Xildhibaan Dheeg oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyey inay sababta u tahay burburka wada-hadallada, taasina ay markhaati ka tahay xubnaha Somaliland u dhalatay ee uu ku soo daray ergada wada-hadallada u metalaysa."Waxaan u mahad naqayaa Gudidii matalaysay Somaliland ee tagay Turkiga ee ka xaragooday dad aan u qalmayn inay hort fadhiistaan, sidii aanu idiin xulanay ee aanu diinku dirnay ayaa sidaa ahayd," ayuu yidhi Xildhibaan-dheeg, waxaanu dawladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ugu talo-gashay burburka wada-hadallada maadaama ay ku soo dartay ergadooda xubno shuruudahoodu ka horimanayaan heshiisyadii labada dhinac hore u wada-gaadheen.
Waxa uu xildhibaanku sidoo kale, eedayn u jeediyey ergadii Soomaaliya u metalaysay wada-hadallada ee dhalasho ahaan ka soo jeedday Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay shakhsiyaad loo soo diray burburinta shirka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment