Wednesday, May 13, 2015

Buuralayda Galgala oo lagu qabtay Nin hore Ciidammada Ammaanka Somaliland ugu xidheen Gabay uu Al-Shabaab ku taageeray

Garoowe, 13 May, 2015 (Himilo)- Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo Ciidammada Ammaanka Maamul-goboleedka Puntland gacanta ku dhigeen, ayaa la sheegay inuu ku jiro Nin lagu magacaabo Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo sannadkii hore bilawgiisii Ciidammada Ammaanka Somaliland Xabsiga ka sii deysay, ka dib markii lagu xidhay Gabay uu Malleeshiyada Al-Shabaab ku taageeray.

Cabdiwaaxid Cali Gamadiid, ayaa Ciidammada Ammaanka Somaliland Xabsiga u dhigeen 12-kii Ocktobar, 2013, ayaa ka dambaysay ka dib markii Maxkamadda Hargeysa ku eedeysay inuu haysto Baastoolad sharci-darro ah, wakhti uu maalmo horteed tiriyey Gabay uu ku taageerayo weerarkii Kooxda Al-Shabaab ka geysteen xaruntii ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairoi.

Ninkan oo Ciidammada Ammaanka Somaliland Xabsiga ka sii daayeen horraanta sannadkii hore, ka dib markuu xidhnaa muddo shan bilood ah, ayaan la ogeyn xilliga uu ku biiray Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallama Buuralayda Galgala, ka hor intaan maalintii shalay Ciidammada Puntland sheegin inay qabteen Rag uu ku jiro Cabdiwahaab Cali Gamaddiid.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gaashaanle Sare Maxamed Siciid Jaqanaf, ayaa sheegay in Ninkaa lagu magacaabo Cabdiwaaxid Cali Gamadiid u qaabbilsanaa Kooxda Al-Shabaab dhinaca Gabayada sida uu Maxkamadda kaga eedeeyey, ka dib markii shalay Maxkamadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari lagu soo bandhigay Muuqooda, Magacyadooda iyo eedaha loo haysto oo ah inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin isaga iyo Rag kale oo la hor-keenay Maxkamadda.

Hargeysa

Himilomedia

 

No comments:

Post a Comment