Wednesday, March 4, 2015

Madax-dhaqameedka Beelaha la-hayb-sooco oo Taageeray Is-casilaaddii La-taliye Barkhad

Hargeysa, 04 March, 2015 (Himilo)- Madax-dhaqameedka Beelaha la-hayb-sooco, gaar ahaan kuwooda ku dhaqan magaalada Hargeysa qaarkood, ayaa taageero u muujiyay go’aanka iscasilaadda uu kaga dhawaajiyey La-taliyihii Madaxweynaha ee Beelaha La-haybsooco Barkhad Jaamac oo dorraad shaaciyey inuu iska ka tanaasulay xilkii uu hayey Isniintii dorraad, waxaanay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ku eedeeyeen inay ka qadisay mansabkii ay xaqa u lahaayeen.
waakaSalaadiin iyo Cuqaal ka tirsan beelaha la-habsooco oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen inay beel ahaan taageero weyn la garab-istaageen xukuumadda Siilanayo wakhtigii doorashada ay talada dalka ku hanatay, wakhtiganna ay go’aansadeen inay codkooda ku biiriyaan xisbiyada kale ee beeshooda u oggol saami-qaybsi ay u qalmaan.
Jiif Caaqil Cabdi Cige oo ugu horeyn ka hadlay, shirka jaraa’id, waxa uu yidhi, “Ninka is casilay ee Barkhad waxa uu isku casilay beesha Gabooye dulmiga haysta dartood, waxaanu ka hadlaynaa oo ka murugoonaynaa dulmiga ay dawladu nagu hayso, waanu ka qaylinaynaa maadaama oo aanay muslinnimo iyo dadnimotoona nagu tixgalinayn, mana jirto waxaanu dawladaas ku haysanaa oo xil ah.”
Suldaan Daakir Xasan Khaliif ayaa isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu taageesanahay is casilaadii uu is casilay La-taliye Barkhad, anaga ayaa kula talinay inuu is casilo maadaama oo xukuumadda talada haysaa uu Axmed Siilaanyo madaxweynaha ka yahay muddo la dhawraayay inay wax iska beddalaan oo ay iska badali waayeen. Xukuumadda Siilaanyo waanu ka haybsoocanahay oo wax aanu ka nahay ma jirto. Isku shaandhantii u danbaysay iyo mid kale toona naguma xusin oo naguma soo darin, waxaanu nahay umadda ugu baahida badan ee ugu nugul in xil loo magacaabo, waa umadda aan wasiir, ku-xigeen, agaasime guud lahayn, oo mid waaxeed lahayn, waa umad dulmi aad iyo aad u weyn lagu hayo”
Suldaan Axmed Iimaan Warsame oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id, ayaa yidhi, “Waxaan anigu ku baaqayaa in doorashada cadaadis reer Somalilandow lagu saaro xukuumadda hadii kale waxaynu noqon gobol ka mid ah Soomaaliya ama kontan sano ayaynu dib u dhacaynaa, waa in lagu dedaalaa in lays hortaago muddo kordhin.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment