Wakhtigu waa goor Habeen ah, laakin fiid u ah aniga iyo dhalinyarta qayrkay ah, qiyaastii waxay goorsheegtu ku beegnayd oo aan filayaa in sagaalkii habeenimo daqiiqado yar dhaaftay. Waa wakhti aan iska daalanaa waayo subaxii hore ee aan kacay ee aan tukaday wajibkii la igu lahaa waxan u dhaqaajiyey xagaasi iyo shaqada oo aan hunguri mar xalaal ah kasoo raadiyo maalinkii oo idil, isla marka uu gabalku dhaco ee qoraxdu falaadhaha casuusta ah ee aadka u taagta daranl eh xaga Galbeed inaga qabtaan, Muadimiinta Masaajidu isku diyaariso Eedaanka salaadda makhrib, ayaan Boorsada buugaagta xambaartaa, oo waxaan si dhib ah u xasuustaa Kaadhkii Jaamacadda lagu gelayey oo hadaanan sidan ay iga xidhmayso jaamacad. Intaan jaamacadda ku jiro waxaan dareemaa daal iyo tabcaan nimo, laakin xisaska oo macaliminta dhigayaa yihiin kuwo furfuran oo faraxsan ayaa keena inaan wakhtigu i dhibi waayo. Waxba ayaanan hawshaas kusii fogaane, an ku soo laabta sheekada, goobtu waa badhtamaha suuqa Hargeysa, waxaa i weheliya qaar kamid ah ardaydii aanu isku fasalka ahayn, oo bas la’aan darteed aanu waddada sheekooyin cajiib ah isku dhaafsanayney, mar waxaanu ka sheekaysanaa waayahay waxbarashada, mar xagga siyaasad ayaanu u kacnaa, marmarna waanu dhafnaa geyigan aanu ku noolnahay oo caalamkaanu ka hadalnaa, inkasta oo ay nagu badnaayeen sheekooyinka guurka ku saabsan. Wakhti aanan garanahayn ayaan sheekadii mid kamid ah ardaydii aanu wada soconay wadday ka hadhay oo waxaan arkay dhegtayda oo u hanqal taagaysa dhegaysiga sheeko niman kale wataan oo ay is warsanayeen. Waa laba nin qiyaastii da’adoodu waa inta udhaxaysa 25jir ilaa 30 jir, xooggan, oo aanay ka muuqanin baahi badani, mid kastaa waxa uu gacanta midig ku sitaa bac madow oo culus oo buuxda, waan u sii hanqal taagay waxay sitaan laakin waxaan ogaadey inuu yahay qaad(jaad). Ma aqaan qiyaastiisa laakiin dadka qaadka yaqaan waxay ku tilmaamaan inuu yahay geed, waa kan ugu lacagta badan ee ugu qaalisan geyiga aynu kunoolnahay, laakin dhalinyartan labada ahi waxay ka sheekaysanayeen mirqaanka oo mid kamid ah oo sidaan dhugtey magaciisa layidhaahdo Jaamac ayaa wada sheekada. Wuxu yidhi “Xalay oo dhan maseexan mirqaan”, “oo maxaad qabanaysey,” ayuu waydiiyey saaxiibkii oo aanan magaciisa isaga maqlin, “Dee waxaan dhisayey guri, guri kkkkk”. Anigu waxaan moodayey guri dhab ah, laakiin sheekadiisa ayaan ka dhex dhandhansaday inuu yahay guri aan jirin. “Oo immisa qol ayuu ahaa,” ayuu waydiiyey saaxibkii, “Dee niyaw waxaan ku qiyaasay in uu yahay 20 qol,” “Allah oo ma dabaqbaa ileen waa dabaq gurigu”, “Waar dabaq maaha ee waa guri balaadhan”. Bal fiiri ninkani halka uu guriga ka dhisay, waa badhtamaha dooxa Hargaysa, waan qoslay oo ileen mirqaanku ma sidanbaa, ayaan isweydiiyey, Qofkii nooli wax walba wuu arkayaa, waxaan sawirtay oo hortayda yimi gurigii 20ka qol ahaa ee uu ninkan Jaamac ka dhisay dooxa Hargaysa, oo imisa maalmood buu ku dhisay? Waa wax ka yar 12 saacadood, anigoo ninkaas la yaaban oo is leh walee gurigaasi malaha waxaa dhisaayey shaqaalihii dhismaha oo dhan, ayuu kii kale waydiiyey, “Oo saaka ma gurigii baad ka soo toosatay”, “Iska ba’a maxaan kasoo toosa waxan aan ka hadlayaa waa mirqaan.” Mirqaanku ma sidanbaa? mirqaanow ba’a! Waxaa ka horyimi nimakii nin kale oo saddexaad oo dhalinyaro ah oo waydiiyey,”Waar maxaad Jaamac telefoonka iiga qaban-weyday xalay? Waan kuu cadhaysnahay”, “Waar imaad soo wicin ee maxaad aragtay, “Dee saw lambarkan maad beddeshay, saw kan maaha lambarkaagii?” Wuu tusay oo labadii kale ayaa qosol u dhacay. Yaabay oo idhi maxay arkeen. Ogow oo ninkan dhalinyarta ahi hadda ayuu kasoo kacay Qaad, oo afkiisa waxaa kasii muuqda qoyaanka, oo wuxuu isku lisayaa ilkaha oo kolba waxa uu tufayaa candhuuf, oo wax uu sitaa qori Qaad ah oo aad loo dhuubay oo ilkaha uu ku qodayo. Marna waxa uu eegayaa lambarka, marna waxa uu fiirinayaa dadka waddada maraya, aniguna waxaan is weydiiyey malaha, wiilkani wuxuu ka baqanayaa waalidkii, ama dee qof uun in uu ku arko xaaladan mirqaanka ah. Madaxa waxaa kaga jira dhawr qori oo diiran oo findhicil ahaan uu u adeegsado. Laakin aan kusoo noqdo lambarka uu tusay asxaabtiisa, waxaa ku qoran magac dumar ah oo wax uu moodaayey saxiibki lambarkiisa, Mirqaanku ma sidanbaa? Ma inaanad garan xaalada aad ku jirto miyaa? Jaamac baa soo jeediyey oo yidhi, “Waar kani maaha kaygii bal aad u eeg, maad waalantahay magaca dumar baa ku qoran”. Mirqaanku ma sidan baa, ayaan is weydiiyey.
Haddaba, akhristayaal Haddii mirqaanku uu yahay khiyaali iyo wax kale oo la is moodsiiyo, miyeyna ahayn in aynu la talino dhalinyarta asxaabta ah ee sida xad-dhaafka ah u baranaya Qaadka iyo sigaarka, ee ka hadhay waxbarashadoodii iyo shaqooyinkoodii ee maanta kunool xaalado mugdi ah oo guryaha ay ku qayilaan iyaga oo garaabadii iyo haashkii sigaarku ag yaalo seexda, subixiina ka kaca meel aad moodo xero gudaafadeed.
Waa qodob mihiim ah oo ay dayaceen ciddii ku shaqada lahayd waayo haddii dhalinta laga xayiri laahaa Qaadka amaba laga dhigi lahaa Qiimo badan, waxaa ku adkaan lahaa iibsiga Qaadkaas.
Waxaan kusoo gebgebaynayaa, la tali asxaabta Qaadka cunta oo ka jooji balwadahan ma-dhalayska ah oo u sheeg in ay dantooda ka shaqeeyaan, oo ay gutaan wajibaadkii Rabbi ku lahaa.
Illaahayow Xaqa na waafaji. Aamiin.
W/Q: Xamse Baashe Muxumed (Shaadhey)
Hargeysa, Somaliland
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment