Garoowe, 13 May, 2015-(Himilo)- Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland, ayaa ka codsaday Guddoomiyahooda Md. Siciid Xasan Shire ka codsaday inuu qabto fadhi deg-deg ah oo lagaga tashado arrimo ay ka mid tahay halis Ciidammada Somaliland kaga iman karto.
Xildhibaanno tiradoodu gaadhayso 21 oo qoraal ay ku saxeexan yihiin u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, ayaa shalay ku sheegay in Ammaankii Puntland maalinba maalinta xigta sii xumaanayo, isla markaana xilligan Ciidammadii Somaliland joogaan magaalada Garoowe duleedkeeda.
Xildhibaannada Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Ammaankii, Siyaasaddii iyo Dhaqaalahii Puntland halis ku jiro, isla markaana waxay u soo jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, sida ku cad qodobka 65-aad, farqaddiisa labaad ee Dastuurka Puntland codsanayaan inuu fadhi deg-deg ah isugu yeedho Baarlamaanka lagaga tashado arrimaha ay ku sheegeen qoraalkooda.
Baarlamaanka Puntland oo fadhigiisii 35-aad furmi doono 15 bisha June ee soo socota, ayaa codsanaya in fadhi deg-deg ah laysugu yimaaddo oo wax lagaga weydiinayo Madaxda Maamulka Puntland oo Madaxweyne Cabdiweli ugu horreeyo inay jawaabo kaga bixiyaan.
Kulankaas deg-degga ah ee Baarlamaanka Puntland yeelan doono, ayaa la filayaa in natiijooyinka ka soo baxaa saamayn ku yeelan doonaan xaaladda ammaan ee Somaliland, isla markaana loo baahan yahay, sidii Xukuumad iyo Shicib-ba loogu diyaar-garoobi lahaa, adkaynta ammaanka iyo wada-jirka Bulshada
Hargeysa
Himilomedia
No comments:
Post a Comment