Thursday, March 19, 2015

Benjamin Netanyahu: Yuhuudi Markii Afraad ku guulaystay Qulqulka Dhiigga Islaamka

Jerusalam, 19 March, 2015-(Himilo)- Raysal-wasaaraha Yuhuudda Isra'iil Benjamin Netanyahu, ayaa markii afaraad guul ka gaadhay doorashadii Baarlamaaniga oo dalkiisa ka qabsoontay Salaasadii sida lagu shaaciyey Codadka la tiriyey Arbacadii, taasoo ahayd doorasho si adag ay ugu loollameen Xisbiga Likud ee Netanyahu iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Bidixda dhexe ee Israa’iil.
NETANYAHU OO MAR AFRAAD YUHUUDDA HOGGAAMINAYAXisbiga Likud ee Netanyahu, ayaa helay boqokiiba 24 doorashada Baarlamaanka, halka Xisbiga biddixda dhexe ee Mucaaradku uu helay boqokiiba 19 Kuraasida Baarlamaanka Isra’iil, waxaanay ogolaadeen in uu Netanyahu ka guulaystay. Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa u hambalyeeyay Netanyahu, balse waxa uu sheegay in arrintan ay astaan u tahay halkay ku socota Siyaasadda Israa'iil. Waxaana la filayaa in Netanyahu uu markii afaraad soo dhiso Xukuumad wadaag ah.
Waxa doorashada ay Natanyahu fursad u siinaysaa inuu soo dhiso dowladd loo dhan-yahay oo ka kooban xisbiyada ugu tunka weyn dalkaas, iyadoo xisbiga Likud uu kuraasta baarlamaanka ka helay 30-kamid ah 120-ka kursi ee aqalka Kaniisatka, halka xisbiga Zionist Union uu helay 24-kursi oo kaliya.
Ololahiisa doorashada waxa uu ku saabsanaa sugidda amniga Israa'iil. Maalmo ka hor doorashada, ayaa Netanyahu waxa uu sheegay in aanu aqbali doonin dawlad madax-bannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin. Weriyaha BBC-da ee Jerusalam ayaa sheegay in Aqalka Cad aan laga soo soo dhaweyn doonin arrintan, iyagoo u arka Mr Netanyahu inuu caqabad ku yahay nabadda Bariga Dhexe.
“Wax is beddelay ma jiraan ,waan sii wadi doonnaa inaan u dagaalanno raadinta caddaaladda bulshadeenna.“ Sidaa ayuu yidhi Natenyahu oo la hadlayay Wargeyska Haartz wax-yar ka dib markii loo caleema-saaray in uu Xafiiska hoggaamiyo markiisii afaraad.
Dadka falanqeeya Siyaasadda Bariga dhexe qaarkood ayaa ku doodaya in sababta u sahashay in Netanyahu markii afraad kursiga ku soo noqdo ay tahay xasuuqii uu sannadkii hore u geystay Muslimiinta Falastiin, taasoo u saamaxday in Shacabka Yuhuuddo mar afaraad soo doortaan si uu u sii wado dagaallada isir-gumaadka ah ee uu Muslimiinta Falastiin ee Shacabka ah ku wado, isagoo ballan-qaaday in haddii ay doortaan uu sii adkayn doono ammaanka dadka Yuhuudda ah, isla markaana aanu oggolaan doonin dawlad ay Falastiiniyiintu yeeshaan iyo sidoo kale duullaan uu dhawaanahan qaban-qaabinayey in lagu qaado dawladda Islaamka ah ee Iran oo ay Maraykanka isku khilaafeen qaabka loo waajihi doono.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment