Thursday, May 29, 2014

Dayaanka Qarax ka Fejeciyey Shacabka oo Caawa ka dhacay magaalada Hargeysa

breaking newsHargeysa (Himilo)- Qarax aan xaqiijin waxa sababay iyo sida uu u dhacay toona, ayaa caawa ka dhacay magaalada Hargeysa, kaasoo dhawaaqiisu Hurdada ka kiciyey dadweynaha ku dhaqan badi xaafadaha Caasimadda.

Qaraxaas oo dhawaaqiisa laga maqlay magaalada Hargeysa, ayaa abbaaro 12:00-kii iyo daqiiqado, ee caawa, isla markaana ahaa mid gariirkiisu xoog badnaa. Ma jirto wax khasaare ah oo uu qaraxaasi sababay, kaasoo ka dhacay Laagta u dhaxaysa labada waddo ee Laamayda hor marta Guriga hay’adda Shaqaalaha dawladda iyo Jidka hor-mara Fooqa ilma-seeraar.

Inkasta oo Qaraxan ntii hore lagu dawakhay Goobta uu ka dhacay, isla markaana dayaankiisu dad badan Hurdada ka kiciyey, ayaa ka dhacay Laag lagu magacaabo Xaar-wada, taasoo ku taalla Xaafadda Hindiya Line-ka loo yaqaanno ee badhtamaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Fooqa ilma-Seeraar, Laagtaas oo ka bilaabanta meel fooqa koonufur ugu beegan Guriga Hay’adda Shaqaalaha dawladdana Waqooyi ugu beegan, sida uu ku warramay Weriye Wargeyska Himilo ka tirsan oo goobtaas gaadhay.

“Gariirka Qaraxa ayaa hurdada naga soo kiciyey, waxa uu qarax xoog badan oo Guryuhu nala gariireen, markii aannu dibedda u soo baxnay wax cid ah maannaan ku arkayn goobtaas.” Sidaa waxa Weriyaha Wargeyska Himilo ee halkaas tegay uu la kulmay, isla markaana wax ka weydiiyey sida ay wax u dhaceen iyo waxay dareemeen markii ay qaraxa maqleen.

Wariyaha Wargeyska Himilo ka tirsan oo goobtaas gaadhay, waxa uu intaa ku daray in Ciidammo Boolis ah iyo dadweyne tiro badani ay  isugu yimaaddeed markii qaraxaas oo la aamminsan yahay inuu yahay wax gacanta laga tuuray uu dhacay ka dib, hase-yeeshee, Ciidammada ammaanku may helin cidda qaraxaas samaysay ama tuurtay, waxaanay baadhis kooban oo ay waxoogaa wadeen ka dib iskaga tageen goobtaas.

Lama garanayo illaa hadda ujeeddada qaraxaas oo dad badan hurdada ka kiciyey u dhacay, waxa sababay iyo nooca uu ahaa toona. Hase-yeeshee, wararka ilaha ammaanka Wargeysku ka helay, ayaa tibaaxaya in Bambo gacanta laga tuuray lagu tilmaami karo qaraxaas, balse waxa uu ahaa qarax inta badan qaybaha magaalada Hargeysa gariirkiisa laga maqlayey.

Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment