Sunday, March 1, 2015

UCID, WADDANI iyo KULMIYE Maxay ka yidhaahdeen Xilka-qaadista, Magacaabista iyo Isku-beddelka Madaxweynuhu ku sameeyey Masuuliyiinta kala duwan?

“Wasiirkii arrimaha bulshada iyo shaqada Garaad oo aan Dhakhtar dibedeed iyo mid kale toona loo dirin, iska daa taase haddana lagu ixtiraami waayey xanuunkaa haya dartii… waa ayaan-darro..” WADDANI

“Waxaaba Aniga fool-xumo ila ah inaan arko Wasiir ka mid ah Wasiirradii Xukuumadda oo xanuunsanaya oo Guriga jiifa oo aan helin daryeel caafimaad inuu haddana noqdo Wasiirrada shaqada laga qaaday.!...” UCID

“Garaad haddii la beddelo ceeb maaha. Markaa, sidaa ku sii wad baannu leenahay. Ma Maxamuud Xaashi iyo Xirsi bay u jeedaan? Wax gaadhaayaba ma haynaa horta?..” KULMIYE

Hargeysa, 01 March, 2015-(Himilo)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey isku-shaandhaynta, xilka-qaadista iyo magacaabista uu habeen-hore niskii dambe Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda, Hay’adaha Madaxa-bannaan iyo Taliyeyaasha Ciidammada qaarkood, isal markaana Mucaaradka ayaa Madaxweynaha si kulul ugu dhalliilay xilka qaadista Wasiirkii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo muddooyinkanba Xanuun u jiifay.
Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDAIN u hadlay, waxay sheegeen inaan lala tacaalin oo aan Dhakhtar dibedeed iyo mid gudaha ah toona si hagar la’aan ah wax loogaga qaban Caafimaadka Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Maxamuud Axmed Barre (Garaad), isla markaana isagoo jiifa ay ayaan-darro tahay inuu Madaxweynuhu ku ixtiraami waayey in la dhawro oo xaaladdiisa caafimaad iyo daryeelkiisa lala dedaalo inta uu dhinac uun u dhacayo.
Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo Golaha Wakiillada ka tirsan, Musharraxa u taagan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Xildhibaan iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Xildhibaannada Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ugu jira Golaha Wakiillada, ayaa Telefeshinka Star oo shalay iyagoo ku sugan magaalada Hargeysa wax ka weydiiyey aragtidooda la xidhiidha isku-beddelka, magacaabista iyo xilka-qaadista niskii dambe ee habeen hore Madaxweynuhu ku sameeyey hay’adaha kala duwan ee dawliga ah.
Ugu horreyn Afhayeenka Xisbiga WADDANI Ibraahin Mahdi Buubba oo aragtida Xisbigooda ka qabo su’aasha laga weydiiyey ka jawaabayaa, waxa uu yidhi; “Qofkaasi xilkii loo dhiibay wuu gudan waayey oo waa laga qaaday waa macne, laakiin Wasaaraddaad joogtay baannu kaa qaadnay oo Wasaarad kale ayaannu ku geynay, wax allaala wax macno ah oo ku jirtaa ma jirto. Milgo iyo Maamuus buu ka mudan yahay ninka xil loo magacaabay Qarankan, marka uu Xanuun ku yimaaddo ee Illaahay qaddarkiisa uu ku dhaco Xanuunkaasi, xaq baa loogu leeyahay Xukuumadda inay itaalkeeda Caafimaadkiisa la tacaasho oo aanay waxba ka hagran.”
“Iska daa taase waxaynu ka war-haynaa Wasiirkii arrimaha bulshada iyo shaqada Garaad oo aan Dhakhtar dibedeed iyo mid kale toona loo dirin, iska daa taase haddana lagu ixtiraami waayey xanuunkaa haya dartii oo la odhan kari waayey waar bal intuu dhinac u dhacayo ama uu caafimaadayo ama tii Xaqa ahayd ee Illaahay u imanayso xilka yaan laga qaadin. Markaa, waxa meesha ka muuqata ixtiraam-darro badan, waana arrin mudgi iyo gudcur lagu gudiyey oo aan Qarankan wax macno ah u samaynaynin.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka WADDANI.
Xildhibaan Buubaa oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida dadka qaar qabaan in Wasiirradii ay ahayd in la beddelo aanu Madaxweynuhu taaban iyo waxa uu ka odhanayo, waxa uu yidhi; “Wasiir xilkiisii haya annagu odhan mayno maxaa xilka looga qaadi waayey, laakiin kaftanka bulshada marka suuqa la joogo waxay yidhaahdaan; ‘Wasiirrada Xijaabka Birta ah leh, markaa ma karto iskku-shaandhaynta iyo xilka-qaadista uu Madaxweynuhu sameeyaa.’ Laakiin, kelmad kaftan ah baan raacin lahaa oo waxaan odhan lahaa; ‘Horta yaa huba oo sameeyey waxan, maynaan arkayn oo Afhayeenkii Madaxweynuhu kuma saxeexnayn, Digreetada Sexeexii Madaxweynaha kumaannaan arag, bal iska hubsadaan leeyahay kuwan xilalka laga qaaday iyo kuwan la isku beddelay-ba arrintaa dib u raaca ayaannu leenahay.”
Musharraxa u taagan Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo isaguna ka hadlaya aragtidooda tallaabada Madaxweynaha, waxa uu yidhi; “Isku-shaandhaynta maanta la samaynayo lafteeda ayaa macno badan oo ay samaynaysaa jirin, waayo? dawladda wakhtiga u hadhay-ba yahay saddex bilood isku-shaandhaynta lagu samaynayaa macno ma samaynayso, qofna kagama jiro intii la dhalliilayey, haddii laga tegi waayana waxaaba aniga fool-xumo ila ah inaan arko Wasiir ka mid ah Wasiirradii Xukuumadda oo xanuunsanaya oo Guriga jiifa oo aan helin daryeel caafimaad oo ay Xukuumaddu siisay inuu haddana noqdo Wasiirrada maanta shaqada laga qaaday.!”
“Waayo? waxay ahayd in la daweeyo, caafimaadkiisu dhinac u dhaco, illeen wuxuu xanuunsaday isagoo shaqada ku jiree markuu daryeel caafimaad helo ka dib shaqada laga qaado waa Wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo ah nin Taariikh badan ku leh dalkan, ka mid ah Odayaashii u soo halgamay nabadda, ka mid ah Ashqaastii u gurmaday Shirarkii Burco, Berbera, Sheekh, Hargeysa iyo Boorame-ba, isla markaana ku eedoobay hormuudka uu nabadda ka ahaa, in maanta loogu abaal-gudo inuu caafimaad la’aan iyo daryeel la’aan dhex-jiifo gurigiisa in haddana maanta loogu daray Wasiirrada shaqada laga saaray, iyagoo ay joogaan qaar badan oo waxma-tarayaal ah.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Geesta kale, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, waxa uu dhiniciisa taageeray tallaabada Madaxweynuhu isu-shaandhaynta ku sameeyey oo uu sheegay inay tahay wax Madaxweynaha waajib ku ah oo sharcigu u banneeyey inuu isku-beddel, magacaabis iyo xilka-qaadisba samayn karo, waxaanu ku dooday inaanay wax ceeb ahi ku jirin in Masuul xanuunsanaya xilka laga qaado oo booskiisa la buuxiyo. “Madaxweynuhu wuu isku shaandhayn karaa Xukuumadda, ka uu doono ayuu beddeli karaa, ka uu doono ayuu eryi karaa, ka uu doono ee uu isleeyahay wax buu qaban karaa wuu magacaabi karaa. Garaad waa nin aannu isku fasal ahaan jirnay, Addis Ababa ayaa la geeyey, waa nin fiican, waa nin xanuunsaday, Nin dhalinyaro ah oo shaqayn karayaa la geeyey (Wasaaradda Arrimaha bulshada).” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.
Waxaanu Xildhibaan Nacnac oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo uu yidhi; “Markaa, Ninkii xanuunsanaaya iyo ninkii shaqadiisa la dhalliilo haddii la beddelo ceeb maaha, Garaad haddii la beddelo ceeb maaha. Markaa, sidaa ku sii wad baannu leenahay. Ma Maxamuud Xaashi iyo Xirsi bay u jeedaan? Wax gaadhaayaba ma haynaa horta? Waar waxan haku marmarsoonnina ee wax kale keena baan leeyahay, dhalliil kale keena, hebel maxaa loo beddeli waayey cidda leh, hebel shaqadiisa ayuu ka soo baxay baannu leenahay.”
Dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa iyo magaalooyinka waayn ee dalka Somaliland, ayaa iyaga faftoodu aragtiyo kala duwan ka muujiyey tallaabada Madaxweynaha, waxaana shalay illaa xalay oo hadal-haynta ugu badan ee ka taagnayd goobaha Bulshadu ku kulanto ay ahayd isku-shaandhaynta, magacaabista iyo xil-ka-qaadista Madaxweynuhu sameeyey, taasoo ay dadka qaarkood soo dhawaynayeen, kuwo kalena muujinayeen inaan tallaabadan loo baahnayn wakhtigan, halka ay qaar kale kaga doodayeen inaanu Madaxweynuhu xubno loo baahnaa beddelkooda iyo erigooda taabannin ee uu meel soke ku werwereegay.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment