Wednesday, May 13, 2015

Xasan Ciise oo ku taliyey in wada-tashi Qaran laga yeesho go’aanka Guurtida iyo Masuuliyad-darrada Xukuumadda

Hargeysa, 13 May, 2015-(Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland yeelato Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka hadlay go’aanka ay Golaha Guurtidu muddo-kordhinta aan codaynteeda Warbaahintu goob-joogga ka ahayn ee Isniintii ay u sameeyeen Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isla markaana waxa uu Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ugu baaqay inay bulshada ku hoggaamiyaan wada-tashi lagaga arrinsado muddo-kordhinta iyo arrimaha kale ee Xukuumaddu ka gaabisay.

Xasan Ciise Jaamac oo shalay Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa walaac ka muujiyay muddo-kordhinta Guurtida oo uu ku tilmaamay mid aan looga fadhiyin Mudaneyaasha Guurtida wakhtigan inay waxaas ku kacaan, waxaanu yidhi; “Waxaynu galnay wakhti cidhiidhi ah oo Sharcigii wakhtigii loo doortay Xukuumaddan ay ka hadhsan tahay bil iyo laba toddobaad. Waxay ahayd in Xukumaddu ummadda u dhigto nidaam ay kala tashatay Xisbiyada iyo wax-garadka ummadda oo la isla eegay oo lagu kalsoon yahay oo ummaddu ku qanacsan tahay.”

“Halkaas waxaa ka muuqanaysa in Xukuumaddu hawsheeda gabtay. Marka Xukuumaddu hawsheeda gabto waddanku wuu innaga dhexeeyaaye waa in inteenna kale wax is weydiinnaa, waana in Xisbiyada Mucaaradka ah ee Sharciga ahi arrintaas hormood ka noqdaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horreeyey ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac.

Xasan Ciise oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay; “Guurtidu waxay kordhisay wakhti aan laga filayn oo aan looga fadhiyin oo dad badan oo innaga mid ahi Xisaabtaba aanay ku darsan. Haddii korodhsiimo lama huraan noqoto waxaa la filayay in wakhtigii Komishanka doorashooyinku cayimay lagu saleeyo. Waxay kordhiyeen wakhti laban laab ku dhaw intii Komishanku cayimay oo aan wax sabab ah oo Dastuuri ah oo ay cayimeen oo ay dadka u sheegeena ma jiro. Markaas, arrintaasi arrin argaggax dad badan ku abuurtay bay noqotay, arrin aan loo baahnayn ayay ahayd.”

“Waxaannu markaa soo jeedinaynaa in Xisbiyada Mucaaradku gogol ummadda u fidiyaan annaguna aannu ku taageerno, oo lagu wada-tashado oo waxyaabo badan oo aasaasi ah oo Xukuumaddani gabtay la is weydiiyo.” ayuu yidhi Xasan Ciise.

Waxaanu Md. Xasan, sheegay in doorashadii 2012-ka ee Goleyaasha degaanku Somaliland galisay khatar, isna walaac badan ku abuurtay. Waxaanu intaas ku daray in Xukuumadda Axmed-Siilaanyo ku fashilantay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo gole deegaan, isla markaana ay adag tahay in lagu aammino doorasho Madaxtooyo iyo Baarlamaan, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la isugu yimaaddo wada-tashi Qaran oo dalkan iyo dadkan lagaga badbaadiyo godka madoow ee ay Xukuumadda Siilaanyo ku ridayso.

Hargeysa

Himilomedia

No comments:

Post a Comment