Waxa ay ahayd markii aan wax dhigida ka bilaabay Jaamacadda Hargeysa bishii September 2006 oo ahayd labo sanno ka bacdi markii aan ka qalin-jabiyay bishii August 2004. Intii aanan Jaamacadda u shaqo tagin waxa aan tartan u galay in aan tabobare ka noqdo Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Institute), halkaas oo bil tabobarka tabobarayasha ay hay’adda horumarinta u qaabilsan Qarammada Midoobay ee UNDP nagu siisay dhammaadkii 2004. Tabobarka waxa nagula jiray ilaa soddameeyo qof oo ay ku jiraan qaar ka mid ah macallimiintaydii, madaxdii hay’adda shaqaalaha dawladda oo markaa uu haystay Cabdiraxmaan Cadami, waxa uu Cadami maalin galinkii dambe mar aanu salaada u soo baxnay nagu yidhi; ‘idinka waxa aan tabobarka idiinku soo daray in aan idinku dhiirigeliyo, maadaama oo aad tihiin arday jaamacadda dhawaan ka baxday.’ Waxa aan ugu jawaabay; ‘Guddoomiye, waxa aanu nahay macallimiin, waananu tartamaynaa, maxaa yeelay waxa aan arkay in aan raggu aad isu dhaamin, maadaama oo ninka casharada nasiinayay uu ajaanib ahaa, ana xilligaa waxa aan ahaa muddo gaaban macallin fiisigiska ka dhiga dugsiga sare ee 26 June ee magaalada Hargeysa, in kasta oo aanu takhasuskaygu ahayn.
Nasiib-wanaag qof qudha oo ajaaniba ayaa iga sareeyay imtixaankii macallinnimada waxa la noo qaatay mac-hadka tabobarka shaqaalaha dawladda aniga, Jamaal iyo Ahmed oo ahaa saddexdii macallin ee lagu bilaabay mac-hadka, waxa layaab noqotay markii maamule-ku-xigeen la nooga soo dhigay nin ku dhacay imtixaankii macallinnimada. Ilaa imminka waxa aan macallin ka ahay Jaamacadda Hargeysa, waxa barbar socday macallinimada in aan ka soo shaqeeyay hay’adaha samofalka madani iyo caalamiba, UN-ta, dawladda dhexe iyo ta hoosaba, aniga oo ah immika la-taliye u ah Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hay’adda Qarammada Midoobay ee Haweenka (UN Women).
Waan naxaa marka arday ama qof kale uu iigu yeedho magaca professor, maxaa yeelay waa xil iyo darajo sare oo lagu gaadho waxbarasho sare, cilmi-baadhis, macallinimo muddo dheera iyo hawl-karnimo ay tahay in cid kaadarajo saraysaa ay ku hagayso, kuuna sheegayso dhalliilahaaga iyo guulahaaga oo haakah dhib yaraan lagu odhan karin. Waxa aan dhib kala muddanay qollooyinka buuggaagta Jaamacadda u roga oo si aad buugga ugu keento far fiican magacaaga oo ay ka horayso Professor soo daabacaya, waxa aan ku war galiyay in la iigu qoro Bare (Lecturer) oo ah darajada ugu hoosaysa wax dhigida Jaamacadda. Haddaba waxa ay tahay aniga Hassan ahaan oo haysta shahaadada koowaad iyo labaad ee waxbarashada sare waa kuma qaranka Somaliland cida ay tahay in ay ii sheegto darajadayda, ma anaa isu cabira, mise bahashaba beelaynu ku qaybsanaa hawsheeduba ha yaraatee, maxaa yeelay jaamacadaheennu ka ma fayooba aafada qabiilka oo anfacda mid aan la’aanteed socon karin.
Jamacaddaha dalka buuggaagta macallimiintu wax ka dhigaan waxa dusha kaga xardhan magaca maadada iyo Professor hebel hebel, oo la bilaab misa marka qallinka wax dhigida loo dhiibo, way adag tahay in aad aragto buuggan ciddii qortay. Dhibaatadan waxa aan la wadaagnaa mihnado faro badan oo ay ka mid tahay saxaafadda oo marka aad rikoodka yar lagu dhiibaba aad noqonayso suxufi. Gabayaaga oo hadaad afarlay isku beegto aad qoranayso abwaan. Digtoorka oo hadaad shaadh cad xidhato lagugu taagayo iyo Sheekh oo laguugu yeedhayo hadaad gadhka la baxdo.
Waxa aan maqli jiray markii Xamar laysku darsaday ayaa shaqaalihii reer Xamarku wada xillal sare sheegteen, xalka reer waqooyigu oo markaa ahaa dad fiican waxa ay sheegteen xilalkoodii rasmiga ahaa, marka laga reebo nin caan ah oo ilaa imminka loogu yeedho diktoorka oo isagu raaciyay reer Xamarkii, darajadana sidaa ku qaatay. Waxa aan qabaa in qaran ahaan anay ina anfacayn in aynu wax walba bililiqaysano sidii aynu guryaheennii u bililiqaysanay, tusaale ahaan markii uu dagaalka sokeeye ka dhacay Hargeysa 1994 aniga oo markaa dhigta dhugsiga dhexe ee Madarasadii Furqaan oo xilligaa gali jirtay Faarax Omar, ayaa la boobay iskuulkii agoomaha oo ku yaalay xaafadda Pepsiga, markaasaanu ku soo yaacnay, mise waa sheekh, oday, dumar iyo rag waxa la guranayaa kuraasidii iyo agabkii kale ee meesha yaalay, waydun qosli haddaan ragga qaar maanta aan magacyadooda idiin sheego, kasii daran waa laysku dillay bililiqadii oo waxa aan xasuustaa in halkaa qof ku dhintay. Maalintaa waxa aan ka qaatay dugsigaa kursi, laakiin markii aanu galnay dugsiga sare ee Farax Omar sannadkii 1996 oo ahaa form 1kii ugu horreeyay ee Somaliland ayaa lagu yidhi ardaydii aanu isku galaaska ahayn, qof walawba kursi soo qaado, kursigii sida khaldan igu soo galay, sidaasuu mar labaad ugu noqday qaranka cilmiga Ilaahay.
Waxa iga talo ah dib ha loogu noqdo Gudida Tacliinta Sare iyo hay’addo kale oo faro badan oo haddii loo baahdo aan aragti caafimaad qabta ka dhiiban doono. Qarankan qaan-gaadhka dhaafay waxa uu u baahan yahay hogaan san iyo in la sameeyo hay’addo aan maqaar saar ahayn iyo reer hebel ku qanci oo dadka iyo dalka anfaca, haddii kale waxa aynu dib u raaci doonaa raadkeena Alle inaguma keenee.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment