Thursday, March 5, 2015

Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo Beeniyey War uu sheegay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi

download (1)Hargeysa, 05 March, 2015-(Himilo)- Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa beeniyey war uu sheegay Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, kaasoo uu Guddoomiyuhu kaga hadlay doorka iyo saamaynta ay Culimada wakhtigani ku leeyihiin Siyaasadda, Ganacsiga qaybihiisa kala duwan iyo hannaanka dhaqan-dhaqaale ee dalka Somaliland oo uu Sabtidii toddobaadkan ka jeediyey Munaasibad lagu daah-furay Shirkad cusub oo caymiska ah, taas oo lagu qabtay Hargeysa.

Hadalladan Guddoomiye Muuse Biixi ka soo yeedhay ee Xisbiga KULMIYE beeniyey, ayay badi Warbaahinta dalku faafisay Salaasadii iyo Isniintii ka dib markii Shirkadda Munaasibadda lahayd uu u xanibnaa habeennimada iyo maalinnimadii Axadda, isla markaana Wargeysadii Warkaas qoray ama baahiyey Salaasadii waxa ka mid ahaa Wargeyska Madaxa-bannaan ee Himilo oo qayb ka mid ah Warkaas, gaar ahaan inta uu Culimada kula hadlayey qaatay ama faafiyey.

Hase-yeeshee, kelmad ka mid ah Ciwaankii Warkaas uu Wargeysku u qaatay oo lagu soo koobay nuxurka hadal Guddoomiyaha, waxa uu Caddadkii Arbacadii shalay soo baxay ku sameeeyey sixitaan. Hase-yeeshee, War-Saxaafadeed Xalay ka soo baxay Xafiiska dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa lagu beeniyey Hadalladaas Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana lagu Sheegay in Warka Guddoomiyuhu yidhi ee Wargeyska Himilo ku soo baxay uu ahaa mid been-abuur ah sida War-Saxaafadeedka loo dhigay. Waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedka xalay ka soo baxay xarunta dhexe ee KULMIYE u dhignaa sidan:-

REF: XK/XGX/0042093/2015                                                                          

Date: 04/03/2015 

Ujeeddo: Beenin War

Waxa maalintii Salaasadda ee taariikhdu ahayd 03/03/2015 lagu daabacay Warbaahinta qaarkood war la xidhiidhay hadal dardaaran iyo tilmaan ahaa oo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi jeediyey, balse Saxaafadda qaarkeed, gaar ahaan Wargeyska HIMILO si cad u marin-habaabiyey oo aflagaaddo ku ah Culimada oo dalkan iyo dadkiisaba karaamo iyo qadarin ka mudan.

Haddaba, waxa Xisbiga KULMIYE u caddaynayaa shacabka reer Somaliland in warkaasi ahaa mid si been-abuur cad ah loo dhigay sida Wargeyskii baahiyeyba ku saxay cadadkiisii maanta (shalay) (04/03/2015).

Gabogabadii, aflagaadda birmagaydadu maaha dhaqanka Guddoomiyaha iyo Madaxda kale ee Xisbiga KULMIYE toona, waxaannuna Warbaahinta uga digaynaa faafinta wararka been-abuurka ah ee ka soo horjeeda anshaxa iyo xeerka Saxaafadda dalka.”

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Hadal uu Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey Madal Bulsho badani isugu timi sidan oo kale loogu beeniyo War-Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Xisbiga uu Guddoomiyaha ka yahay ee KULMIYE.

No comments:

Post a Comment