Hargeysa:May,24,2014(Himilo)-Guddidii Gacanta Ku Haysay Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye ee dhawaan Dhamaada, isla-marakaana Maalin ka hor ku dhawaaqday Guddida Joogtada ah ee Xisbiga Kulmiye iyo Golaha Fulinta, ayaa markale ku celiyey inaanay dhaafin wixii sharcigu u banneeyey iyo awooddii Guddi ahaan ay lahaayeen.
Guddidan oo Maanta saxaafadda Kula Hadadashay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, ayaa tilmaamay inaanay Diyaar u ahayn in Afxumo iyo muran la isku eedeeyo, isla-markaana ay diyaar u yihiin in wixii is fahan waa ah ee jira la dhameeyo. Guddoomiyihii Guddidaas Shirweynaha Maamulaysa, ahna Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ugu horrayn Halkaas ka Hadlay, ayaa waxa uu yidhi:-
HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/05/cadami.mp3"][/audio]
Dhinaca kale Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees, isla-markaana ah xubin ka mid ah Guddidii shirweynaha Xisbiga Gacanta ku Haysay, ayaa isaguna sheegay inay Guteen Waajib saarnaa, isagoo intaas ku daray inay natiijadii ka soo Baxday Hawshii ay qabteen oo ay kamid tahay Golihii dhexe ee Xisbiga iyo Guddidii fulinta ay u gudbiyeen Xisbiga, taasina ay waajib ku ahayd.
HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/05/maxamed-muuse-abees.mp3"][/audio]
Xubno kale oo ka mid ahaa Guddidaas oo Halkaas ka Hadlay ayaa dhammaantood tilmaamay inaay hilmaameen wixii awoodda ay u lahaayeen, waxana ayb ku adkaysteen inay sidii Haboonayd u qabteen Hawshii loo xil-saaray.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment