Saturday, May 31, 2014

“Ma jirto ballan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waanan sharaxanahay diyaarbaan u ahay cidkasta oo illa tartanta.”Madaxweyne Siilaanyo





Hargeysa: May,31,2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Khilaafka ragaadiyey Xishbiga Kulmiye, kaas oo Saamayn balaadhan ku yeeshay Xaaladda Guud ee Dalka.

siilaanyo madax Madaxweyne Siilaanyo oo cod ay ka duubtay Warbaahinta Dawladdu, Isla-markaana si weyn looga jarjaray Hadallo badan oo  Khudbadiisa ka mid ahaa ay soo Gaadhay warbaaahinta Madaxa Bannaan, ayaa  tilmaamay inuu diyaar u yahay dhamaynta iyo Gebogabaynta Khilaafka Xisbiga uu Hoggaanka u ahaan jirey ee Kulmiye.

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku Bilaabmay sidatan:

 

“Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada Somaliland gudo iyo debedba, waxaan jecelahay in aan wax ka idhaahdo labo shay oo inagu cusub, kuwaas oo ah:

 

A) Amaanka, iyo Qaraxyada inagu soo kordhay.

 

B) Khilaafka Xisbiga Kulmiye

 

Nabadgelyadu waa shay ku qaaliya umada reer Somaliland, waxay usoo

mareen dariiq dheer, waxaynu umad ahaan ku difaacnaa inagoo isku duuban, waxaynu feejigo u lahayn, oo iska illaali naynay, cadaw meel fog inooga yimaada, waxaase ayaan daro ah, in kuwii aan ammaanka u diray iyo kuwii damaca lahaa, ee dalkan inay xukumaan doonayey, laga soo sheego waxyaalo ammaanka kulidi ah, iyo inay isku dayaan in ay qarankan khalkhal geliyaan.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxana uu intaas ku daray,

 

“Waxaan leeyahay qarankan anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelinlahaa.”

Madaxweynaha oo si gaar ah uga Hadlaya Khilaafka Kulmiye ayaa xusay in ay jireen Talaabooyin Badan oo xisbiga lagu turxaan Bixinayey, taasina inay Dhamaatay uu u haystay, waxana uu yidhi,

 

“Waxaa maalmahan soo baxayey khilaaf xisbiga kulmiye dhexdiisa ah, waan kaxumahay manaan filayn wakhtigan, oo waxaan u haystay in aan kala reebay intii is haysay, oo weliba guddi turxaan-bixineed u saaray, taa soo suurta gelisay in shirwaynihii loo soo gebagebeeyo siquruxbadan, waxaana halkaa lagu doortay shirgudoonkii maamulayey shirka, Hogaankii Xisbiga iyadoo layslaqaatay in Golihii dhexe iyo fulintii lagu soo ururiyo shirgudoonka shirka. Waa lagu soo ururiyey waanay soo saareen. Hadiiba uu soobaxo is-fahmi-waa, waxay ahayd in si hoose loo dhameeyo, hogaanka xisbigu wadafadhiisto, Kaadirka xisbiga loo yeedho,Xildhibaanada la talogeliyo, hadiii taasi dhamayn waayaan xisbigu sharci buuleeyahay dalkuna sharci buu leeyahay. Buuq iyo qaylo toona looma baahnayn.”

 

 

Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray jiritaanka wax heshiis hoose ah oo isaga iyo Muuse Biixi u dhexeeyey, waxana uu yidhi,

 

“Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waxaa jirtay oo golaha dhexe soosaaray in aan gudoomiyaha kuwareejiyo marka aan kuguulaysto tartanka doorashada madaxweynaha, waxaanan ku wareejiyey bil-gudaheed”

 

Madaxweynaha ayaa cadeeyay in uu mar kale isu soo taagi doono Doorashada Madaxtinimada ee la filayo in ay qabsoonto sanadka 2015 “Waxaa Xisbigu ii doortay musharaxa madaxweynaha waanan kuguulaystay sharciguna wuxuu I siiyey labo jeer (two terms), waan sharaxanahay diyaarbaan u ahay cidkasta oo illa tartanta.

Waxay ahaan jirtay dabeecada nidaamka dimuqraadiyadu in la tartamo balse ma dhacdo xisbi xaakin guulaystay oo xisbigiisu la tartamaa. Aniguse waxba kamaqabo.”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

Waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyay Golaha Guurtida oo dhexdhexaadin ka wada labada garab ee isku haya Khilaafka Xisbiga Kulmiye “Odayaasha Guurtida waa kumahadsanyihin dedaalka, qiimo wayna waan u hayaa, xaasha ma diidin mana diidikaro oo waxaan ahay ninkii 80 cod ay kaga kexeeyeen duco-qaado balse arintani waxay u baahantahay in xisbiga gudihiisa iyo sharcigiisa lagu daweeyo” ayuu yidhi

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment