Friday, May 8, 2015

Xarumo Lagu Faafiyo Mad-habta Shiicada Oo Muqdisho Laga Furtay Iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadirta Somalia Oo Ka Qayliyey

Muqdisho:May,08,2015(Himilo)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Waddanka Somalia, waxa la sheegayaa inay ka jiraan Xarumo lagu faafiyo Mad-habta Shiicada, isla-markaana ay dhawaan Soo galeen shakhsiyaad faafinaya Madaahibtaas aan hore dadka soomaalida dhexdooda loogu arki jirin, waxana arrintaas haatan qaylo-dhaan ka Muujiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

???????????????????????????????Mudane Muungaab oo shacabka Soomaaliyeed la Hadlay, ayaa muujiyey inaanay aqbali karin in Madaahibta Shiicada lagu dhexfaafiyo dadka soomalida ah dhexdooda,

“Dhamaan Umadda Soomaliyeed Waa Sunni, mana aqbleyno in Shiica timaado wadanka, dhamaan hey’adaha Ammaanka Gobolka iyo Gudoomiyaasha degmooyinka, Dhalinyarada Iyo haweenka waxaa la farayaa inay ka Hortagaan soona qabtaan NGO -gii la gu arko, isagoo faafinaya fikirka shiicada”ayuu yidhi Guddoomiye Muungaab.

Waxaa uu sheegay in dalka Somalia uu la daaladhacayo dhibaatada Argagixisada, isla-markaana aanay awood u haynin shiico ku dhex faafta, waxana uu yidhi,

“Xamar Aniga ayaa xukuma Shiicana ma aqbaleyno, waxaana dhib nagu haya Argagixiso Shiicana ma rabno”.

Hadalka Gudoomiye Muungaab ayaa kusoo Beegmaya xili culimada Soomaaliyeed ay si isku mid ah uga hadleen in dalka dhibaato ba’aan ay ku hayaan koox NGO ah oo lacag kusoo qaatay faafinta fikrika Shiicada, kuwaas oo saldhiggoodu yahay Muqdisho.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment