Wednesday, March 18, 2015

Somaliland oo Shuruudo aan Ugub ahayn ku Xidhay Sii Socoshada Wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya

“Caalamka waxaanu u sheegnay in Somaliland diyaar u tahay, haseyeeshee aanay mar dambe la fadhiisanayn ayadoon lana dhex-galin”

Hargeysa, 18 March, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay joojisay wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya isla markaana aanay dib u hor-fadhiisan doonin ilaa beesha Caalamku soo-kala-dhex-gasho goob-joogna ka noqoto shirka wada-hadallada labada dhinac oo dhowaan lagu kala kacay kaddib markii Ergada Soomaaliya lagu soo daray xubno dhalasho ahaan ak soo jeeda Somaliland.
Shirka wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo bilowgii bishan March ee sannadkan ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaan suurto-galin inuu qabsoomi kaddib markii Ergada Somaliland u metalaysay wada-hadalladu ka biyo-diideen kuna gacan-saydheen inay hor-fadhiistaan inta badan Xubnihii Soomaaliya u metalayey wada-hadallada oo noqday Siyaasiyiin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse xilal kala duwan ka haya dawladda Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo dhowaan ka soo laabtay socdaal uu ku maray waddamada dalalka Kenya iyo Itoobiya, ayaa sheegay inay beesha Caalamka hordhigeen sababihii keenay bur-burkii wada-hadallada labada waddan, markii ay dooddooda dhegaysteen ay beesha Caalamku garownshiiyo ka qaadatay go’aanka Somaliland ee hakinta wada-hadallada.
Wasiirka oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu ka warbixiyey kulamo ay magaalada Nairobi kula qaateen Danjireyaasha daneeya Arrimaha Somaliland ee fadhigoodu yahay caasimadda dalka Kenya, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Wada-hadalladii ka dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya way istaageen, sababtoo markii ay ku soo dareen weftigooda xubno ka soo jeeda Somaliland, taas oo annaguna aanu diidnay inaanu la hadalno. Safaarado faro badan oo aanu aragnay waxyaabaha ugu waaweyn ee aanu kala hadalnay waxa ahayd inaanu u sheegno siday wax u dhaceen iyo sidaanu u diidnay inaanu uga qayb-galno shirka oo aan war khaldan loo siinin. Aad iyo aad bay noogu garaabeen, waxaanu u sheegnay inaanu hore ugala hadalnay oo ka afeef-dhigannay inaanu ku soo darin shirarka ka dhex-socda labada waddan dad u dhashay Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa oo uu yidhi, “Markaa dadkii iyo safaaradihii aanu la kulannay, waanu ku qancinnay in waxa aanu ku kacnay ay ahayd wax sax ah, way noo garaabeen, layskuma ogeyn bay yidhaahdeen, safaaradda Turkiga fartay ka saartay Reysalwasaaraha (Soomaaliya), markaa waxay ahayd ula-kac ay rabeen inuu burburo wada-hadalladu, caalamkana waxaanu u sheegnay in Somaliland waligeed diyaar u tahay wada-hadalka, haseyeeshee aanay mar dambe la fadhiisanayn ayadoon lana dhex-galin. Markaa waxaanu ka codsannay Caalamka in laysugu kaaya yimaaddo oonu si wanaagsan oo walaaltinimo ah u kala amba-baxno.”
Wasiirku waxa uu ka warramay kulan magaalada Addis Abaab ku dhexmaray Wasiirul-dowlaha dalka Itoobiya, kagana wada-hadleen burburka ku yimi shirka wada-hadallada iyo Doorka dowladda Itoobiya ka qaadan, waxaanu yidhi, “Waxa ugu muhiimsanayd ee aanu u sheegnay wasaaradda Khaarajiga Itoobiya waxay ahayd inaanu u sheegno wada-hadalladii aanu Nairobi kula lahayn dowladaha, sidii wax u dhaceen shirkii Turkiga iyo sidii aanu ugu sheegi lahayn dowladda Itoobiya si deg-deg ah wax uga qabato, waayo waajib-baa ka saaran, cidina ma rabto in dhibaato gobolka ka dhacdo.”
Si kastaba ha ahaatee, shuruudda Somaliland ku xidhay wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee ah in waddamada daneeya arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya dhex-dhexaadiyaan labada dhinac, ayaan ahayn mid ku cusub wejiyadii ay soo mareen shirarkii wada-hadallada, iyada oo waddamada Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska iyo Jabuuti kulamo ergooyin ka socday iyo madaxweynayaasha labada waddan isku horfadhiisteen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment