Hargeysa, 03 March, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ba’an u weeraray Wadaaddada oo uu ku eedeyey inay iska leeyihiin masuuliyadda dhibaatooyinka bulshada ka haysata caqabadaha dhaqan-dhaqaale ee ku gedaaman noloshooda, isaga oo sheegay inay gacanta ku dhigeen dhammaan adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, Maceeshadda iyo Shidaalka.
Muuse Biixi Cabdi oo Madal laysku arkay oo uu hadal ka jeediyey si gaar ah ugu bartilmaameedsaday wadadaadda, waxa uu u soo jeediyey inay bulshada u horseedaan ku-dhaqanka iyo dabba-qaadda Sunnaha suubban iyo waajibaadka Diinta Islaamku farayso umadaha Islaamka, maadaama iyaga oo kutubta iyo ku-dhaqankii Diinta Islaamka bulshada ku waaninaya, haddana ay qayb ka yihiin dhiirri-gelinta arrimo badan oo Diinta iyo dhaqanku farayaan in loo hoggaansamo.
Muuse Biixi oo hadal ka jeedinay munaasibad lagu marti-qaaday oo lagu daah-furay shirkad nooceedu dalka ku cusub yahay oo ka shaqayn doonta Caymiska Islaamiga ah waxaanu yidhi:-
HALKAN KA DHEGAYSO
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment