
Xukunkan ayaa dhigaya in Ururka Xamaas loo aqoonsaday urur Argagixiso, isla markaana wixii hada ka dambeeya xanibaad lagu soo rogayo.
Ururka Xamaas oo gacanta ku haya Magaalada Gaza ayaa xuduud la leh dhanka Masar, waxayna go’aankan Maxkamada saameyn ku yeelaneysaa dadaaladii xaga Nabadda ee ay Masar ku howlaneyd.
Masar ayaa hore door muuqda uga ciyaartay wada hadaladii dhinaca Nabadda ee Xamaas iyo Israa’iil, waxaana tani loo arkaa in Israa’iil faa’ido u tahay, maadaama duntii xidhiidhka Masar iyo Xamaas uu go’ay.
Dhinaca kale Mid ka mid ah Xaakimka Maxkamada ayaa ku eedeeyay ururka Xamaas inay ku lug lahaayeen weeraro ka dhacay gudaha Masar, kuwaasoo isugu jiray, dilal, qaraxyo iyo weeraro lagu qaaday xarumaha ciidamada ee ku sugnaa Gacanka Siinaay.
Masar ayaa hore u mamnuucday Ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo xidhiidh dhow la lahaa Xamaas, kadib markii xukunka laga tuuray Madaxweyne Maxamed Mursi oo ka mid ahaa Ururka Ikhwaanul Muslimiinka.
Banaan baxyo looga soo horjeedo go’aanka Maxkamada Masar ay ku gaadhay in Xamaas tahay urur Argagixiso ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Gaza, halkaasoo xalay isugu soo baxeen dadweyne fara badan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment