Askerta la diley ayaa kamid ahaa Kolonyo ciidamo ah oo sahay cuno ah u wadey ciidamada Kenya saldhig ciidan oo ay ka samaysteen Raaskaanbooni oo ku taalla Jubada Hoose.Sarkaal u hadley ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Samuel Obara qaybta Lamu ayaa xaqiijiyey in jidka loo galay ciidanka isla markaana laga diley laba kamid ah.
Samuel Obara ayaa sheegaya in malayshiyada jidka u gashey ay ku dhawaayeen 10 nin isla amrkaana ay aaminsan yihiin in ay yihiin al-Shabaab.
Kooxaha shabaabka ayaa faro Baas ku haya Ciidanka Kenya eek u soo dhawaada Xuduudda Kenya iyo Somalia u dhaxaysa, waxana ay halkaas dhawaan ku dileen in kabadan Toban askari oo sarakiili ku jirto, iyagoo Kaxaystay Gaadiid ay Ciidanku lahaayeen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment