
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inay aanay suuro gal ahayn in wada-halada layska sii wado iyada oo ay Soomaaliya diidan tahay dhaqan-gelinta qodobbadii hore loogu heshiiyey oo maamulka Hawadu ka mid yahay. Waxaanu wasiirku arrimahan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey Bartiisa Facebook.
“Eebbe Mahaddii galabta (shalay) ayaanu ku soo guryo noqonnay geyigeenii hooyo, ka dib markii aanu u tagnay dalka Turkiga inaanu kaga qayb galno shirkii wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan aniga oo aan ka mid ahayn xubnihii guddidaas ee wadahalada hase yeeshee aniga iyo xubno ila socday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka hawlaha guud Mudane Cabdirisaaq Khaliif iyo khuburo kale, in arrimaha hawada si farsamo ah loo galo iyagana dhinacooda ay ka yimaadaan. Shirkii aniga iyo masuuliyiin kale aanu u tagnay wuxuu noqday mid madhalays ah, markii uu hana qaadi kari waayey ee uu qabsoomi kari waayey shirkii guud ee aas-aaska u ahaa ama uu ka farcamayey shirka arrinta maamulka hawada. Waxa aan runtii ku niyad samaysiinayaa in aanay wax werwer ah ka qabin masiirka iyo mustaqbalka maamulka hawadooda,” Sidaas ayuu ku yidhi Qoraalkiisa.
Waxa kale oo uu ku sheegay, “Waxaan halkan si weyn ugu mahad celinayaa shacbi weynaha reer Somaliland madaxda golayaasha, Xildhibaanada, Salaadiinta iyo Bulsho weynta si weyn noogu soo dhaweeyey Madaarka caalamiga ah ee Cigaal iyo guud ahaan caasimada Hargeysa wadooyinkeedana buuxiyey taasi waxay markhaati ka tahay sida shacbigani uu u ilaashanayo mastaqbalkiisa, Qaranimadiisa iyo Qoomiyaddiisa. ciyaar laguma keenin qaranimada waxa loo soo maray kifaax iyo halgan dheer maanta waa mid guun ah, oo aan maanta ahayn mid la gardaadinayo, baal kana ka jartay dhawr iyo labaatan sanadood, oo ilmihii ku dhashay aanu maanta aqoon wax aan Somaliland ahayn. Qaranimadaas maanta aan anigu raga Ceelalyadeeda ku jira ka mid ahay, ee wadahadaladeeda iyo baadi doonkeeda aanu wadno, aniga oo maanta Konton jir ah waxaan ku garaad-saday oo aan soo gaadhay xili dhawr iyo sideetanadii xili uu socodo dil, dhac, cunfi iyo wixii shacbiga reer Somaliland ku dhacay, intaas ay Somaliland jiray ayaan Qaranimo ka arkay aniga oo maanta ninkaas weyn ee gaboobay ah, waxay ay markaas taasi muujinaysaa inta iga yar oo dhami waxay ka garan karaan Soomaali weyn in aanay jirin, iyo in la kala baaday.”
“Anagu waxaanu nahay dal madax banaan oo jira sharciyan Somaliland waa xaqiiqo jirta, nin neceb iyo nin jecelba, waa mid aan indhaha laga qarsan karin, sidaas darteed haddii ay tahay baddeeda iyo haddii ay tahay cirkeeda iyo haddii ay tahay bedkeeda, mid walba waa mid aanay cidna ugu tanaasulaynin. ma aha nacayb aanu walaaladadyo u qabno , ma aha xumaan aanu walaaladayo u ogol nahay, Soomaalinimada ayaanu ogol nahay, Umadda Soomaaliyeeda waa Qoomiyad ee Qaran ma aha maanta!, Qoomiyad Soomaaliyeed oo balaadhan ayaanu ogol nahay oo kuwa Kiiniya degan, kuwa Jabuuti degan, kuwa Itoobiya degan ay ka mid yihiin, qoomiyadda Soomaaliyeedna in kor loo qaado, wanaagna la dhex dhigo ayaanu aaamina sanahay, waxaas oo dhan ayaanu jecelahay, walaaladayana waxaanu leenahay, waa inay ku xisaabtamaan miisaanka wada-hadalada si sax ah iyo sidii aanu isku fahanay oo hore ay ugu soo noqdaan, calooshooda iyo niyadoodana ay u sii daayaan Somaliland waxa ay tahay,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Wasiirka Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu yidhi, “Walaaladayo waxaanu isku haysanayaa oo aanu isla dhaafi kari waynay oo murankeedu taagan yahay maamul Hawo, haddii Soomaali Maamul hawo ku heshiin wayday, qarankii burburay hawadiisii oo maanta laba dal ah, waxay is waydiintu tahay maxaa lagu heshiin karaa? Waxaan leeyahay walaaladayo haddii ay noo quudhi waayeen heshiiskii aanu shalay wada-galnay inay fuliyaan oo ay ixtimaaraan, oo ay diideen in guddida madaxa banaan ay hawada Hargeysa ka maamulaan, oo FIR-ka (Flight Information Region) halkan la dhigo, waxa is weydiin mudan ninka intaad diiday waxa uu noogu yeedhayo, iyo Soomaalinimada waxa uu ku rabo, taasina waxay runtii quus goyn u tahay kuwa ka soo jeeda Isir ahaan Somaliland ee tirada yar ee maanta ku ag warwareegaya Federaalka iyo waxaas.”
No comments:
Post a Comment