Wednesday, March 18, 2015

Diyaaradaha DRONES-KA oo markii u horreysay loo adeegsaday Baadhista Xabaalo-wadareedyada Taliskii SBarre ku Xasuuqay Shacabka Somaliland

Axsaabta Siyaasada Somaliland Muxaafid iyo Mucaarid oo ka baaqday ka qaybgalka soo bandhigista Xabaal-Wadareedyo ay ku aasan yihiin Dadweyne la Xasuuqay oo laga helay Gabiley

Hargeysa, 18 March, 2015 (Himilo)- Guddiga baadhista iyo daba-galka Xasuuqii dadka Somaliland uu u geystay Taliskii Millateriga ahaa Soomaaliya ee uu hoggaaminaayey Maxamed Siyaad Barre oo kaashanayey Khobaro caalami ah oo ku xeel-dheer baadhitaanka xasuuqyada, ayaa bilaabay baadhitaanka Xabaal-wadareedyo ku yaalla magaalada Gabiley, isla markaana waxay adeegsanayeen qalab kala duwan oo ay ka mid tahay diyaarad aan duuliye lahayn oo ah nooca Drones-ka loo yaqaan ee Ciidammada Sirta iyo Millateriga Maraykanku inta badan adeegsadaan, taasoo Xabaal-wadareedyadii ugu horreysay ee lagu baadho shalay lagu soo bandhigay Gabiley.
2Diyaaraddan aan duuliyaha lahayn ee ay Khabiirradan baadhitaanka Xasuuqa ee Somaliland ka dhacan dhawaanahan ku hallanaa ay adeegsanayaan, ayay ku rakiban yihiin Kamarado, waxaana loogu talo-galay in lagu baadho goobaha loo tuhmo in Xasuuqii siddeetamaadkii laga fuliyey Somaliland ka dhacay si ay u sahlanaato in si dhib yar loo heli karo, loona baadhi karo goobaha la tuhunsan yahay ee dalka oo dhan, iyadoo markaa meesha lagu baadho calaamadinaysa goobta ay ka hesho in lafo-dad oo la xasuuqay wadar ahaan ugu aasan yihiin, waana markii ugu horreysay ee diyaaradaha Basaasidda lagu baadho xasuuqa Somaliland ka dhacay xilligii dawladdii Millateriga ee Soomaaliya telinaysay.
5 20150317_111250Guddiga baadhista iyo daba-galka Xasuuqa oo ay wehelinayeen khobarada Ururka la yidhaahdo EPAF (Peruvian Forensic Anthropology Team) oo ka dhisan dalka Peru ee Qaaradda Laatin Ameerika, ayaa markii u horreysay bilaabay baadhitaanka Xabaal-wadareedyo ku yaal cidhifka Galbeed-Waqooyi ee magaalada Gabiley, goobta loo yaqaanno Laag-barako oo ay ku aasan yihiin in ka badan labaatan qof oo dhammaantood Rag ah, oo Ciidankii Millateriga ahaa ee dawladdii Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre ku xasuuqday sannadkii 1987-kii.
Billawga baadhitaanka labadan Xabaal-wadareed, ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin tiro yar oo kala ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafka Somaliland, Badhasaab Ku-xigeenka gobolka Gabiley, Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka, Xubno ka mid ah Ehelada dadkii la xasuuqay.
Guddoomiyaha Guddiga baadhista Xasuuqa Khadar Axmed Like oo halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay ujeeddada iyo ahmiyadda baadhitaanka Xabaal-wadareedyadani, ayaa sheegay in dib loo qodayo Xabaalo-wareedyo lagu aasay dad lagu xasuuqay Gabiley sannadkii 1987-kii.
“Waxaynu isugu nimi in aan furno laba Xabaal-wadareed oo lagu aasay dad Muwaaddiniin ah oo Shacab ah, waxaana lagu eedaynayaa Nin gacan-ku-dhiigle ah oo la yidhaa; Tuke, kaasoo Taliye Ciidan ka ahaa xilligaas deegaanka Gabiley, runtii maanta waxaannu ku marti-qaadnay Masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Asxaabta Qaranka iimana muuqdaan, laakiin mushkilad ma laha, waxaanan aad ugu mahad-celinayaa khobaradan bilaashka innoogu adeegaya oo uu hoggaaminayo khabiir la yidhaahdo Franco Mora, isla markaana uu suurto-geliyey inay Somaliland yimaaddaan Muwaaddinka Cabdicasiis Maxamed Iid.” Sidaa ayuu yidhi Khadar Axmed Like.
Khabiirka hoggaaminaya kooxda baadhitaanka ku wada Xabaalo-wadareedyada Somaliland Mr. Franco Mora, una dhashay dalka Peru ee Qaaradda Koonfurta Maraykanka oo goobtaas ka hadlay, ayaa sheegay in dalka Somaliland yahay waddankii labaad ee ugu horreeyey Qaaradda Afrika oo baadhitaan ku sameeya xasuuq dhacay.
Franco Mora oo ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaannu ku faraxsanahay inaannu hawshan halkan ka wadno, waanannu idinla wadi doonnaa, anigoo u mahad-celinaya dawladda Somaliland oo noqotay waddankii labaad ama dalkii ugu horreeyey Afrika marka laga reebo dalka Koonfur Afrika ee oggolaaday in baadhitaan lagu sameeyo xasuuq loo geystay Muwaaddiniintooda.
“Waxa aannu ku faraxsanahay in hawshan baadhista ah ee aannu wadno noqoto mid caddaysa xasuuqa ku dhacay dadka, isla markaana maxkamad lagu horgeeyo dadka dembiileyaasha ah ee sameeyey xasuuqa ka muuqda xabaalo-wadareedyada ku yaal meelo badan oo Somaliland ah.” ayuu yidhi hoggaamiyaha Ururka Khobarada EPAF.
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland Marwo Fadxiya Jaahuur, ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay xasuuqa ku dhacay dadka aan waxba galabsan ee reer Somaliland, iyadoo tilmaantay in Xasuuqa lagu sameeyey dadku uu ahaa mid aad u fool-xun, waxaanay u mahad-naqday Khobarada caalamiga ah ee ku hawlan baadhitaanka Xabaalo-wadareedyada Somaliland.
Waxa kale oo ay caddaysay in aanu Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranku ka hadhi doonin dadkii sameeyey xasuuqaas illaa la taago Maxkamad caalami ah, iyadoo sidoo kale cambaaraysay falkaas foosha-xun ee lagu xasuuqay dadka ku dhaqan gobolka Gabiley sannadkii 1987 iyo guud ahaanba xasuuqa baahsan ee laga sameeyey dhammaanba gobollada iyo degmooyinka Somaliland muddadii u dhexaysay sannadihii 1984 illaa 1990-kii.
Cabdicasiis Maxamed Iid oo ah Muwaaddin u dhashay Somaliland kana mid ah dadka ehelkooda la xasuuqay oo isna ka hadlay goobtaasi waxa uu yidhi; “Geeri ayaa la joogaa inkastoo dadkan la xasuuqay beri hore, haddana waa mid aan la iloobi karin, waxaannu taaganahay in caddaallada ka horgeeyo cidkastoo qayb ku lahayd xasuuqii ku dhacay ummadda Somaliland, laguna caddeeyo gacan-ku-dhiigleyaasha xasuuqan gaystay.”
Waxaanu Cabdicasiis intaas ku daray; “Waxa la yaab leh in ninka gacan-ku-dhiiglaha ah ee la yidhaahdo Tuke uu qaxoonti ahaan isaga dhiibay dalka Canada ee Waqooyiga Amerika, waana laga soo mustaafuriyey markii dambe, waxaanu imminka joogaa waddanka Maraykanka oo dacwad ayaa ku furan, arrinta kale ee ka sii daran waxa weeye in ninkaasi xasuuqa geystay xaaskiisii sheegatay inay ka mid ahayd dadkii ehelkooda lagu xasuuqay Gabiley, waxayna qaxoonti ahaan iska dhiibtay Maraykanka oo ay been ku joogto, iyadoo ay dawladda Soomaaliya u qortay warqad ay ku difaacayso gacan-ku-dhiigle Tuke oo ay kaga soo horjeeddo in la Maxkamadeeyo.”
Sidoo kale, qaar ka tirsan Ehelka dadkii la xasuuqay ee ku aasan xabaal-wadareedyadaas oo kala ah Axmed Aw Muuse Madar iyo Koosaar Xaaji Cismaan, ayaa ka warramay dareenkooda iyo sidii naxariis-darrada ahayd ee loo xasuuqay dadkooga. Axmed Aw Muuse Madar, ayaa sheegay in walaalkii Cabdi Aw Muuse Madar oo loo yaqaanay Cag-dheer in ciidamadii millatariga ahaa ee dawladii Soomaaliya ee xilligaasi ka arriminayey deegaankani ay walaalkii nolosha ku gubeen, waxaanu yidhi; “Wallaalkay Marxuum Cabdi Aw Muuse inta la qabtay, ayaa nolosha lagu gubay, waana ninka Sawirkiisa la hayo ee muujinaya in gacan-ku-dhiigle Tuke uu nolosha ku gubayo walaalkay, iyadoo markii la gubay ee diirkii sare ka baxay haddana ay dabkii ka bakhtiiyeen si ay u silciyaan, waxayna markii dambe ku dilleen xabbad nool inta ay saareen Maxkamad been ah.”
Koosaar Xaaji Cismaan Cabdi oo Wallaalkii uu ku jiray dadka lagu xasuuqay Gabiley 1987-kii, ayaa isna sheegay in dadka la xasuuqay ahaayeen rayid aan wax dambi ah gelin, balse lagu eedeeyey oo qudha in raad SNM ah maray goobaha ay deganaayeen, waxaanu yidhi; “Lix qof oo uu wallaalkay ku jiro ayaa laga soo qabtay degmada Agabar, ka dibna la geeyey magaalada Gabiley, iyadoo aan Maxkamad la saarin ayaa meel qudha lagu wada xasuuqay, waxaanay ka mid yihiin dadka ku jira xabaalo-wadareedkan Laag-barako ee magaalada Gabiley, sidoo kalena waxa ku aasan 12 ruux oo sidan oo kale loo xasuuqay, Meydkoodana inta lagu qaaday baabuurka Iska-rogada la yidhaahdo lagu wada riday god qudha.”
Labadan Xabaal-wadareed ayaa Marxuum Mujaahid Yaxye X Ibraahim uu sanadkii 1992-kii ku sameeyey dhisme yar oo muujinaya inay Xabaalo yihiin, isla markaana suurto-geliyey inay ka badbaadaan Xabaalahaas in daadadku qaadaan.
Guddiga baadhista Xasuuqyadii loo geystay dadka Somaliland oo kaashanaya Ururka Khoborada baadhitaanka Xasuuqyada iyo Xabaal-wadareedada ee la yidhaa EPAF (Peruvian Forensic Anthropology Team), ayaa muddooyinkan ku hawlanaa baadhitaanka Xabaal-wadareedyada kala duwan oo ku kala yaal gobollada dalka Somaliland, si caddeymaha iyo natiijada Khoborada caalamiga ah ee EPAF soo saarto loogu adeegsan karo dacwadaha dadka reer Somaliland la beegsanayaan dhagar-qabayaashii xasuuqay dadkooga ee ku nool dunida, caddeymahaasi oo sahlaya in lagu horgeeyo Maxkamadaha Sharciga ee caalamka.
Sidaas darteed, Macluumaadka ay ka qaadaan goobaha Xabaalo-wadareedka Somaliland waxay horseedi kartaa in masuuliyiinta iyo Saraakiishii Ciidanka ee Taliskii Millateriga ahaa ee Soomaaliya lagu Maxkamadeeyo Xasuuqa ka dhacay Somaliland.
Waxa kaloo kooxdan khabbiirada ah hore baadhitaanno uga sameeyeen xabbaalo-wadareedyo ku yaal magaalada Hargeysa, waxaana xusid mudan in xabaal-wadareedyada dib loo qoday, lagana soo saaray hadhaaga qalfoofka dadkii la xasuuqay ee ku aasnaa muddada dheer, inta macluumaadkii looga baahnaa laga qaaday in mar kale si waafaqsan shareecada Islaamka loo aasay iyadoo kafan lagu xidhay, laguna tukaday Saaladda Jannaasad, maaddaama xilligaas la xasuuqay oo loo aasay si ka baxsan bani’aadaminnimada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment