska Daily Beast oo ka soo baxa dalka Marayakanka.
“Khatarta tooska ah ee Maraykanka gudaha iyo dibeddaba waa argagaxisada oo keliya…” ayuu hadalkiisa ku daray Obama, oo ka digay argagaxisada ka jirta waddamada kala ah Ciraaq, Lubnaan, Siiriya, Yemen, Mali, Nigeria iyo Soomaaliya.
“Maamulka Obama mar sii horreysay waxa uu dalbaday lacag gaadhaysa $8-Billion (siddeed Bilyan oo Doollar) oo wax lagaga qabanayo amniga caalamiga ah oo ay ku jiraan Kharashaad lagu bixinayo tabobbarrada Ciidammada.” Sidaa waxa yidhi Senator (Xildhibaan) Mark Kirk oo la hadlayay Jariiradda New York Times.
Madaxweyne Obama ayaa ku kalsoon haddii dhaqaalahan la meel-mariyo in la helayo jidad badan oo lagula dagaallami karo kooxaha argagaxisada ah, mana aha markii ugu horreysay ee Maamulka Obama uu dalbado lacag caynkan oo kale ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment