“Waxaan u tagay nin Maayar ahaan jiray, waxaan ku idhi, ‘Adeerow, intaas waan ordaynaa oo bulshadiina daacad baanu ugu shaqaynaynaa, haddana dadkii Kheyr naga sheegi maayaan ee waa maxay?...”
Hargeysa, 18 March, 2015 (Himilo)- Xoghayihii hore ee Golaha Deegaanka magaalada Hargeysa, ayaa shalay si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Xoghayaha Cusub ee Dawladda Hoose ee Hargeysa hdowaan loo magacaabay, waxaana munaasibadda xil-wareejinta hadallo dar-daaran, duur-xul iyo dareen-gelin isugu jira ka jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Xoghayaha Xilka la wareegay iyo xog-hayihii hore, madax-dhaqameed iyo Masuuliyiin kale.
Munaasibadda xil-wareejinta oo ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa shalay, waxa ugu horeyn wax-qabadkii uu ka hirgeliyey Dowladda Hoose muddadii uu xilka hayey ka sheegay Xoghayihii hore ee Golaha deegaanka Hargeysa Mowliid Weris oo xoghayaha Cusub ugu faanay caqabado haystay wakhtigii xilka uu la wareegay oo ay wax badan ka qabteen.
Waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Shaqaalaha dowladda Hoose oo Afar bilood aan mushahar u xaadirin, ayaan imi dowladda Hoose, Illaahay waa nagu asturay oo wakhti kooban baanu ku daboolnay, markii Maayarka cusub yimidna mar kale ayaanu u kordhinnay, waananu tayaynay shaqaalaha oo qaarkood baa jaamacado dhigta si loo dhiirrigeliyo. Maanta caqabaddaasi kuuma taallo Xoghaye oo waanu kaa daboolnay. Mushaharka ay bishan u xaadirayaan Akownta ayuu ugu sii jiraa,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayihii Hore ee Dowladda Hoose immikana ah Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Somaliland.
Xoghayaha Cusub ee Dowladda Hoose ee Hargeysa Ibraahim Axmed Raabbi oo isaguna ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay inuu wax badan ku kordhin doono Maamulka Dowladda Hoose oo xil-wareegisteeda uu ku faraxsan yahay, balse haddan culayska masuuliyadda uu qaadayaa wer-wer xooggan ku hayso, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Aniga iyo imaatinkayga, maanta farxaddu way igu weyn tahay, haddana waxa weheliya wer-wer badan oo ah inaan qaadayo masuuliyad ballaadhan oo xisaabtankeeda aakhiro iyo adduunba leh. Insha Allaahu, waxaan filayaa imaatinkaygu inuu wax badan ku kordhin doono.”
Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa Xoghayaha Cusub u hoga-tusaaleeyay baaxadda ay leedahay Hawsha Dowladda Hoose, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Ibraahim Axmed Cabdi waxaan leeyahay dowladda Hoose ku soo dhawow, waa mishiin aad u weyn oo aan kuu saamaxayn inaad nasato gelinka hore, gelin dambe, mararka qaarna habeenkii gelinka dambe lagugu soo garaacayo oo lagu odhanayo qof baa halkan ku dhintay oo la garan-waayey, waddadan ayaa la gooyey iyo dhibaatadan ayaa dhacday. Hadday noqoto amni iyo hadday noqoto Arrimihii Bulshada dhinac walba way saamaynaysaa, kolkaa waxay u baahan tahay in wakhti badan la siiyo dowladda hoose,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Soltelko.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare, ayaa ka sheekeeyey waayo-aragnimo uu ka kasbaday culayska Shaqada Dowladaha Hoose oo dhowr uu ka soo qabtay, waxaanu Xoghayaha Cusub kala dar-daarmay inuu aragti-fog iyo talo-wadaag kaga gudbo caqado xilka loo magacaabay leeyahay.Hadalka Badhasaabka Maroodijeex Madasha ka jeediyey oo xambaarsanaa weedho uu ugu duur-xulayey caqadaha ay leedahay shaqada Dawladaha Hoose oo uu ku cabiray waayo-aragnimo uu shaqada Dawladaha Hoose ka kasbaday, ayaa soo jiitay munaasibadda xil-wareejinta.
“Xoghaye dowlad Hoose waan soo ahaan jiray, maayar ku-xigeenna waan soo maray. Waxaan u tagay nin Maayar ahaan jiray, waxaan ku idhi, ‘Adeerow, intaas waan ordaynaa oo bulshadiina daacad baanu ugu shaqaynaynaa, haddana dadkii Kheyr naga sheegi maayaan ee waa maxay?’ Wuxuu yidhi, ‘Adeer, dowladda Hoose Fircoonbaa Hindisay’. Markaa waxaan leeyahay Xoghayaha Cusub iyo Maayarka meesha aad joogtaan waa meel howl-badan. Illaahay waxaan kaaga baryayaa inuu xilka kugu asturo,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Maroodijeex.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Anigu dowladda Hoose waan Aqaanaa, Dadka inta halkan (Xafladda) fadhida Shaqaalaha dowladda Hoose u badan yihiin, galabtay u-soo-kala-horeyntu ku bilaabmaysaa, inta halkan fadhidaa kuu soo kala horeynaysa.”
“Haddaad adiga, maayarka iyo ku-xigeenku is-haysataan, shaqaaluhu ninba ninka kale ayuu ka soo war-bixinayaa. Dowladda Hoose Afar waaxoodbaa aniga iigu dambaysay, waaxda Arrimaha Bulshada, ta Maaliyadda iyo ta Dhulku waa kuwaynu isku-dilno, Kaambayn baa kugu bilaabmaya, cashuur-qaadayaashuna waa sidaas oo kale,” ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Maroodijeex.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment