Friday, May 30, 2014

Garabka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Aqbalay Baaqii Golaha Guurtida

Hargeysa (Himilo) Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ku hadlaya afka Garabka uu hogaamiyo guddoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku cadaynayo inay aqbaleen baaqa golaha guurtida ee ku aadan in la joojiyo shirarka ay labada garab ee xisbiga kulmiye dhawaan ku kala dhawaaqeen.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirani waxa uu u dhigan yahay sidan:-




siciid cilmiUj : jawaaab celin baaqii guddida golaha guurtida ee dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga kulmiye


 Anagoo ka jawaabayna baaqii gudida dhexdhexaadinta ee golaha guurtida waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu aqbalnay baaqaa  isla markaana aanu hakinay shirkii golaha dhexe ee qabsoomayey 31/5/2014 maalinta sabtida .


 


Waxaanu ka xunahay dhacdadii iyo qaabkii xalayto saqdii dhexe  loo weeraray wasiir ku xigeenkii hore ee amniga  c/laahi abokor.


Waxaa kale oonu ka xunahay hadalkii ka soo yeedhay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha ee qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in kulmiye ka danbeeyey , waxaanu marwalba dhiiri galinaynaa amniga iyo xasiloonida dalka waxaanu leenahay cid alla cidii ka danbaysayna way iska soo bixi doontaa .


 


Waxaanu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaashadaan  nabadooda,wada jirkooda iyo xasiloonidooda .


 


ALLAH                 MAHAD             LEH


 


Xildhibaan : siciid cilmi rooble


 


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland



 


 

No comments:

Post a Comment