Helsinki, 13 May, 2015-(Himilo)- Faadumo Dayib oo ah Haweeney ku dhawaqday inay u tarmayso xilka Madaxnimo ee Soomaaliya sannadka 2016-ka, ayaa ayey go'aankeeda siyaabo kala duwan uga hadleen dadka Soomaaliyeed, iyadoo qaarkood sheegay inay u arkaan inay tahay Haweeney aan fayoobeyn, maaddaama oo aanay Soomaaliya weligeed ruux Haweeney ahi ka noqon Madaxweyne. Hase-yeeshee, Faadumo Dayib, ayaa go’aansatay inay u tartanto xilka madaxnimo ee Soomaaliya sannadka soo socoda.
Faadumo Dayib oo ku dhalatay Muqdisho sannadkii 1970-kii, balse waxay Finland u guurtay iyadoo 17-jir ah. Intii ka horreysayna Kenya ayay joogtay. Waxaana Soomaaliya ugu dambeysay iyadoo 14- jir ah, dibna uguma laaban tan iyo xilligaasna, waxaase haatan ay doonaysaa inay dib ugu soo laabato dalka si ay xilka madaxnimo ugu tartanto sannadka soo socda.
“Waxa Soomaaliya iigu dambeysay anigoo 14 sano jir ah, balse waxaan hadda doonayaa inaan u tartamo xilka madaxnimo ee Soomaaliya. Muddo 25-sano ah ayaan sugayay inaan xilkan isu soo taago, mana jiro qof oggolaan kara inuu masuuliyaddaas khatarta ah xambaarto, laakiin anigu waxaan khatar u galayaa inaan Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo. Balse anigu go’aan ayaan ku gaadhay inaan taas sameeyo.” Sidaa ayay tidhi Faadumo oo la hadashay Telefishin ay xaruntiisu tahay Finland.
Sidoo kale, Faadumo Dayib ayaa sheegtay inay rumeysan tahay inay wax ka beddeli karto xaaladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay doonayso in haddii ay ku guuleysato xilka Madaxnimo inay dhisto mustaqbalka Hooyada, Carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Faadumo waxay sheegtay in waxyaabaha ay wax ka qaban doonto ay ka mid yihiin; dib-u-habeynta waxbarashada, hagaajinta caafimaadka, nadaafadda iyo dib-u-dhiska siyaasadda Soomaaliya ee ku waajahan caalamka, iyadoo xustay inay tahay tallaabo weyn Haweeney ay hoggaanka Soomaaliya qabato markii ugu horreysay.
Mar ay Faadumo ka hadlaysay doorka Haweenka Soomaaliyeed ee loo baahan yahay, waxay tidhi; “Haweenka waxa loo qoondeeyay inay 30%-kiiba ku yeeshaan kuraasta Golaha Baarlamaanka Soomaalyia, balse waxaa la siiyay 14%-kiiba, waxaanan hubaa in haddii ay intaasi isku duubnaadaan inay wax badan sameyn karaan.”
Faadumo Dayib, waxay hadalkeeda ku dartay inay xoogga saari doonto sidii ay u horumarin lahayd Haweenka iyo Gabadhaha Soomaaliyeed, si ay qayb uga qaataan horumarinta dalka; waxaanay tidhi; “Waxaan xoogga saari doonaa sidii ay Haweenku kaalin weyn ugu lahaan lahaayeen dhanka siyaasadda dalka iyo hoggaanka, anigoo gaadhsiin doona mid la mid ah kaalinta ay Raggu joogaan xilligan.”
Mar la weydiiyay in caqabadaha ugu waaweyn ee ka horjoogsan kara inay Madaxweyne noqoto ay ka mid yihiin inay Dumar tahay, Dumarkana aanay xil sare qaban karin marka la eego Diinta Islaamka, iyadoo kaga jawaabtay in taas inaanu Islaamku qabin, cid walbana ay xaq u leedahay inay xilkii ay doonto u tartanto, iyaduna ay dooratay inay jagadaas sare u tartanto.
“Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed waxa soo food-saaray dhibaatooyin ay ka mid yihiin galmoodka sharci-darrada ah, waxaanan rumeysanahay in haddii kuwa falalkaas geysanaya sharciga lala tiigsado si aanay mar dambe u dhicin tacaddiyada Haweenka lagula kacaa.” Sidaa ayey tidhi Musharrax Faadumo Dayib.
Faadumo Dayib oo ah Haweenaydii ugu horreysay ee shaacisa inay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya inay u tartanto u taagan doorashada 2016-ka, ayaa mar ay ka hadlaysay rejadeeda, waxay sheegtay inay rejeynayso inay jiri doonaan Dumar kale oo xilkan isu soo taaga iyo inay guulaysanayso haddii ay Haweenka Soomaaliyeed taageeradooda isla garab-taagaan.
Faadumo, ayaa xustay inay waajahayso loollan adag oo ay ku doonayso inay hoggaanka Soomaaliya ugu tartanto, iyadoo sheegtay inay la socoto inay jiraan dad badan oo isku garbinaya oo hunguri ka hayo xilkaas, balse ay filayso inay guul ka gaadhi doonto dedaalkeeda iyo hammigeeda siyaasadda ee hoggaamineed.
Dalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inay sannadka 2016-ka ka dhacaan doorashooyinkii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1967-kii, markaasoo doorasho Shacabku codkooda wax ku soo doorteen Soomaaliya ka dhacday, taasoo Madaxweyne loogu doortay Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo dhalay Ra’iisul-wasaaraha xilligan ee Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in 2016-ka ay Soomaaliya ka dhicayso doorasho, iyadoo tani u horseedi doonto inay shacabka Soomaaliyeed si xor ah u soo dooran karaan cidda hoggaaminaysa, waloow ay adagtay sida ay rejadaasi u rumoobi kartaa xaaladaha dalka ka jira marka loo eego, haddana waa higsi hirgelintiisa la qorsheeyey.
Hargeysa
Himilomedia
No comments:
Post a Comment