Mar aan fogeyn ayaa miyiga laga keenay, waa magaalo markii ugu horeysay ee indhaha uu ka qaado, waa wiil miiggan oo aad u adag una adkaysi badan illaahayna u dhaliyay laxaad, ismana laha muuqiisa iyo da`diisu.
Waxa uu la joogaa adeerkii walli magaalada lama qabsan ee waxay ku tahay xabsi, waayo waxa uu ahaa wiil kaliil iyo kulayl midna aaanay Karin, ee hawsha reerka dhabarka u rita,haddase waxa dilay kadaloob oo cid wax u dirsataba wuu waayay cid quudhsata oo hoos u eegta mooyaane.
Waxa uu isku arkaa mid karaamo beelay oo laga kaaftoomay. Kalahaad iyo jarmaad subax horena way isdaayeen oo hurdo ayaabu ka daalay. Waxa isku qaban la` ammaantii la huwin jiray magaalada kolkay dhalinta haasaawayaaan iyo siday imika ugu xumaatay ee haadaanta uga tuurtay ee hanadkii hufnaa uga dhigtay habaqleha.
Waxaanu khaatiyaan ka joogaa oo ka daalay magaaladan milgihiisii iyo muruqiisii midna muujin weyday ee mugdiga iyo murugada ku reebtay, haa una fikir sidii uu ugu noqon lahaa miyigiisii masnada ahaa, hayeeshee waxa uu ku dhici layahay ADEERKII oo uu ogyahay inuu yahay nin kulul oo go`aan adag, lana fileyn inuu si sahal ah ku ogolaado in wiilkan uu adeerka u yahay dib ugu laabto miyigii isaga oo aan ka midho dhalin ujeedadii loo keenay ee ahayd inuu waxbarto si uu u bedalo caadadii reerkooda oo dhan oo ahayd dad aan wax qorin waxna akhriyin.
Wax uu ka meermeeraba isku qaad odaygii adeerka u ahaa ileyn waa nin meeli u caddahay oo u hamuun qaba dhulkii tigaada lahaaye. Ku bilaw odaygii beer-laxawsi iyo in aanu reerkii ka maarmeyn ee uu u baahan yahay una ahaa halbawle hawlaha reerka hindisa. Nasiib xumo hadalkii markuu dhamaystay sidii uu filanayeyba waxa uu ku jawaabay maya iyo mayal adag una sheegay wiilka inuu dugsi geyn doono balse uu guriga fadhiyo inta ka hadhsan bisha.
Wax uu ka dhursugo oo tiriyo maalmihii ka hadhsanaa bishaba, way dhamaatay waana la geeyay dugsigii. Inkasta oo aanu si dhakhso ah ula qabsan waxbarashadii haddana waxa uu dhaamaa sidii hore iyo niyad jabkii. Muddo ku siman sanad badhkii markii uu dhiganayay dugsigii ayuu si wacan ula qabsaday noloshii iyo waayihii magaalada oo marba marka ka dambaysa waji qurxoon tusaysay. Intaa ka dib waxa uu bilaabay inuu dhexda ku soo maro asxaab aan dhaqan wacnayn bilowgan hore se isaga u muujisa wanaag si ay u soo dhawaystaan uguna soo ridaan waddada leexsan ee ay hayaan iyagu.
Maalinba maalinta ka dambaysa is barashada iyo haasaawaha uu la qaadanayayna way kordhayeen, waxaanay gaadheen heer la isku sir qarsado oo la noqdo kaftan wadaag waxba aan kala qarsan, wax arrintu wacnaataba oo kaftanku bilaa turxaan ahaatoba, waxa si dhakhso ah isku badalay wajigii hore oo ahaa in wanaag loo muujiyo laguna soo xero galiyo marka hore, markan dambena la tuso wajiga dhabta ah. Waxaana ay la soo baxeen caadadoodii xumayd hubaal waxay rabaana inuu WIILKAN CAWIL uu la mid noqdo raacana dhabahoodan khaldan ee ay hayaan, waxaanay ku ballaysimeen kaftan turxaan leh oo aan haboonayn sida: waa ciyaala koosto (coast) ma cabo sigaarka, ma cuno kiniinka ma cuno, ma cuno……..iyo qaar kale oo badan. Hadaladan oo ku noqday waran lagu taagay oo kale. Iskuna arko mid aan ilbax ahayn. Mararka qaarna uu garawsado inuu saxan yahay ee aanu badaw iyo wax la mida toona aanu ahayne, ay iyagu halawsan yihiin oo ceeb iyo cadho alle midna aanay ka cabsanayn
Wax uu sidan ahaadaba oo la dhiraandhiriyo dhinac walbana lagaga yimaado waxa si kadis ah loo badalay fikirkiisii waana la sadheeyay oo la sumeeyay laguna tallaalay dhaqan xun. sidaa ayuu CAWIL xakamaha ku goostay oo ku noqday dhurwaa hadimo badan oo laga yakhyakhsoodo lumiyayna yoolkii ADEERKII ee ahaa inuu waxbarto oo noqdo qof intifaac leh.
CAWIL waxa fadhiid ka dhigay oo sumeeyay hammigii iyo hadafkii lala rabay saaxiibo aan samayn .
W/Q: jibril jirde abdi
EMAIL : JIRDE40@GMAIL.COM
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment