
“Xarunta baarmaan ku sheegga Soomaaliya waxaan ka dhignay goob ciidan, dagaalyahanadayada ayaa qaaday weerar barakeysan, waxaan idiin sheegi doonaa warbixin faahfaahsan marka uu dhammaado howgalka” ayuu yidhi afhayeenka u hadlay Al-Shabaab.
Dhinaca kale, in ka badan 20 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkii maanta ka dhacay dhismaha baarlamaanka iyadoo in ka badan 30 kale ay ku dhaawacmeen sidda ay lee yihiin hey’addaha amamanka iyo goobaha caafimaadka.
Dhammaan xildhibannada ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay in la badbaadiyay oo waxa ay ka baxeen qeybta dambe dhismaha xarunta baarlamaanka oo la dumiyay intii uu weerarku socday.
Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay xidhnaayeen dareeska ciidamada dowladda waxaana la sheegay in ay soo jidheen ilaada hore ee dhismaha balse waxa ay iska caabin kala kulmeen ciidamo saarnaa dhismaha korkiisa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment