Liibaan Xaaji oo ah Nin Soomaali ah, balse haysta Baasaabboorka dalka Maraykanka wuxuu ka mid ahaa Al-Shabaab, iyadoo ay ku eedeysay dawladda Mareykanku inuu taageero siin jiray Al-shabaab, sidaas darteedna uu halis wayn ku yahay nabadgelyada Maraykanka.Hay’adda Amniga Soomaaliya iyo Sirdoonka Mareykanka, ayaa muddo maalmo ah dusha kala socday dhaqdhaqaaqa Liibaan oo la sheegay inay qabteen, isagoo ka yimi Jubbooyinka, kuna socday Muqdisho. iyadoo dawladdu aanay sheegin xilliga la qabtay Sarkaalkan.
Liibaan oo 29-jir ah ayaa wuxuu haystaa dhalashada Mareykanka, wuxuuna ku noolaa gobolka Virginia oo uu ka ahaa Taksiile, iyadoo goor dambe la sheegay inuu tabobbarro siiyo qaar ka mid ah dhallinyaro uu u qoray Al-shabaab.
Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay magac cusub u bixisay Xarakada Al-shabaab Wiilkan, kaasoo ah UGUS oo loo soo gaabiyay Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed. Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee FBI-da, ayaa saacadihii lasoo dhaafay shaacisay in Liibaan oo ay raadinaysay uu u xidhan yahay dawladda Federaalka Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment