“Walaalnimo ninkii dilay hadduu cabasho daynwaayo
Xaajooyin duugnaa oo daalay baa imane
Waa lay damqayaaye inaan furo ma doonayne
Anigoon dalkeeniyo fadhiyin degeladii saaxil oo
Higilku ii yahay dugsi oo wehel ka doonaaya”
Tuducyadan gabaygan oo uu tiriyey Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markii Afgooye lagu xidhay ee askartu afgembiday xukuumaddii (Somali Republic) ama Jamhuuriyadii Soomaaliyeed sannadkii 1969 ee madaxa uu ka ahaa, waxaan ka soo qaatay mareegta Aftahan oo uu ku duubay si qoto dheerna uu uga hadlayo Suldaan Xandule.
Haddaba, markii Xabsigii Labaatan-jirow laga soo daayey Marxuunka sannadkii 1976, isaga oo markaas xidhnaa toddoba sanadood, ayaa waxa ku soo booqday gurigii uu deganaa laba nin oo reer Somaliland ahaa oo ay macruuf ahaayeen muddo badan.
Markay sheekaysteen oo is-waraysteen ayuu u tiriyey gabaygan uu jeelka ku curiyey. Siday u dhacdayba gabaygii waxa uu gaadhay Sirdoonkii Dawladda, kadibna habeenkii dambe ayaa Cigaal looga yeedhay Madaxtooyadii oo uu la kulmay Siyaad Barre. Si lama filaan ah ayuu Siyaad Barre u tiriyey dhawr tuduc oo gabaygan ka mid ahaa, deeto Cigaal ayuu ku yidhi; “Maxamed, dhammaystir gabaygan aad tirisay, illeyn jeelkii gabyaa ayaad ku soo noqotay.”
Cigaal waxa uu sheegay isaga oo aan weli jawaabin oo fekeraya oo ay jiq ku tahay, ayaa waxa xafiiskii ugu soo galay Maxamed Cali Samatar (Madaxweyne-ku-xigeenkii) iyo Axmed Saleebaan Dafle (Madaxii Nabad-suggidda NSS), markaas ayaa Cigaal siyaad ku yidhi; “Madaxweyne, hadda Odayaal ayaa innagu soo kordhay ee arrintaasi dib ha ii weydiinin.” Siday u dhacdayba Siyaad dib uma weydiin lamana soo qaadin mar dembe gabaygii.
Marxuun Cigaal ayaa sannadkii 2001, maalin u geeyey Odayaal Reer Laasqoray ah. Odayaashii markaan u kala sheegay ayuu mid ka mid ahaa aabbihii gartay, waxa uu ku yidhi inankii; “Waqtigii aan xabsiga ka soo baxay ayaan maalin la i geeyey Huteelkii Jubba. Waxa fadhiyey Rag aan is-wada garanaynay oo reer Somaliland ahaa, mid i salaama ayaa laga waayey. Waxa ii soo kacay aabbahaa Xaaji Ibraahim Saalax (Ibraahim Tuur) oo si kalgacaltooyo ah ii salaamay, Raggii kale waa ku dhici waayeen.” Gabaygani waxa uu ku socdo reer Somaliland gaar ahaan beelaha dhexe. Marxuun Cigaal mar dambe ayaa haddana Jeelkii Labaatan-jiro lagu celiyey, halkaas oo uu ku jiray ilaa 1982, waxaana uu isugeyntii xidhnaa 12 sanno.
Sanandkii 2000 waxa Hargeysa ku soo booqday Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo ay Jeelka Labaatan-jiro ku wada jireen, waxaanu si fiican uu u soo dhoweeyey oo u sooryey, kadibna Jeneraal Abshir ayaa warbaahinta la hadlay oo sheegay in Marxuun Cigaal uu qur’aanka Jeelkii ku baray.
Haddaba mar Marxuun Cigaal uu arrintaas nooga sheekeeyey, waxa uu noo sheegay in Maxamed Abshir uu isagu xidhnaa 13 sanno oo uu hal sanno dheeraa. Waxa kale uu sheegay in Abshir uu Qur’aanka kor u akhriyi jiray, deeto kitaabkii Qur’aanka ahaa ayaa qoladii jeelku ka qaaday, meel uu ka akhriyo Qur’aankii ayuu waayey. Waraaqo ayaan ugu soo qoray suurado badan oo aan korka hayey, deeto waqtigii biririfta nala siiyey ee qolalka nalaga soo saaray ayaan warqadihii hoosta ka siiyey, sidaas ayuu Abshir u leeyahay Cigaal ayaa qur’aanka i baray.
Waqtigaa dheer ee uu jeelka ku go’doomay, badanaa kuma sii tiigaali jirin oo kama sheekayn jirin marxuunku. Maalin aan fasax weydiistay oo u sheegay inaan reerkaygii gaadhayo oo Yemen deggan ayuu igu yidhi “Geesaw, carruurtayda isma naqaanno, oo markii ay korayeen ee aan is-baran lahayn waan ka maqnaa. Waxaan ugu talagalay inay Jaamacadaha Oxford iyo Cambridge ee dalka England ay kala galaan, mase dhicin!!” maalintaas ayaan ka dareemay woxoogaa hibasho ah (sadness). Keligii-talisnimadu waxay keentaa gabood-fal iyo ku-tumashada xuquuqda qofka.
Raggaasi madaxda ahaa ee nidaamka dimuqraadiga ku waday dalka iyo dadka waxa abaal loogu dhigay iyaga iyo qaar kale oo badan in waqtigii noloshooda ugu fiicnaa ee ay wax taransan lahaayeen ama cid wax tari lahaayeen akhristaw inay ku abaadaan jeelal qol qol ah keligood.
Somaliland waxay deggan tahay xaafad jaar xun (Bad neighborhood) oo IGAD la dheho. Dalalkaas oo keli-talisnimada ku caan ah, Madaxdoodu 30 ilaa labaatan sanno ayey xukunka iska haystaan. Dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadamiga waa ka aradan yihiin, kuwii ayaa nasiib-darrada dadka Soomaaliyeed abbaan looga dhigay. Maxay ka baranayaan? Waa halkii waraabahii yidhi; ‘Maxay ku jaqdaa maxayse ka jaqdaa.’ Markuu nirigtii farruuryaha goostay hashiina naasahii goostay ee ninkii lahaa soo godol is-yidhi oo uu u yeedhyeedhay hashii.
Odayaashii iyo Islaamhii ina dejiyey kobtan ee reerka ku furay berri amaankan ee intoodii badnayd ay xijaabatay ee aaday xaggii loo badnaa, qaarna ay hadda dariiqa sii hayaan Muxaafid iyo Mucaaradba inooma darnayn oo waa dedaalin ee waxaan ka baqayaa in da’da yar-yari ay xaafaddan jaarka xumi ibtilayso, durba qaar ayaa faro taag-taag ah iyo hadal han-jabaado ah laga hayaaye.
Nin maalqabeen Suudaani ah oo deggan dalka Ingiriiska dhalashona ku leh oo la yidhaahdo Maxamed Ibraahim oo lacag laba Bilyan oo doolar gaadhaysa haysta, lacagtaas oo uu ka helay shirkad telefoonka gacanta oo uu lahaa markuu iibshay; ayaa u guntaday in uu lacagtiisa wax kaga qabto siyaasadda dalalka Afrika, isaga oo ku taamaya inuu horumariyo, kana midho-dhaliyo Maamul-wanaag iyo Dimuqraadiyadda ka hanaqaada dalalka Afrika.
Waxa uu samayeeyey Hay’ad uu u bixiyey “Mo Ibrahim Foundation” (Akhirstow, marka dadka magacoodu Maxamed yahay ay joogaan dalalka Khawaajaha way qariyaan Maxamed-ka oo waxay u soo gaabshaan “Mo.” Hay’adaas oo uu ugu talagalay inuu ku horumariyo Maamul-siyaasadeedka dalalka Afrika oo uu ugu hiiliyo Dimuqraadiyadda, xukun-Wanaagga, Illaalinta Xuquuqdada Dadka, Xuquuqdada Warbaahinta iyo Horumarka dadka, isaga oo ka duulaya sababta madaxda dalalka Afrika xukunka isugu sii dhejiyaan ay tahay daba – ka werwerka iyo baqdinta ay faqriga ka qabaan haddii ay xukunka ka degaan.
Sidaas darteed, waxa uu ugu ballanqaaday Madaxweynihii Afrikaan ah ee xukunka iskaga dega marka xilligiisu dhamaado ama ka horba, oo ku dhaqa dalkiisa nidaam siyaasadeed hufan inta uu xilka hayo, inuu siinayo marka uu xilka ka dego $5 million oo dollar, iyo $200,000 (laba boqol oo kun doolar) sannadkiiba inta uu nool yahay.
Ilaa hadda waxa ku guulaystay abaalmarintaas Afar Madaxweyne oo ka soo kala jeedda dalalka: Mozambique, Cape Verde, Botswana iyo Namibia. Sida muuqata waa dalal yaryar oo tirada dadkoodu kooban tahay sida Somaliland. Somaliland waa higsan kartaa haddii siyaasiinteedu ku dedaasho himiladaasi.
Sannadkii 2009 ayaa Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland la xidhiidhay Hay’adaasi Mo Ibrahim Foundation, si ay Somaliland ugu daraan qiimaynta dalalka Afrika dhinaca Dimuqraadiyadda iyo Maamul-wanaagga. Waxa Mo Ibrahim Foundation soo direen khabiir iyo kuwa joogay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland inay la shaqeeyaan, in bal sidii xog-ururin laga sameeyo Somaliland afarta madax ee saldhigga u ah qiimaynta Hay’addaas, kuwasoo kala ah;
1. Nabadgeyada iyo Sharci-ku-dhaqanka,
2. Ka-qaybgalka Siyaasadda iyo illaalinta xuquuqda-aadamiga (Doorashooyinka, Warbaahinta xorta ah);
3. Fursadaha dhaqaalaha oo u wada furan dadka;
4. Horumarka nolosha dadka dhinaca; caafimaadka, waxbarashadda, biyaha, iyo nadaafadda.
Ayaan-darro, halbeegyadii qiimaynta lagu samaynayey iyo tirakoobkii ayaa laga waayey Hay’adihii Xukuumadda, sidaas darteed wax qiimayn ah laguma samayn; Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda Somaliland waxay u badan yihiin madax-ka-nool haddii aad hoos ugu dhaadhacdo waa cidla’ yahay, oo xogta la ururiyey ee aad ka helaysaa waa yar tahay ama ma jirto.
Nin Khawaaje ah oo kuwa dhawrtada bixiya ka tirsanaa ayaa waqtigaas igu yidhi; “Haddii aannu u baahnno tirakooba waxbarashadda dalka waxa aannu ka qaadanaa INGO ama Hay’adaha UN-ta ee Wasaaradda Waxbarashada uma doonano oo ma hayso xogtaasi.
Akhristow, waxa isweydiin leh maalqabeenada Somaaliyeed maka fekeraan inay gacan-ka-gaystaan Maamul-wanaag dalalkooda, mise iyaga ayaaba ah dhibaatada saldhig u ah ‘Kula fidma cinda geela.’ Waa halkii ninkii turjumaanka ahaaye!
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment