Wednesday, March 4, 2015

Madaxweynaha oo Mashruucii ugu ballaadhnaa u dhagax-dhigay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa, 04 March, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaanxubno golaha Wasiirrada, ayaa kormeer ku maray cisbitaalka guud ee Hargeysa shalay, waxaanu halkaas u dhigax-dhigay qaybo ka tirsan cusbitaalka oo la balaadhinayo.
Madaxweynuhu waxa kormeerkiisa ku maray waadhadhka bukaan-jiifka, isaga oo madaxweynuhu ugu horeeyey qabta carruurta oo ay warbixin ka siiyeen agaasimaha guud ee Cusbitaalka, wasiirka Caafimaadka iyo xubno ka mida hawladeena Cusbitaalka Guud..
DSC_0324Madaxweynaha, waxa uu dhagax-dhigay 60 qol oo loogu talogalay in la seexiyo, bukaan socodka oo ay wakhtigan ku qaadato inay maalmo sugaan in loo baneeyo qolalka ay degaan, iyada oo qaabka loo hirgeliyo iyo qorshayaasha ballaadhinta adeegyada cusbitaalka uu madaxweynaha sharraxaad ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed.
Md Siilaanyo waxa uu xadhigga ka jaray mishiino casri ah oo dhawaan la keenay cusbitaalka kuwaasi oo ah (X-RAY-CT scan), Mishiinka Kelyaha sifeeya oo ka kooban 7 mishiin wakhtigaasina ay shaqadu ka socotay oo ay jiifeen dad dhawra oo loo sifaynaayey kelyaha, oo sida ay sheegeen dadkaasi todobaadkiiba mar ay soo maraan mishiinadan laguna sifeeyo, halka hawladeenada ka shaqeeyaana ay yihiin muwaadiniin dalka gudiisa loogu tababaray iyo kuwo dibeda wax ku soo bartayba.
Madaxweynuhu, waxa uu kormeerkiisa Cusbitaalka Guud ku soo gunaanaday, dhagax dhigga xarun cusub oo loo dhisayo gargaarka degdega ah kana casri sanaan doona xaruntii hore loogu shaqayn jiray.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment