Duur-joog iyo Dugaag Harraad ugu dhintay Sanaag iyo Masuuliyiinta dawladda oo ku baaqay in gurmad deg-dega lala gaadho Dadka iyo Duunyada gobolkaas
Masuuliyiinta Sanaag waxay sheegeen in nolasha dadka iyo duunyadu halis ugu jirto inay harraad u dhintaan, waxaanay baaq u direen dawladda & caalamka
Ceerigaabo, 19 March, 2015-(Himilo)- Masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo, ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah lala gaadho dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Sanaag oo ay sheegeen inay ku dhufatay Abaar baahsan oo biyo iyo baad la’aan ah, isla markaana ay Habar-dugaag iyo Duur-joogta meelo badan oo gobolka ka mid ah harraad ugu dhinteen, sidoo kalena ay halis ku jiraan dadka iyo duunyada deegaanno badan oo dhibic biyo ah aan lagu haynin.
[gallery columns="2" ids="17119,17120"]
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay iyo Maayerka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo shalay Shir Jaraa’id wada-jir ugu qabtay xarunta Maamulka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo, ayaa ku dhawaaqay inay deegaannada gobolka ka taagan tahay xaalad adagi, waxaanay ugu baaqeen Madaxweynaha Somaliland, Golayaasha kala duwan ee Qaranka, Hay’adaha caalamiga ah, kuwa waddaniga ah, Ganacsatada iyo Qurbo-joogga reer Somaliland, gaar ahaan reer Sanaag inay gurmad deg-deg ah la gaadhaan dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolkaas.
Duqa Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo shirkaa Jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi; “Waxaannu gaadhsiinaynaa dawladda, hay’adaha caalamiga ah, Hay’adaha waddaniga ah iyo Ganacsatadaba dalka, dhammaan-ba xadka gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo xaalkoodu inuu meel adag marayo oo ay isugu darsantay xaaluf iyo biyo la’aan oo ceelashina gudheen oo aad iyo aad loo tabcaansan yahay. Waxaannu caddaynaynaa oo ummadda Islaamka iyo kuwa kaleba aannu gaadhsiinaynaa xaalku inuu adag yahay oo ay jirto abaar baahan oo saamaysay gobolka Sanaan, Biyo la’aantuna ay saamaysay dad iyo duunyo. Markaa, waxaannu codsanaynaa gurmad degdeg ah in nalala soo gaadho.”
Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay, ayaa sheegay kormeer muddo maalmo ah ay isaga iyo Masuuliyiin kale ku mareen deegaannada gobolka Sanaag intooda badan inay ku soo ogaadeen xaalad adag oo biyo la’aaneed ka taagan tahay guud ahaan gobolka, isla markaana ay deegaanno badan Duur-joogta iyo Dugaaggii ku noolaa harraad ugu dhinteen, duunyaduna halis ugu jirto inay biyo la’aan u dhintaan.
“Waxaannu maanta (shalay) halkan kaga dhawaaqaynaa inay gobolka ka jirto Xaalad deg-deg ah oo Abaareed oo biyo la’aaneed, gobolka waxaannu immika kormeer ku maraynaynay aniga iyo Wufuud ila socday dhawr maalmood, waxaannu soo marnay dhul badan oo gobolka ka mid ah, dhulkaas biyo la’aan baahsan baa ka jirta. Wixii la odhan jiray Habar-dugaag iyo duur-joogtiba way dhinteen hadday tahay Waraabayaasha, Dacawada, Doofaarrada, Daayeerrada iyo Bahala kale aad bay u dhinteen, Xooluhuna meelo badan bay halis ugu jiraan inay harraad u dhintaan, Riigaggii iyo Ceelashii oo dhami way go’een meelo kooban mooyee, xaaladduna aad bay khatar u tahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Sanaag.
Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Sidaa awgeed, waxaannu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Golayaasha Qaranka ee Baarlamaanka, Guurtida iyo Wasiirrada, Hay’adaha caalamiga ah, kuwa waddaniga ah, Ganacsatada reer Sanaag, reer Somaliland, Qurbo-joogga reer Sanaag iyo caalamka Islaamkaba ugu baaqaynaa in gobolka Sanaag ay ka jiraan abaar baahansan oo biyo iyo baad la’aan ah ha ugu sii darnaato biyo-la’aantuye, waxaannu markaa ILLAAHAY baa deeqda bixiyee aannu ka doonaynaa dadkaas in ay si deg-deg ah gurmad ula soo gaadhaan dadweynaha ku dhaqan gobolka Sanaag.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment