Wednesday, March 18, 2015

World Vision iyo EU-da oo Mashruuc Malaayiin Dollar ah ka fulinaya Deegaano ka tirsan M/goboleedka Puntland

Garowe, 18 March, 2015 (Himilo)- Hay’adda World Vision oo kaashanaysa Midowga Yurub, ayaa deegaanno ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ka fulinaysa mashruuc malaayiin Dollar ku baxayaan oo lagu kobcinayo Hab-nololedka bulshada isla markaana kor loogu qaadayo dakhliga dhaqaale iyo Xirfadaha bulshada laga tirada badan yahay.
Mashruucan oo lagu kharash-garaynayo 3 milyan oo Euro, looguna talo-galay inuu socdo muddo 3 sanno ah, ayaa laga fulinayaa deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxaana qayb ka ah tabobarro la bixinayo iyo taageero Ganacsiyo loo abuurayo bulshada deegaankaas, waxaana la sheegay inay ka faa’idaysanayaan dad lagu qiyaasay 24,000 oo qof oo ay ku jiraan bulshada laga tirada badan yahay.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xidhiidhka saxaafadda ee hay’adda World Vision ku leedahay magaalada Nairobi, mashruucan ayaa wax weyn ka tari doona Xuquuqda bani’daamka iyo isku-xidhka bulshada.
“Mashruucani wuxuu soconayaa ilaa 3da sanno ee soo socota, wuxuuna bixinayaa tababaro iyo barnaamijyada waxbarashada dadban, taageerida ganacsatada yar yar iyo wacyi-gelinta bulshada ee arrimaha Hab-Nololeedka iyo Xuquuqda Aadanaha iyada oo la tababarayo lana gacan-qabanayo la iskuna xidhayo dhexdooda,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka World Vision.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment