Saturday, May 24, 2014

Diyaarad Aan Duuliye Lahayn Oo Goor dhaweyd Ku Soo Dhacday Aagga Baydhabo iyo Sababta soo Ridday

Baydhabo:May,24,2014(Himilo)-Diyaarad Nooca aan Duuliyaha lahayn ah ayaa la sheegayaa inay Maanta ku soo dhacday Deegaan ku dhaw Xarunta Baydhabo, taas oo la sheegayo in kooxda Al-shabaab ay soo Rideen.

gaduuMarkii diyaaraddaasi dhulka ku soo dhacday, ayaa ay kooxo ka gtirsan Dagaal-yahanada Shabaabku ku yaaceen Goobta, iyagoo dadka ku amray inay ka fogaadaan, isla-markaana ka furtay Qalab ku xidhnaa diyaaradda oo aan la garanayn waxa uu ahaa, sida ay dadka deegaanku warbaahinta u sheegeen.

Diyaaradda oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaan la ogeyn dowladda leh, balse inta badan diyaaradaha aan cidna wadin waxaa adeegsada Maraykanka oo saldhig millitari ku leh dalka Jabuuti.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan diyaaradda ay ku soo rideen duleedka Baydhabo.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment