Wajeer:Mar,18,2015(Himilo)-Dablay Hubaysan oo katirsan Xoogagga Ururka Al-shabaab, ayaa xalay weerar kusoo qaaday Gudaha Dalka Kenya, waxana ay afar qof ku dileen Afar qof Magaalada Wajeer ee Gobolka W/bari.Kooxdan oo la sheegay inay aad u hubaysnaayeen, ayaa dilka afartaas qof kadib waxa ay gubeen Goobo ganacsi, waxana la sheegayaa inay jiraan Dad kale oo dhaawac ahi.
Maxamed Siyaad oo ka mid ah masuuliyiinta gobolka ayaa warbaahinta u sheegay in dableyda dilka geystey ay afarta qof dukaanka ku xidheen kadibna ay rasaas dhinac kasta kaga fureen, saddex kamid ah gudaha ayey ku geeriyoodeen, halka qofka kale nolol lagu gaadhsiiyey isbitaalka halkaas oo uu markii danbe ku dhintey ayuu sheegay Maxamed Siyaad.
Ururka al-Shabaab ayaa durbadiiba sheegtey in ay weerarkaas fuliyeen, waxana ay ku gooddiyeen inay sii wadi doonaan weerarradooda ay ku hayaan Shacabka Reer Kenya.
Al-Shabaab ayaa kor u qaadey weerarada ay ka fulinayaan magaalooyinka Kenya ee ku dhaw xadka Soomaaliya, waxaana ay todobaadkii la soo dhaafey weerar ku qaadeen Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Cali Roba kaas oo wax yar kaga badbaadey weerarkaas.
Weerarada al-Shabaab ayaa dood weyn ka dhex-dhaliyey Siyaasiyiinta Kenya, kadib markii Xildhibaan Gobolka Soomaalida laga soo doorto uu soo jeediyeyin wada hadal lala furo al-Shabaab.
Himilo Media
SDN/QJ
timo@qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com
No comments:
Post a Comment