Hargeysa, 19 March, 2015-(Himilo)- Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta uu uga baaqday Barnaamijka Doodda Telefishinka Qaranka Somaliland oo lagu casuumay isaga iyo xubno kale oo ka kala tirsan Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, waxaanu ka baaqashadiisa ku sababeeyey in aanu TV-ga Qaranku dhex- dhexaad ka ahayn arrimaha Xisbiyada Siyaasadda ee uu gaar ugu adeego Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE.
Axmed Muumin Seed oo qaar ka tirsan Saxaafadda u warramay shalay, ayaa ku dooday in ka Xisbi ahaan ay go’aan ka gaadheen inay ka qaybgalaan dood ama aannu kaba bixin waxa uu leeyahay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI maaddaama oo aanu Tv-gaasi dhex-dhexaad ka ahayn arrimaha Asxaabta Qaranka oo aad mooddo ayuu yidhi inuu yahay mid Xukuumaddu leedahay oo ka shaqeeya had iyo jeer dacaayadda Xisbiyada Mucaaradka ah.“Xalay (habeen-hore) waxa nalooga yeedhay Dood ka socotay TV-ga Qaranka saddexda Xisbi TV-ga Qaranka annagu Xisbi ahaan uma aragno TV dhex-dhexaad ah oo ummadda u adeegaya, sidaas darteed, waannu ka cudur-daarannay ka Xisbi ahaan inaannaan tegin. Markaas, saaka (Shalay) ayaan ku arkay Saxaafadda qaarkeed iyada oo la leeyahay Xisbiga WADDANI wuxuu ka baqay inuu ka qayb-galo dood TV-ga Qaranka Jaamac-Shabeel oo halkaas dood kaga jiray xalay hore ayaannu doodo badan u wada galnay, markaas waxan jecelnahay maaddaama TV-ga Qaranku aanu ahayn mid si dhex ah Xisbiyada ugu adeegaya inaan wax Xisbiga WADDANI leeyahay aanay ka bixin Tv-gaas.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Guddoomiye Ku-xigeenka WADDANI mar la weydiiyay waxyaabaha ay ka Xisbi ahaan ka beddelayaan haddii ay doorashada ku guulaystaan nidaamkan kala xigtaysiga Xisbiyada ee TV-ga Qaraka ama Warbaahinta dawladdu maamusho ay ku eedaynayaan oo in badan soo jiray, isla markaana Xukuumaddani markiii ay Mucaaridka ahayd ku taami jirtay inay dhex-dhexaad ka dhigi doonto Warbaahinta Qaranka waxa iyaga uga qorshaysan waxa uu yidhi; “Runtii annagu waxaannu doonaynaa annagoo ka baranayna casharrada dawladahii hore ee naga horreeyey in aannu wax ka beddel ku samayn doonno habkan uu hadda wax u wado oo ay sinnaadaan Shacabka reer Somaliland, arrintaasi waa mid hadda aan Xisbiga kula soo dar-daarmayno haddii aannu beenaynana waa mid aad wax naga weydiin doontaan.”
Sidoo kale, Axmed Muumin Seed oo wax laga weydiiyey sida uu u arko in lagula tartamo jagada Musharrax Ku-xigeenka Xisbiga ee doorashada shirweynaha WADDANI waxa uu ku jawaabay; “Shicibka waxaannu u caddaynayanaa shirweynihii hore ee uu Xisbigu qabsaday annaga oo markaas Urur ahayn waxa si sharciya loo doortay Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka iyo Xoghayayaasha, kaasoo sifo sharciya ahaa oo doorashadayadu shan sano ayaannu ahayn weli naga may dhammaan anigu waxaan diyaar u ahay oo aan idiin caddaynayaa ka Gudoomiye Ku-xigeen ahaan dee waxan ka mid noqon doonaa Musharrixiiinta markii hore na waan sheegay haddana waxaan idiin sheegayaa inaan soo dhawaynayo Cid kasta oo igula tartamaysa.”
Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo kulan-doodeedka WADDANI ka baaqday goob-joog ka ahaa, ayaa ku dooday inaanay Warbaahinta dawladdu, gaar ahaan TV-ga Qaranku u adeegin Xisbi gaar ah, balse ay saddexda Xisbi Qaran u siman yihiin, isla markaana waxay diiddan yihiin ee aan laga baahin TV-gu yahay Hanjabaadda iyo hadallada kulul ee Masuuliyiinta Xisbiyadu Xukuumadda ku duraan, kuwaasoo uu sheegay inaanay nabadgelyo ahaan, midnimo ahaan, sharci ahaan, dhaqan ahaan iyo Diin ahaan toona faa’iido u lahayn oo aanay Bulshadu u baahnayn. Hase-yeeshee, waxa saxda ah ee Xisbiyada iyo wadaagga Doodaha Xisbiyaduba uu baahinayo Telefeshinka dawladdu.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment