Thursday, May 29, 2014

“Anigu Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaan ahay, dalkana anigaa ilaaliya…Wax alla wixii ka hor-yimaadda (Madaxtooyada) Cagaftaan marinayaa”




Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay kulan dhex-maray Madaxweynaha iyo Guddiga dhex-dhexaadinta Khilaafka KULMIYE ee Golaha Guurtida


                  


“Madaxweynaha cidina dhulka wax dhig ma tidhaahdo oo isagaa Madaxweynihiiyee, laakiin wixii talo iyo aaraah ah, wixii khaldan iyo cidda khaldan in la isla eego, la is-dhegaysto oo la is-waraysto weeye..” Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde


 


Hargeysa, 29 May, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Ergo dhexdhexaadin ah oo Golaha Guurtida ka socdaa ay shalay ahaan kulan wada-yeesheen, isla markaana ay bilaabeen wadahadallada xalka loogu roodaadinayo khilaafka kala qaybiyey Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo laba Garab u kala fadhiya.


WARAB (6)Wasiir Waran-cadde, waxa uu sheegay inuu cagafta marinayo ciddii ka hor-timaamadda Madaxtooyada, isagoo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey cabsi Madaxtooyadu ka qabto inaanu tallaabooyinka ay rabto qaarkood fulin karin Waran-cadde ahaan, sidaa awgeedna la doonayo in meesha laga saaro. Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu labada dhinac ee KULMIYE u qaybsan yahay ka uu ka tirsan yahay madmadaw ku jirin ee uu cad yahay.


“Arrinta KULMIYE ee maalmahan suuqa ku jirtay waxaan jecelahay inaan dadweynaha u sheego, arrintaas waxaa Shir ballaadhan ka yeeshay Guuritda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo maanta iyo shalay-ba (dorraad iyo shalay) si wanaagsan isula falanqeeyey, shir qiimo leh-na ku wada-qaatay Madaxtooyada, hawshaasina sidii aad horeba u maqasheen wuu socdaa wadahadalku, haddii Illaahay yidhaahdana Guurtida iyo Madaxweynuhu way isugu soo noqonayaan wadahadalkaas.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Waran-cadde oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa.


Waxa uu sheegay inuu u mahad-celinayo shacbiga Somaliland oo uu sheegay inay nabadgelyada si fiican ugala shaqeeyaan, marka khilaaf iyo kacdoon jirana xasillooni iyo degganaan muujiya, taasoo uu sheegay inay ka mid tahay dariiqyada ay Somaliland ku dhaaftay dalal badan oo dunida ka mid ah. “Waxaan leeyahay gobannimada iyo halkaynu marayno maanta waxaynu ku soo gaadhnay in xataa haddii qof khaldamo loo caqli-celiyo, in dariiqa fiican la tuso, in dhinac looga soo wada-jeesto oo la yidhaahdo waar hebeloow waad khaldan tahay, habeloow-na waad saxan tahay.” ayuu yidhi Wasiirku.


Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Markaa, runtii waa dariiqa aynu ku dhaafnay dunida inteeda kale ama meelaha Afrika ee innala midka ah, waddankeennuna wuxu maanta marayaa meel qiimo leh, wax dhib ah oo kale oo jiraana ma jiraan ee waxa weeyaan nidaamka iyo shuruucda iyo habka la isu toosinayo oo keliya ama ciddii khalad fahamta wax loogu sheegi lahaa, Insha Allaahuna waxaan filayaa inay si fiican innoogu dhammaato.”


“Adduunyada dhibi kama dhammaato oo carrab iyo labadiisa daan baa is qoonsada, hase-yeeshee lama yidhaahdo waxaasi muxuu u dhacay ama maxaa khilaaf u yimaaddaa lama yidhaahdo. Laakiin, tubta caalamku innaga daba socdo ee la innaga baadhayaa waxa weeye sidaynu wax u xallinno, sidaynu wax u xallinnaana waxa weeye isu-caqli-celin iyo qofka oo haddii uu nidaamka ka yar baydho lagu soo celiyo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha guduhu.


Wasiir Waran-cadde oo la weydiiyey waxa ku cusub warka uu Bulshada u sheegayo ee la xidhiidha inay Madaxweynaha iyo Guddiga Guurtidu kulmaan, maaddaama oo Guddoomiyaha Guurtidu hore u sheegay inay Guddi dhex-dhexaadin ah u saareen khilaafka KULMIYE iyo inay ka wadahadleen in Madaxweynuhu arrinta dhiniciisa dhulka dhigo, waxa uu ku jawaabay; “Madaxweynaha cidina dhulka wax dhig ma tidhaahdo oo isagaa Madaxweynihiiyee, laakiin wixii talo iyo aaraah ah, wixii khaldan iyo cidda khaldan in la isla eego, la is-dhegaysto oo la is-waraysto weeye. Markaa, warkina wuu socdaa, Berrina (maanta) waa la is-arkayaa, markaa Insha Allaahu sidii aynu wax ku dhammayn jirnay baynu ku dhammayn doonnaa.”


Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inuu caddeeyo labada dhinac ee KULMIYE u qaybsamay dhinaca uu isagu ka tirsan yahay, maaddaama oo aan loo aammini karin inuu dhex-dhexaad u yahay, waxaanu yidhi; “Dhinac ka hadli mayo immika, anigu dhinacaan ahay waa la yaqaannaa, waa la garanayaa, nin dawladda ka tirsan baan ahay oo taa shaki kuma jiree, ee waxaan ka hadlayaa inaan dadka war khadalad ah loo sheegin.”


Waran-cadde oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay suuqa ku jiraan warar sheegaya in Madaxtooyadu ka cabsi qabto tallaabooyinka ay rabto iyo siday rabto inaanu Cali Waran-cadde oo ah Wasiirka arrimaha guduhu uga hawli-gelayn, sidaa daraaddeedna la filayo in Shaqada laga eryo ama Wasaaradda laga bedelo iyo waxa uu isagu kala socdo waxa uu yidhi; “Anigu Wasiirka arrimaha gudaha ayaan ahay, dalkana anigaa ilaaliya, adigana ha ahaatee wax alla wixii ka hor-yimaadda (Madaxtooyada) Cagaftaan marinayaa.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland



 

No comments:

Post a Comment