“Waxaanu ka rejnaynaa inay ka soo baxdo Natiijo wanaagsan, waxaana naga go'an inaanu xaqiijino hanka iyo himilada…” - Maxamuud Xaashi Cabdi
Istanbul, 01 March, 2015 (Himilo)- Shirka wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa lagu wadaa maanta inuu ka furmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo marti-geliyey shirka oo noqonaya kii shanaad ee dawladda Turkigu isku soo hor-fadhiisiso labada waddan, waxaana la filayaa inuu ka duwanaado kuwii hore qodobbada laga wada-hadlayo oo xaasaasi ah awgeed.

Weftiga Somaliland oo si ballaadhan loogu qaabiley magaalada Istanbul oo shirku ka furmi doono, waxa xubnaha ergada rasmiga ah ee wada-hadallada u metelaya Somaliladn oo ka kooban todoba xubnood, ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Saciid Mahdi Ileeye (Saqiiro) oo iyagu aan ka tirsanayn Guddiga balse ka qayb-galaya wada-hadallada, taas oo muujinaysa in arrinta Maamulka Hawada Sare ka mid tahay qodobbada ugu muhiimsan ee Ajandaha wada-xaajoodka ku jira.
Todobada Xubnood ee Ergada rasmi ah ee Somaliland u metalaya wada-hadallada ayaa kala ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka tirsan Golaha Guurtida.
Sida ay Xukumadda Somaliland hore uga dhawaajisay, wada-xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya ee maanta furamaya, ayaa lagu soo qaadi doonaa Arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya labada waddan, kuwaas oo Madax-bannaninada iyo qaranimada Somaliland kow ka tahay.
Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Duulista Hawada, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamuud Xaashi Cabdi, oo labadooduba ka tirsan weftiga ka qayb-galay shirka, ayaa dareenno kala duwan ka bixiyey natiijada ay ka filayaan gunaanadka shirka maanta furmaya oo noqonaya kii shanaad ee labada dawladood ku dhexmara dalka Turkiga.
Wasiirka Madaxtooyada, ayaa isagu walaac ka muujiyey rejada laga qabo sii socoshada wada-hadallada labada waddan, isaga oo taas ku sababeeyey hab-dhaqanka Dawladda Soomaaliya oo uu ku dhaliilay u hoggaansanaan la’aanta qodobbo hore loogu heshiiyey oo aanay fulin.
Wasiir Xirsi waxa arrintan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay Internetka , kaas oo uu ku sheegay, “Inkastoo aan weli loo gonda degin halkii loo baahnaa oo ah in la ixtiraamo rabitaanka bulshada Somaliland lana sameeyo qorshe lagu kala gurto, hadana, dhamaantood waxaa kasoo baxayay waxyaalo la kala saxeexday oo aan fulin sida:
- In Maamulka iyo hagista Hawada la keeno Hargeisa isla markaana dakhliga hawo marista kasoo xaroodana si siman loo qaybsado,
- In ay aqbaleen xasuuqii ku dhacay bulshada reer Somaliland
- In aan arimaha Horumarka la carqaldayn lana siyaasadayn
- In la hawlgeliyo khubaro farsamo-yaqaaniin ku ah wada hadalada.
Waxaa walaac badan iyo werwer iiga muuqdaan sii socodka wadahadalada haddii aan la tixgelin wixii lagu heshiiyay, xaqiiqaduna waxay tahay kulankii ugu danbeeyey ee Djibouti ay ku kulmeen labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaliya waxay ku kala saxeexdeen qodob muhiim ah oo odhanyey
- In arimaha masiiriga ‘aaya tashiga’ ah hoos loogu dego kaasoo aanu rejaynayno in qolada Soomaliya ay garwaaqsan doonaan madaxbaanida iyo qaranimada Somaliland iyo sidoo kale inay ixtiraamaan wixii lagu heshiiyay,” Sidaas ayuu Wasiirku ku yidhi Qoraalkiisa.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay rejada ay Guddi ahaan ka qabaan Guul Somaliland uga soo hoyata shirka wada-hadallada oo maalinta Berri ah la soo gebo-gabayn doono isla markaana laga soo saari doono war-murtiyeed xambaarsan qodobbada ay jku heshiiyaan. Waxa uu wasiirku sheegay in si ballaadhan loogu qaabiley.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook ku baahiyey qoraal kooban oo uu ku xusay rejada ay guddi ahaan ka qabaan natiijada wada-hadallada, waxa uu ku sheegay, “Wada-hadallada oo maalinta berri (maanta) furmaya, waxaanu ka rejnaynaa inay ka soo baxdo Natiijo wanaagsan, waxaana naga go'an inaanu xaqiijino hanka iyo himilada Umadda reer Somaliland ee aanu masuul ka nahay. Marna suuro gal maaha inay ka soo baxaan wax waxyeeli kara Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland,” Sidaas ayuu Wasiirku ku yidhi qoraalka uu kaga hadlay rejada ay ka qabaan natiijada shirka wada-hadallada oo Isniinta Berri la soo gebo-gabayn doono.
Dhinaca kale, Ergada Soomaaliya u metalaysa wada-hadallada oo shalay gelinkii dambe gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxa ku jira Xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo ka tirsan xukuumadda Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid, taas oo ka hor-imanaysa shuruudo Somaliland hore ugu xidhay xubnaha Soomalaiya u metelaya wada-hadallada inaanay ka mid noqon shakhsiyaadka xilalka ka haya Muqdisho ee asal ahaan ka soo jeeda deegaannada Somaliland. Xubnahan, ayaa la sheegay inuu ku jiro Jaamac Oday oo hore dhalasho ka soo jeeda Gobolka Togdheer isla markaana soo qabtay xilka Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Waxa kale oo Ergayada Soomaaliya xubno ka ah siyaasiyiin aan hore uga soo qayb-qaadan wejiyadii hore ee wada-hadallada, taas oo ay sabab u tahay isbeddelka lagu sameeyey Golaha wasiirrada ee Dawaldda Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment