
Aqoonyahanka, ayaa hore xukun maxkamadeed loogu riday, kadib markii uu maqaalo fikirkiisa uu ku cabirayo uu ku gudbidyey baraha bulshadu ku xidhiidho, waxana arrintaas dhibsaday oo xabsiga u taxaabay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Xubno kamid ah.
Aqoonyahankan qoraaga ah, ayaa Haatan si xor ah u jooga Magaalada Burco, iyadoo saaka laga soo daayey Jeelka Weyn ee Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Tog-dheer.
Xadhiga Aqoonyahan Jaamac Jiir, ayaa kamid ahaa waxyaabihii ugu adkaa ee lagu dhaliili jirey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, marka laga hadlayo dhinaca Xorriyatul qowlka, iyadoo ay wali xukuumadda Horyaallaan Xarumo Warbaahineed oo Albaabadu u xidhan yihiin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment